Laag Dagaal ayaa hada ka socda: Maakhir 15 kms South Bosaaso

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Laag Dagaal ayaa hada ka socda: Maakhir 15 kms South Bosaaso

Post by oldenglish »

Laag Dagaal ayaa hada ka socda
July 26, 2010
By Juuj
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laag ee ka Tirsan Gobolka Bari ayaa sheegaya in Dagaal Xoogani Haatan ka socodo deegaanka Laag ee 15-Km u jirta Bosaaso, warka ayaa sheegaya inuu dagaalkaasi u dhexeeyo Ciidamada Ilaalinta Khayraadka Deegaanka ee Majiyahan Saldhigooda wayni Yahay iyo Malayshiyaad Hubaysan oo Sida Shaati Maamulka Faroole.


Qof goob Jooge ah oo diiday Magaciisa inaan xigano ayaa noo sheegay inuu dagaalko Socod, ayna Jiraan Hub badan oo laga Qabsaday Ciidamada PL iyo waliba Dhimasho soo Gaadhay.

Dhanka Ciidamada Ilaalinta Khayraadka Sanaag, Galbeedka Bari iyo Hayland ayaan wali war Laga hayn Gulufkaasi Colaadeed Khasaaraha ka soo Gaadhay in kastoo ay wali Jilibka isu Laabayaan Labada dhinac.

Sidoo kale magaalada Bosaaso ayaa Rasaas Teel teel ah laga Maqlayaa iyo waliba Kacdoon Shacab oo diidan Dagaalka ka socda Jiidaha Hore, dadka Bosaaso ayaa Moodaa inay aad uga xun yihiin Weerarka Gardardaha ee ay qaadeen Ciimdada Huwanta ah ee Garoowe ka soo duulay.

War aan wali la shaacina wuxuu sheegay in Laba Gaadhi oo Nool dagaalka ah ay u Galeen Ciidamada Atam kuwaasi oo ka Goostay Malayshiyaadka Puntland, Ciidmada Goostay ayaa La sheegay inay ka Cadhoodeen dagaalka Lagu doonayo in lagu Qabsado deegaanka Majiyahan.

MM Dhere

Bosaaso
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”