July 22, 2010
By Axmed Muuse Dheere
War Laga naxay ayaa ka soo baxay Taliska dhexe ee Ciidamada Sanaag ee ku sugan Badhan, waxana warkaasi sheegay Taliyaha Ciidanka C/laahi Cumar Cashuur kaasi oo xusay in dadka degan Sanaag iyo Hayland ay 3-Maalmood Gudahood uga baxeen deegaanka Hayland, Sanaag.
C/laahi Cumar Cashuur waxa uu ka dhawaajiyay in Xeerkan ay u Cuskanayaan Kii dhawaan ka soo baxay Xafiiska Sare ee Maamuka PL oo lagu sheegay isna in dadka Koonfurta Somaliya dib Loo celiyo.
Gobolada Hayland, iyo Sanaag waxa ku Nool dad badan oo Macalimiin Iskuul iyo Meherado Ganacsi ku Haysta deegaankaasi waxana warkaasi Saamayn wayn ku Yeelanayaan dadkaasi.
In kastoo Sanaag iyo Hayland ay Yihiin dhul Amaan ah tan iyo Markii ay dhacday Dawladii dhexe ee Somaliya Hadana Warkaasi ka soo Yeedhay Taliska wuxuu La mid yahay Kan Faroole Garoowe ka sheegay.
MM J
