3 Majarteens dead: I told you-Karin, Maakhir-outside Bosaaso

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

3 Majarteens dead: I told you-Karin, Maakhir-outside Bosaaso

Post by oldenglish »

Iska Horimaad Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Xaley Ka Dhacay Degaanka Karin ee Duleedka Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 1 ruux uu ku dhintay 3 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaad kooban oo xaley saqdii dhexe ka dhacay degaanka Karin ee duleedka magaalada Boosaaso.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu bilawday xaley waqti dambe ka dib markii niman hubeysan ay weerar ku soo qaadeen bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland iyadoo markaasi ka dibna ay bilaabatay rasaas la isweydarsaday.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ruux degan Karin oo ah tuulo laamiga ku taalla isla markaana Boosaaso u jirta dhowr iyo toban KM. Saddexda dhaawaca ayaa la sheegay inay ahaayeen ciidanka Puntland.

Lama oga khasaaraha soo gaaray dhinaca kale. Xaalada ayaa saaka degan sida ay wararku sheegayaan.

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa loo diray degaankaasi ka dib dagaalka, waxaana aad loo adkeeyey amaanka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca masuuliyiinta Puntland oo ku saabsan aiska horimaadkan.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalin ka hor madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqay dagaal xoogan oo ka dhan ah maleeshiyaad raacsan Xarakada Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda degaanka Galgala ee duleedka Galbeed ee Boosaaso. Puntland ayaa ku eedeysay maleeshiyaadkiisa oo ka amarqaata wadaad lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam inay ka dambeeyaan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Boosaaso.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Re: 3 Majarteens dead: I told you-Karin, Maakhir-outside Bos

Post by oldenglish »

:clap:

Continue to victory :geek:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”