
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Karin oo 15-KM Dhanka Galbeed Bosaaso ka xigta ayaa sheegaya in Iska Hor imaad uu dhex maray Ciidamada Maamulka PL iyo kuwa Ilaalinta Khayraadka Sanaag Hayland iyo Galbeedka, Bari, Warka aanu Helay ayaa daboolka ka qaadaya in Weerarkaasi Lagu Dhaawacay Laba Askari oo ka Tirsan Kuwa PL, Sidoo kale Dagaalka ayaa ahaa mid Gaadmo ah ay soo qaadeen Ciidamada Huwanta ah e Faroole Maamulo.
Cutub ka mid ah kuwa Ilaaliya Khayraadka Deegaanka oo Saldhig Ku Leh Buuraha ayaa la sheegay in Heegan La Galiyay Kuwaasi oo Jilibka u Laabaya Malayshiyaadka Garoowe hadii ay Isku dayaan inay Weeraranaan Deegaankooda.
Ujeedka Ugu wayn ee weerarka Galgala ayaa ah in Dadka la Marin Habaabiyo oo Beesha Caalamka Laga Gado in Galgala Joogaan Al-Qaacida, Hase yeeshee Xaqiiqda ayaa ah in Galgala ay Joogaan Wiilashii u Dhashay oo Difaacaya Deegaankooda sidii aan Macdanta deegaanka Dhuumaalaysi Loogu Guran.
Muuse ALi
Bosaaso