somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by kaliil »

Shalay ayaanu meesha shaqada isku maagnay nin cadaan ah oo South African ah.Isagu meesha supervisor ayuu ka yahay, ana shaqaale caadiya ayaan ka ahay. Waxay ahayd markii labaad ee isku dhacnay. Markii u horaysay cidi namasoo dhexgelin oo intuu iga xanaajiyay ayaan ana u dhameeyay oo wax walba ku idhi, isaguna ma dacwoon. Hal week ayaanu kala aamusnayn oo maalin walba anagoo is huruufayna is dhaafaynay. Shalay ayaanu mar labaad isku dhacnay. Haddana intaan xanaaqay ayaan sidii hore oo kale u dhameeyey oo inyar ayaaban iskaga qabtay inaan feedho. Wuxuu yidhi bosska shirkada inamari isula tagnee. Waanu is raacnay oo bosskii ayaanu isula tagnay.Siday wax u jiraan markii nala weydiiyay ee labadayaduba sheegnay siday wax u dhaceen ayay doodi dheeraatay.Anigu isaga waxaan idhi waa nin edeb daran oo islaweyn, isaguna wuxuu leeyahay ninkani wuu iskakay necebyahay oo ima maqlo. Dhiigaa 100 na gaadhay oo bosska hortiisa ayaanu isku dili gaadhnay.Bosski waxaan ku idhi ninkani waa cunsuri oo qarnigii Apartheidka ayuu weli ku noolyahay. Intuu xanaaqay ayuu iigu jawaabay somalida yaa ka cunsurinimo badan? Wuxuu yidhi somalida ayaa adduunka ugu cunsurisan oo wax kale iskaba daaye idinkii isku dadka ahaa ayaa wada noolaan kari la` oo intaasoo sano islaynaya oo is dhamaynaya. Intaan yaabay ayaan waxaan ku jawaabo garanwaayay. Ilaa cadaankii baa sidaa u hadlaya!!
User avatar
2ndtoNone
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1074
Joined: Fri Apr 02, 2004 7:00 pm

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by 2ndtoNone »

waar ninyahow soomaali iyo cunsurinimadooda iska dhaafoo, waxaan ku idhi ninkii saan cadaalaha ahaa
ee south africa ka yimidh, wajiga ma umadooobeysa mise maxaa dacay?
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by kaliil »

2ndtoNone wrote:waar ninyahow soomaali iyo cunsurinimadooda iska dhaafoo, waxaan ku idhi ninkii saan cadaalaha ahaa
ee south africa ka yimidh, wajiga ma umadooobeysa mise maxaa dacay?
:lol: :lol: :lol: loool@wejiga ma u madoobaysay

30 minute ayaanu murmaynay oo kala cabanaynay. Markaan ku idhi qarnigii Apartheidka ayaad weli ku nooshahay aad ayuu u xanaaqay oo cadho ayuu la ooyi gaadhay.Markii danbe qolkaanu ku jirnay wuu kasoo cararay isagoo xanaaqsan oo cidii soo hormartana jiidhaya oo indhaha isku haya. Wakhtigiisii shaqada oo dhamaan ayuu shaqada ka tegey oo gurigiisii tegey, maantana isagoo shaqo u lahaa shaqadii muu iman cadho darteed. Beri ayaa la lahaa wuu imanayaa markaa beri ayaa haddana isaga iyo aniga miis nala fadhiisinayaa oo la isku deyayaa ina nala heshiisiiyo. Waan ka cabaadiyay oo shaqada dartaa baan uga tegayaa ayuu yidhi.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by Keyse_0208 »

kaliil wrote:Bosski waxaan ku idhi ninkani waa cunsuri oo qarnigii Apartheidka ayuu weli ku noolyahay.
may ahayn inaad apartheid iyo sheekadaa soo hadal qaadid, ama waxaad odhan lahayd ninkani waa igu racist ama meel kalaad ka dacwoon lahayd. labadiinuba run baad sheegteen, oo somalidu waa cunsuriasal ah, cadaanka south afrikaankana wax ka cunsurisani ma jiro. kanoo kale waxa fiican inaad habayn mar aad shaqada dhamaysaan aad dibada ku sugtid, intaad u yeedhid weydii "whats your problem with me, ma dagaal baad rabtaa, mise wax kalaad rabtaa :lol:
kaliil wrote:meesha supervisor ayuu ka yahay
ogoow kaliil, meesha waa lagaa sareeyaa, hadaad si diplomatic ah u dhamayn weydo, labadiina adaa horeynaya oo albaabka ka baxaya
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by Cirwaaq »

Somalis have mastered the art of pressing emotional buttons with ease. Perhabs the reason they don't get along among themselves too much pokes and prods.

