
Waxaa Todobaadkii labaad weli ku xiran Xabsiga Garoowe Suldaanka Beesha Absame ee Gobolada Puntland Suldaan Jaamac Xasan Ibraahin, mana jiraan ilaa iyo hadda cod ka hadashay Suldaanka Dulmiga lagu hayo iyo Ilhaanada aan qaban Saladiinta Soomaaliyeed.
Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka reer Puntland waxa ay ugu baaqayaan eheladiisa in ay gacan ka gaystaan sidii Maamulka Faroole looga sii deyn lahaa Suldaanka Beesha Absame ee ku dhaqan Puntland.
Suldaan Jaamac Xasan wuxuu ka mid yahay Isimadda Gobolada Puntland waxaana, laga soo qabtay isagoo howlo dhaqan ah u jira Gobolka Mudug oo uu si gaar ah u soo xiray Gudoomiyaha Gobolka Mudug una soo dhaadhiciyey Xabsiga Garoowe.
Suldaanka wuxuu ku mashquulsanaa howlaha Beesha oo sida la sheegay Gaadiid la kala dhacay uu xalinayay iyo dhiigaga isku sheeganayaan Beesha iyo Beelo kale oo deegaanka ah.
Xaalada sikasta ha ahaate waxaa muuqanaya in dhamaan laga wada aamusay dulmiga Maamulka C/raxmaan Faroole ku hayo Hogaanka Dhaqanka ee Beesha aanu walaalaha nahay ee Absame. sidoo kale waxaa soo baxaya in dagaal iyo colaad uu ka dhex abuurayo Maamulkan Puntland ragga madaxda ka ah shacabka Soomaaliyeed iyo Puntland.
MM Dheere
Garoowe