AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by CoolPoisons »

Sheekh Maxamuud Macalin Nuur Oo Ka Mid Ahaa Culumuma Ugu Waaweyn Soomaaliya Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Innaali-laahi waa innaa Illeyhi Raajucuun. Waxaan xalay si kadis ah magaalada Muqidisho ugu geeriyoodey allaha una xariistee Sheekh Maxamuud Macalin Nuur oo ka mid ahaa culumuma ugu waaweyn Soomaaliya qeyb weyna kasoo qaatay faafinta iyo u adeega Diinta Islaamka, Sheekh Maxamud Macalin Nuur ayaa waxaa la filayaa in maanta lagu aaso qubuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho. Dhamaan bahweynta Gedonet, waxaa tacsi tiiraanyo u diraya ehelada uu ka baxay marxuumka meel kasta oo ay joogaan.

Sidoo kale, dhammaan dadka hoos ku qoran waxay tacsi u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyada Gedo,G/gaduud iyo Jubooyinka waxayna si khaas ah ugu tacsiyeynayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Sheekh Maxamuud Macalin Nuur. Sheekh Maxamuud Macalin Nuur waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa Sheekh dulqaaad iyo naxriis badan taasoo u horseeedey inuu dad badan kasbado waxna ka badalo afkaartoodii hore, Sheekh Maxamuud waxaa uu uu udub dhexaad u ahaa maamulkii islaamiga ahaa ee ka hanqaadey gobolka Gedo sanadihii 1992-illaa 1997. Sheekh Maxamuud intuusan geeriyoon waxaa uu ka yimid magaalada Kismaayo oo u joogey arrimo dacwo.

Xasan Cabdullaahi Cali Fayooke
Sheekh Adan Sheekh Cabdulle
Jamaal Maxamed Ubaxle
C/casiis Xasan Faarax
Xaaji Cali Xasan Maxamed
Guhaad Cali Mire
Sheekj C//llaahi Ibraahim Ismaaciil
C/ Xayi Cismaan Garaad
C/wali Cismaan Garaad
Axmed Sheekh Xuseen
Axmed Cismaan Garaad
Bashiir Axmed C//lle Jarato
C/Shakuur Cali Mire
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Sheekh Faarax Mire Rooble
Ismaaciil Siraad Kilwo
Faarax Cabdi Xasan
C/casiis Maxamed Warsame Afgub
C/raxmaan Maxamed Warsame Afgub
C//llaahi Faarax Cali Taano
C//llaahi Xasan Cali Foolxun
C//llaahi Adan Nuure Firxad
C//llaahi Alankeey
Xuseen Guuleed Adan Adeer
C/raxmaan Ismaaciil Shire Darbane
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by CoolPoisons »

Alle ha u naxariistee, xaley Magaalada Muqdisho waxaa si kedisa ugu geeriyooday Sh Macalin Maxamuud Macalin Nuur oo ka mida Culimada Soomaaliyeed.

Xanuun aan la garan ayaa Xaley Saqdiii dhexe ku soo boodey Sheekha waxa uuna sheegay in la hayo, balse dhowr jeer ka dib oo uu Ashahaatey Nafta ayaa ka baxdey, sida ay inoogu xog warameen qaar ka mida Ehelada Sheekha oo aanu la xariirney.

Sheekhu waxa uu ku geeriyoodey Xaafada Madiina ee Magaalada Muqdisho oo degenaa, dhawaan ayuuna safar uga yimid dhanka Magaalada Kismaayo oo howlo Dacwadeed u joogay.

Waxaa lagu wadaa Janaasada Sheekha in lagula tukado Masjidka Aba-Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ka dibna lagu soo aaso Qabuuraha Barakaad.

Wixii faahfaahina oo ku aadan Geeriga kedista ee Sheekha ku timid, Aaska iyo Taariikh Nololeedkiisaba kala soco Insha Allah, wararkeena danbe.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by CoolPoisons »

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun..Waxaa hadda geeridiisu soo yeertay Walaalkay Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur.. oo ku Magac dheeraa: Macalin Maxamuud. Wuxuuna ugu Magac dheeraaday inuu ka mid ahaa Macalimiintii Qur’aanka ee Saxwada Islaamka Barakaysan kuwoodii hormuudka ka ahaa, ilaa iyo yaraantiisiina dacwada iyo diinta fidinteeda, barasho iyo baridba ku soo jirey.

Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, waxaan aqaaney muddo dheer oo aanu ku walaalowney dariiqa dacwada Islaamka ee wanaagsan. Waxaan isla soo joogney ayaama badan oo macaan iyo qaraaba leh, gaar ahaanna 20kii sano ee u dambaysey ee dalkeenna iyo dadkeenna ay soo food saartay xaaladda adage e murugada leh. Haddaan Macalinka waxyaabahaan ku bartay wax ka tilmaamo waxaan dhihi karaa:

AHLU QUR’AAN

Walaalkay Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aan u Rajaynayo inuu ka mid ahaa dadka Xadiisku ku magacaabay (Ahlul Qur’aanka) waayo wuxuu ka mid ahaa dadka Kitaabka Ilaahay xafidsan oo korka ka haya, isla markaana isku daya inuu akhlaaqdiisa yeesho oo ku sifoobo, kuna camal falo. Wuxuu ahaa nin Kitaabka Ilaahay had iyo jeer carabka ku haya oo jecel. Ilaahay waxaan uga baryey inuu ka mid dhigo dadka la yiraahdo maalinta qiyaamo: Akhri oo darajooyinka kor u fuul.