:D SA can be very arrogant at times, i have had similar experience but the guy generally had a superiority complex and everybody was afraid to confront him till he met me. Each encounter left him pink faced and i found it fun... i am perverse :?
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by kaliil »

Keyse_0208 wrote:
kaliil wrote:Bosski waxaan ku idhi ninkani waa cunsuri oo qarnigii Apartheidka ayuu weli ku noolyahay.
may ahayn inaad apartheid iyo sheekadaa soo hadal qaadid, ama waxaad odhan lahayd ninkani waa igu racist ama meel kalaad ka dacwoon lahayd. labadiinuba run baad sheegteen, oo somalidu waa cunsuriasal ah, cadaanka south afrikaankana wax ka cunsurisani ma jiro. kanoo kale waxa fiican inaad habayn mar aad shaqada dhamaysaan aad dibada ku sugtid, intaad u yeedhid weydii "whats your problem with me, ma dagaal baad rabtaa, mise wax kalaad rabtaa :lol:
kaliil wrote:meesha supervisor ayuu ka yahay
ogoow kaliil, meesha waa lagaa sareeyaa, hadaad si diplomatic ah u dhamayn weydo, labadiina adaa horeynaya oo albaabka ka baxaya
Keyse waa runtaa oo waxa fiican ina si diblomatic ah loogu dhameeyo laakiin labadayduba aad ayaanu u xanaaqnay oo dhiigaa na karay. Waan ku caragsanayay oo waxaan rabay inaan aad ugasii xanaajiyo. Meesha isaga iyo saddex supervisor kale oo isku fiicanay ayaa jooga markaa supervisoradii kale way yaabeen oo waxay yidhaahdeen hadduu saxsanyahay ma carareen.Naag fiican oo Swedish ah ayaa meesha Boss ka ah markaa iyadu waa dhexdhexaad. Inshallah beri ayaan isku deyayaa inaan iyada si fiican uga dhaadhiciyo inuu isagu dhibka wado. 4 sano ayaan shirkada u shaqaynayay oo way i wada yaqaanaan inaanan cidna bilaash u maagin.Shaqaalaha shaqada joogtada ah haysta si fudud laguma eryi karo oo xuquuq badan ayuu leeyahay. Iyadoo wax khalad iska cad ah lagu arkay oo horena digniin loo siiyay mooyee si fudud looma eryi karo. Haddii la i eryana union ayaan ku jiraa oo iyagaa ii doodaya. Haddii si xaqdaro ah la ii eryo shirkada ayaa la ganaaxayaa oo lacag badan la iiga qaadayaa. Lacagta ganaaxa waxa iisii dheeraada 2 sano oo unionku mushahar isiinayo.
Last edited by kaliil on Wed Jul 21, 2010 1:43 pm, edited 1 time in total.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by udun »

Cirwaaq wrote:Somalis have mastered the art of pressing emotional buttons with ease. Perhabs the reason they don't get along among themselves too much pokes and prods.

:D SA can be very arrogant at times, i have had similar experience but the guy generally had a superiority complex and everybody was afraid to confront him till he met me. Each encounter left him pink faced and i found it fun... i am perverse :?
pink faced? Yacni feedh baad kala daashay? Faan badanaa, tolow yaa taas laga iibiniyaa? Islaaneey anoo ku ixtiraamaya arodoo xinahaaga iska marso oo halkaagaa cuudka iska shido hadda anaga naga iibin maysid niman baa laayaye. Oops, waa dhici kartaa inaad karateega taqaanid oo dee aad looto kala daashay. Haa waa sidaas :lol: :lol:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by KingWaslawi »

Inaad kaa darrayo geel ku qabatay ahayd.
Ama aad sabbaaxad xun uga dagto suxuladda ha ku socdee.
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by kaliil »

Northwind wrote:Inaad kaa darrayo geel ku qabatay ahayd.
Ama aad sabbaaxad xun uga dagto suxuladda ha ku socdee.
Kani mid sabaaxad lagu tuuri karayo maaha. Waa mid xoog weyn oo calool weyn. Si kale waan u karbaashi karaa laakiin sabaaxad waxba kaga qaadi karimaayo. Haddaan isku dayo inaan sabaxaadeeyo intuu igusoo kor dhaco ayaanay cidi iga kiciseen :lol: . Askari ayuu ka ahaan jiray South Afrika.
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by kaliil »

Cirwaaq wrote:Somalis have mastered the art of pressing emotional buttons with ease. Perhabs the reason they don't get along among themselves too much pokes and prods.

:D SA can be very arrogant at times, i have had similar experience but the guy generally had a superiority complex and everybody was afraid to confront him till he met me. Each encounter left him pink faced and i found it fun... i am perverse :?
Kaniba waa sidaa. Qaar somali ah ayaa ka cawda laakiin kuma dhacaan inay la hadlaan oo way ka baqaan. Markii hore isaga isma aqoon oo isma arki jirin laakiin haddaa shirkada dhinac uu masuul ka yahay la ii wareejiyay, kadibna markiiba waanu isku dhacnay.
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: somalidaa adduunka ugu cunsurisan

Post by Cirwaaq »

udun wrote:
Cirwaaq wrote:Somalis have mastered the art of pressing emotional buttons with ease. Perhabs the reason they don't get along among themselves too much pokes and prods.

:D SA can be very arrogant at times, i have had similar experience but the guy generally had a superiority complex and everybody was afraid to confront him till he met me. Each encounter left him pink faced and i found it fun... i am perverse :?
pink faced? Yacni feedh baad kala daashay? Faan badanaa, tolow yaa taas laga iibiniyaa? Islaaneey anoo ku ixtiraamaya arodoo xinahaaga iska marso oo halkaagaa cuudka iska shido hadda anaga naga iibin maysid niman baa laayaye. Oops, waa dhici kartaa inaad karateega taqaanid oo dee aad looto kala daashay. Haa waa sidaas :lol: :lol:
Akhi sidaas lagaa ma rabo miraayad iska fiiri qaraar aa ku haayo, 24sac maseer aa ka quuxaa. Amandhorey ha rasi adi, xoog aa u jiratay.

Ma salam
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”