Muqdisho: (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa ku eedeeyay Ciidamada AMISOM duqeymaha ay dadka faraha badani ku geeriyoodaan ee ay ka geystaan Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Kadib markii isbuucyadii la soo dhaafay gudaha Magaalada Muqdisho ay ku sii kordheen Madaafiicda faraha badan ee ku dhacaya xaafadaha kala duwan ee kuyaal Magaalada Muqdisho kuwaasi oo qasaare badan gaarsiiyay dadka reer Muqdisho ayaa waxaa siyaabo kala duwan duqeymahaasi uga hadlay dowladda KMG iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka xukuumada KMG Soomaaliya C/kariin Axmed Macalin oo shalay hadal ka jeediyay kulan looga hadlayay dib u soo celinta amaanka magaalada Muqdisho islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo waxgaradka Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay la yaabanyihiin waxyaabaha dadka reer Muqdisho ay uga hadli laayeen duqeymaha Ciidamada AMISOM ay ka geystaan gudaha Magaalada Muqdisho.
“Berigii hore ee aan xamar ku dagaalameynay waxaan isku rideynay qoriga baasuukaha iyo Suuga, hadda qorigaan taangiga iyo PM-ka ee loo geysanayo shacabka maxaa loo soo hadal qaadi la’yahay” ayuu yiri Wasiirka cadaalada.
“militari waxaa uu horey ugu socdaa Ciidan lugeynaya oo ninka ka soo horjeed ee qoriga heysta la dirira, laakiin nin sar iyo jawaano ciid ah gadaasheeda la fadhiya PM-ka uu ku ridayo shacbiga, isagama xoreynayo ninka ka soo horjeeda, waxaana taas marqaati u ah in maalin walba meeshii difaaca u aheeyn meel ka sokeysa ciidanka dowladda loo suu gudbayo” ayuu hadalkiisa intaasi ku daray.
Waxa uu sheegay in isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumada KMG Soomaaliya Saraakiisha AMISOM ay kala hadli doonaan waxyaabaha kalifey in maalin kasta shacabka Soomaalida ay ku garaacaan Taangiga iyo qoriga looyaqaan PM-ka.
“inaga iyo wasiiro cusub waxaan ku maqanahay in aan ka hadalno umadaan Soomaalida ee la dhameynayo, war madfac dal ma xoreeyo, kuwa madfaca ridaya waxaa ay dalkaani joogaan mudo 4 sanadood ah, marka waxaan u sheegeynaa madfac dal ma xoreeyee dalka wuu duminayaa, waxaana ku dhamaanaya halkaani dadkii hambada ahaa ee ka haray dagaaaladii ilaa 1991-dii” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Wasiirka Cadaalada Xukuumada KMG Soomaaliya.
Dhinaca kale Wakiilka gobolka Banaadir ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo isna maalmo ka hor la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeyay qaraxyadii kampala ciidamada Uganda ay ka aarsanayeen shacabka Soomaalida.
“waxa layaab leh markii Gaalada la qarxiyay oo Kampala ay ka cabaadeen in laga aarsaday shacabka Muqdisho jooga, dad badan ayaa hadda ogaaday waxyaabaha ciidankaasi AMISOM ay u joogaab Muqdisho, waana leynta dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir.
Marka laga soo tago eedeynta loo jeediyay AMISOM ayay Shabelle xariir la sameysay Afhayeenka Ciidanka AMISOM si ay wax uga weydiiso eedeynta loo jeediyay ciidankooda, waxaana uu ka gaabsaday in arintaasi uu haatan ka hadlo walow wareysi kale oo uu bixiyay uu ka dafiray in arintaasi ay jirto islamarkaana uu been abuur ku tilmaamay.
Siyaasiyiin farabadan oo ka madax banaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya ayaa iyagu qaba in duqeynta AMISOM ay ku garaacaan Magaalada Muqdisho inta badan ay masuul ka yihiin Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG kuwaasi oo iyana la sheego in madaafiic ay ka soo dhextooraan goobaha dadka shacabku ay ku badanyihiin
illahay ha uu naxariisto dadka masaakinta ah oo galadaan madow dhameeysay..coward ugandese nacalad baa ku taal.
