
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland lagu soo duuley oo ay ku soo duuleen Argagixiso caalami ah oo is bahaysatey kuwaas oo ka kala yimid caalamka oo dhan.
“….Waxaa xalay ka dhacay magaalada Bosaso meel u dhaw dagaal aad u xoog badan, waa la caabiyey dhimasho badan ayaana soo gaartey, waana laga sifeeyey meelihii ay soo weerareen, waxaana laga qabtey saraakiil ka mid ahayd kuwa weerarka soo qaadey oo uu ka mid yahay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ahaa ninkii hadda ka hor soo weeraray magaalada Baargaal isaga oo wata ciidamo ajnabi ah….” ayuu Madaxweynuhu
Dr.Faroole ayaa sheegay in malayshiyadii dagaalka ku soo qaadey ay ka dileen 13 nin, waa sida hadalka uu u dhigay, mana jirto ilo madax banaan oo arintaas xaqiijiyey.