SALAATU LEYL:

Walaalkay Macallin Maxamuud iyadoo la neg yahay iyo iyadoo safar la yahayba isku meel waa seexannay. Meel qabow iyo meel kulul. Meel baqdini jirto iyo meel nabad gelya leh. Intaba waxaan ku bartay Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inuu ahaa dadka (Ahlu Leylka) ah, ee Salaadda Qiyaamu Leylka jecel ee tukada. Marar badan ayaan arki jirey isagoo dadka ka hor toosay oo salaadda u taagan. Markii ugu dambaysey ee uu xajka yimaadana waa wada xajiney oo sidaas ayuu ahaa. Markii uu Masuulka ka ahaa gobolka Gedo sagaashameeyadiina sidiisa ayuu ahaa oo isma bedelin.

AKHLAAQ WANAAG!

Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa nin aad u akhlaaq wanaagsan, dabeecad qabow, dhaqan fiican, ixtiraam iyo qaddarin dadka kula macaamila. Wuxuu ahaa nin ilaahay degganaan iyo dulqaad ku mannaystay. Si kasta oo xaaladdu u kacsantahay, ama dadku u kululaadaan, ama dooddu u badato, Macalin Maxamuud waxaad arkeysaa, inuu dhoolla cadaynayo, deggan yahay, waxba maaha leeyahay, hadal qabow oo qanaaca leh mooyaane wax kale aadan ka maqli hayn. Ma garanayo cid la dhaqantay oo Macalin Maxamuud kelmad juruxa ka sheegatay. Wuxuu ahaa nin aan dadka hadal yar oo qallafsan ku oran Karin, kelmadaha aad u kala doorta oo midda ugu fiican isku daya inuu adeegsado. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ka dhigo kuwa loogu bishaareeyey akhlaaqdooda wanaagsan darteed iney Nebigeenna Calayhi Salatu Wasalaam, ugu majlis dhow yihiin maalinta qiyaamo.

GEESINIMO:

Walaalkeen Macallin Maxamuud isagoo sidaa aan sheegay nin deggan oo qabow oo macaan ah, haddana xaaladdu markey kululaato wuxuu ahaa nin Geesiya, oo aan mabaa di’diisa ku adag. Wuxuu ka mid ahaa raggii ku mintiday maamulkii Islaamiga ahaa, ee Gobolka Gedo Sagaashameeyadii, markii ay kusoo duushey Xabashidu. Wuxuu ahaa nin doodiisa ka caddaysta golayaasha laysugu yimaado.

CILMI IYO XIKMAD:

Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aqoon diineed oo wanaagsan leh, dacwada u dhabar adayga, ayaamihii u dambeeyey wuxuu ku negaa Magaalada Kismaayo oo uu dacwada ka wadey, isagoo ku sabraya Culays kasta oo jira. Booqashadan gaaban ee uu reerkiisa Muqdisha kusoo gaareyna wuxuu – uga sii gudbi lahaa – sida la ii sheegay Gobolka Gedo, oo uu rabey inuu u socdaalo maalinta Isniintaa ee soo socota markuu 2 beri reerka la joogo, halkaasoo uu jeclaa inuu Dacwo iyo Islaax kasii wado, Kutub ka akhriyo, cilmiga dadka gaarsiiyo, hase ahaatee, geerida ayaa kasoo hor martay oo ajashiisi ayaa halkaa ku ekaatay. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu noqdo kuwa adduunka ka raaxaystay. Sheekhu wuxuu ahaa nin cilmi iyo xikmad Ilaahay siiyey, oo dacwada xikmad ku wada siduu Ilaahay na faray. Waxaan xasuustaa ayaamihii uu Maamulka Gobolka Gedo Qayba ka mida Masuulka ka ahaa iney dhici jirtey arrimo dadku isaga hor yimaado oo dagaal keeni karta, laakiin macallinku xikmad iyo dulqaad ku kala furdaamin jirey.

