Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo La Socday Diyaaradda Emirates Airways,Kadib Markii Uu kasoo Kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Garaadku Markii Uu Ka Soo Degay Garoonka Dubai ee Caalamiga Ah Waxaa Si Gaar Ah Ugu Soo Dhaweysay Shirkadda Soo Dhaweynta Ee Qaabisha Madaxda Loona Yaqaan Marhaba, waxayna Garaadka Ka soo Saareen Qaybta u Gaarka ah Madaxda, Halkaas oo ay ku sugayeen Dadweynaha SSC ee Ku Dhaqan Magaalada Dubia iyaga Oo Uu Horkacayey Guddoomiyaha Jaaliyadda Eng. Cali Xaaji Cige.
Jaaliyadda Dubia Ee Uu Horkcayey Eng. Cali Xaaji Cige Waxay u sii Galbiyeen Garaadka Hoygii uu ka degenaan Lahaa Magaalada Dubia inta uu ku sugan yahay,waxaana la filayaa maalmaha soo socda in uu Garaadku u qaban doono shir Jaaliyadda ka hor inta uusan u anbabixin Carriga Ingiriiska oo uu muddo ku nagaan doono.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Ay ku Sugayeen Garoonka Dubia Dadweyne Aad u farabadan kuwaas oo ka kooban Ganacsato, Aqoonyahano, Iyo Dhallinyaro Aad u fara badan, ayaa wuxuu noqonayaa Socdaalkiisani kii Labaad oo uu u qaado dhankaas iyo qurbaha, waxayna Jaaliyadda Imaaraakdu Noqotay Tii Ugu Soo Dhaweyn weynayd Marka Laga Hadlayo Qaabka Socdaalka iyagoo Xidhnaa Calanka Somalia Iyo Sawirada Garaadka.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxaa uu ka soo anbabaxay Bilowgii Bishan Magaalada Gaalkacayo Oo Uu ka Soo Bilaabay Safarkiisii, ka hor intii uusan Imaan Nairobi, waxaa uu muqdisho Kula Kulmay, Madax iyo Siyaasiyiin Somaliyeed, kuwaas oo garaadku uu kala hadlay sidii ay ugu guntan lahaayeen nabadaynta Somalia iyo horumarinta dalka oo idil.
sawirada shirkii xogwaran ee nairobi







the garaad beimng welcomed in nairobi airport
[imghttp://lh5.ggpht.com/_qxBfm5iKalQ/TD4OK5SLAeI/AAAAAAAABNA/Ksr_gsP0tBY/nai1.jpg][/img]






