Sida laga yaabo in aad in badan ku maqasheen Taariikhda, Suugaanta iyo Maansooyinka Qadiimiga ah, Magaalada Hargeysa waxa berigii hore loo yaqaanay "Herer’, taasna waxa ka marag kacaya gabayada uu ka midka yahay Gabayga uu tiriryay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee ah
Gadh-hunguriySa Habar Yoonis iyo, Herer nin joogaa leh
Iyo weliba gabayga uu tiriyay Xasan-Tarabi ee ah
Ayuun baaba deyr lagu rakibay, dooxyadii Herere
Haddaba goorma ayaa laga badalay Hargeysa magaceedii Herer?
Taariikhdu markii ay ahayd ku dhawaad 1918-kii waxa magaalada Hargeysa yimi badhasaab Ingiriis ah, oo magaciisa la odahn jiray Dalamiye, isaga oo u yimi Suldaankii Somaliland ahaan Suldaanka Hargeysa ee wakhtigaas ee Suldaan Diiriye, iyo Xaaji Maygaag Cilmi. Dalamiye waxa uu Suldaan Diiriye iyo Xaaji Cilmi waydiiyay magaca magaalada ay deggan yihiin, kadib waxa ay u sheegeen in magaalada la yidhaahdo "Herer". Dalamiye waxa uu markiiba ku jawaabay "There are two many Herers in East Africa" oo uu macnaheedu yahay " Herero badan ayaa ku yaalla Bariga Afrika", waxaanu Dalamiye isku qalday magaalda Harare ee dalka Itoobiya iyo Hargeysa oo Herer loo yaqaanay
Sida uu ka warramay Caaqil Xasan Badmaax,oo ka mid ah cuqaasha ruug-caddaaga ah ee Hargeysa, Waxa judhiiba magacii Herer ee Hargeysa loo yaqaanay badalay Xaaji Maygaag Cilmi oo yidhi "Magaaladan Herer lama yidhaahdo, ee Harga-Geys ayaa la yidhaahdaa", Markii dambena waxa la isku dhuftay labadii kelmadood ee Harga iyo Geys oo laga dhigay Hargeysa, Waana laga yaabaa in ay dad badani maqleen beri hore in magaca Hargeysi ka yimi Harga-Geys, sidaas ayaa magaaladii Herer loo yaqaanay loogu bartay Hargeysa, Ingiriisku ku qaatay magacii uu bixiyay Xaaji Maygaag Cilmi oo ka mid ahaa odayadii aftahanka iyo odaynimada lagu yaqaanay ee Hargeysa, oo noolaa wakhtigii uu noolaa Suldaan Diiriye Suldaan Xasan.
Dalamiye waxa uu markiiba Hargeysa u dhaafay dhinaca Nairobi, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay ninkii magaaleeyay Nairobi, jidkana waxa sii mariyay koox uu hogaaminayo abwaankii geesiga ahaa ee Xuseen Xasan, kooxdaas oo u xulay Suldaan Diiriye.
Siciid Maxamuud Gahayr
Education and Research Academy "ERA"
Hargeysa
Saedmgahair|@hotmail.com
how did hargeysa retain the name (hargeysa)
Moderator: Moderators
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: how did hargeysa retain the name (hargeysa)
Who is Siciid Maxamuud Gahayr? is that the grandson of gahayr.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: how did hargeysa retain the name (hargeysa)

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 106 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 17 Replies
- 6884 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 109 Replies
- 18655 Views
-
Last post by mahoka
-
- 8 Replies
- 1143 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer
-
- 1 Replies
- 1027 Views
-
Last post by Cawaandi_91
-
- 7 Replies
- 905 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 24 Replies
- 2407 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 29 Replies
- 3126 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 3 Replies
- 798 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 7 Replies
- 1155 Views
-
Last post by WasteMan