Faroole (Majarteens) cant fight Dubays let alone Warsangeli

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Faroole (Majarteens) cant fight Dubays let alone Warsangeli

Post by oldenglish »

Garoowe:”Buurta Galgala Maalmaha Soosocda waa lagu kala baxayaa”Madaxweyne Faroole.
21. juli 2010

APL


FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Malayshiyo Diimeedka isku aruursanaya Buurta Galgala ee gobolka bari islamarkaasna aad ugu dhow Xuduudka gobolada Sanaag & Bari ee dawlada Puntland,waxaana uu sheegey in Xukuumadiisu ay Talaabo Milatari oo deg-deg ah ka qaadayso Malayshiyaadkaas.

Madaxweynuhu wuxuu aad u canbaareeyey Is aruursiga sida siaa’idka ah uga socda Deegaanadaas,waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in Ciidamo awood leh ay halkaas u direen islamarkaasna ay Ciidanku ku hareeraysanyihiin Buurta Galgala & Agagaarkeeda,wuxuuna Madaxweynuhu Sidoo kale sheegey in falalkii Amnidaro ee dhawaan ka dhacayey Boosaaso intoodabadan galgala laga soo abaabulayey loogana Gol lahaa inaysan dawladu halkaas Weerarin.

“Waanu lasoconaa Dhaqdhaqaaqa kasocda Deegaandaas….waxaanu ognahay in Sanado Nin Caado qaate ah oo halkaas dagan uu Malayshiyaad aruursanaya,..Marka Halkaas waxaanu ognahay in laga soo abaabulo Falalka Puntland ka dhacay qaarkood,waxaanuna halkaas u dirnay Ciidamo farabadan Awood & Lixaad intaba waanu u dhamaystirnay”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo intaas ku daray in Maalmaha soosocda Dagaal lagu kalaboxo uu halkaas ku dhacidoono.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamuud Wuxuu ku celceliyey in Xukuumadiisu ay aad uga warqabto Dhaqdhaqaaq kasta oo halkaas ka dhaca,waxaana uu sheegey in Imika la gaaray Waqtigii Hogaamiyahaas & Ciidankiisa Ciida lagu dari lahaa islamarkaasna loo tirtiri lahaa Magaca halkaas laga maqlayo oo uu sheegey in Xataa Dhawaan calan laga taagay.

“Ninka halkaas degen (Atom),wuxuu xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab,waanu Ognahay in uu Dhawaan Maro xun oo mado (Calanka Alshabaab ee Madow) meeshaas ka taagay,macno samayn mayso Maro meel lasaaray,laakiin Alqaacida ayuu rabaa inuu Xoogaa Lacag ah uga qaato”Ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

Waa hadalkii ugu horeeyey oo Sarkaalka Puntland dawladeeda ugu sareeya uu ka soo saaray islamarkaasna uga hadlo Xaalada Buurta Galgala oo Maalmihii lasoo dhaafay Uurkutaalo ku noqotay Shacabka Puntland oo aaminsan in Halkaas Khatar badani kasoosocota,waxaana uu Warka Madaxweynuhu imaanayaa xili Maalmihii lasoo dhaafay ay Wasiiro,Aqoondheerayaal dhanka ciidanka ah,Saraakiil Ciidan & Madaxda ugu saraysa dawlada Puntland kulamo xasaasi ah oo gagala ku saabsan ku lahaayeen magaalada Garoowe.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”