ZUHDI & XISHOOD

Walaalkeen Macallin Maxamuud Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin Zuhdi badan oo aan adduunyada is raacsiin, kuna qamaamin oo aaney wax weyn la ahayn. Waxaan xusuustaa markuu maamulka ahaa, iyo markuu macallinka ahaa, iyo markuu khaliijka mudda kooban tegeyba inuu isku si ahaa. Wuxuu ahaa, nin adduunyada iyo dhalaalkeeda iska ururiya, oo xishood badan, dhawrsoon oo af gaaban. Hal mar ayuu ku fekerey dalka dibaddiisa inuu u boxo, markaasna wuxuu shaqa Imaam nima ah ka helay dalka Imaaraadka Carabta. Meel Tuula ah ayaa la geeyey inuu Imaam ka noqdo oo dadka Tujiyo. Macallinka oo ahaa, nin Daaciya oo weyn, oo Ummaddu ka faaiidaysaneyso, una baahantahay, uma cuntamin inuu Tuula yar oo carbeed Imaam ka noqdo oo mushaar ku qaato, Ummaddii uu zaciimka u ahaa ee u baahnaydna ka tago, sidaa darteed ayuu bila yar ka dib kasoo ruqsaystay oo dalka kusoo noqday, Meelnana mar kale ugama bixin, inuu dan yar u boxo, ama xaj iyo cumro u tago mooyaane. Wuxuu waagaas igu yiri: Markaan tuuladii Imaaraadka tegey, oo aan arkay meel aanan dad wax uga sheegayn, oo dacwa ka wadayn, oo dad kaygii iyo shacab kaygii aanan arkayn, waxaan isu arkay nin dembi galay ee meeshan lagu soo xabbisay cararkii uu dalka iyo dacwada kasoo cararay, markaas ayaan xasuustay buu yiri, aayadihii Nebi Yuunus Calayhi Salaam lagaga sheekeeyey: Inuu Fakaday, oo Doonta Fuulay, Dabadeedna Badda la dhigay oo Kalluunka calooshiisa lagu xabbisay…

Qalbigu waa murugoonayaa, ishuna waa ilmayneysaa, waxaan Ilaahay ka raalli ahaynna ma oran karno, Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa Walaalkeen Macallin Maxamuud ha u naxariistu, Jannaatul Firdowzna Allaha nagu kulmiyo, Eheladiisii & Asxaabtiisiina Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo. Ilaahayna waxaan ka barinay inaanu gadaashiisna na fitnayn, ajarkiisana naga qadin.

Adduunyadu waa qof ka nastay iyo midey ka nasatay sida xaddiisku sheegay. Ilaahay haka dhigo kuwa adduunyada iyo dhibkeeda ka nastay, dembigiisana Allaha dhaafo, durrayidiisiina allaha xifdiyo, kaalinta dacwada booskiisi kaga bannaanaatayna Ilaahay wax ka khayr badan ha innoogu bedelo, isaga Jannaatul Firdowz ha ugu abaal gudo Aamiin.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by CoolPoisons »

not even an AUN to 1 of the big sheikhs oo diinta fiidiyey in Somalia laakin a topic about Drake kissing a somali girl gets 100 pages
User avatar
qoraxeey
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20485
Joined: Sat Dec 05, 2009 12:37 pm
Location: Im special

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by qoraxeey »

Alle ha uu naxaristo :rose:

from reading the text he seemed to have been great Sheikh ! mashallah
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34540
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by Hyperactive »

Allah o nahareesto muslimka inta dimatay iyo kuwa noolba.

ps; it's not because they dont wish rahmah to the dead guy, just cause people dont take you serious, at least i dont take you seriouslly, that's why some people dont even open any of your topics!!!

i just felt bad 3 replys from your self, i had to click your topic!!
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by grandpakhalif »

AUN

Surely one of the signs of the Day of Reckoning is when the men of knowledge start dying off
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by Siciid85 »

AUN
User avatar
Nabeela
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23408
Joined: Mon Jan 02, 2006 4:56 pm

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by Nabeela »

hyperactive wrote:
i just felt bad 3 replys from your self, i had to click your topic!!

lol


Allah yar7am.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by AhlulbaytSoldier »

Iam interested in his view regarding xisbul islam and alshabaab. Does anyone know that?


Salaadii Janaasada waxaa lagula soo Tukaday Masjidka Salaama, waxaana Aaskiisa iyo Salaadiisii Janaasadaba ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socda Xoogaga Al-Xisbul Islaami & Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aways.
http://www.somalimirror.com/2010/07/24/ ... -muqdisho/
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by ToughGong »

AUN
User avatar
marcassmith
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2119
Joined: Fri Oct 05, 2007 12:21 pm
Location: Performing with an Acid Jazz group - touring the world and making good music

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by marcassmith »

Alle ha u naxariistee
User avatar
2ndtoNone
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1074
Joined: Fri Apr 02, 2004 7:00 pm

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by 2ndtoNone »

Allah ha u naxariisto, wasalallahu cala sayiduna Muhamadu-rassullah S.C.W.
Aristokraft
Posts: 172
Joined: Fri May 07, 2010 5:28 pm

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by Aristokraft »

Allahu naxariisto, amiin.
Hussein53
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 297
Joined: Sat Feb 23, 2008 7:31 pm

Re: AUN 1 of the biggest Sheikhs in Somalia died today

Post by Hussein53 »

AUN
This is our Shiekh, the Shiekh of this nation, May ALLAH reward him for his good and forgive him for his short comings
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”