Boqor-Buur-Madow Not Happy about the New Goverment
Posted: Wed Jul 28, 2010 9:49 am
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow ayaa maanta markii ugu horeysay sheegay in uu hambalyaynayo dawlada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Waxa kale oo uu boqorku sheegay in qaabka uu madaxweynuhu u soo dhisay dawladiisa cusubi aanu ahayn mid isaga farxad gelinaya, isla markaana uu ka naxayo balse buu yidhi waa la eegi doonaa waxa ay dadku u qabtaan.
Boqor Buurmadoow waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in jabhada SSC aanay ahayn wax sii jiri kara isla markaana aanay ku midaysanayn dadka u dhashay deegaamada ay ka soo jeedaan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta si gaar ah ugu waramayay shabakada calaamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan
“horta waxa dhalatay dawlad ay Somaliland oo dhami u sacabisay oo rabitaankooda ku timid, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa, waana markii ugu horaysay ee aan hambalyeeyo dawlada, laakiin qaabka dawlada loo dhisay qaab aan ku farxayana maaha, qaab aan ka naxayona”
Dhinaca kale mar uu Boqor Buurmadoow ka hadlayay dareenkiisa ku aadan jabhada hubaysan ee SSC ayaa sheegay in aanay ahayn mid sii jiri karta, maadama buu yidhi aanay lahayn ujeedooyin cadcad oo ay ku dagaalgasho “Jabhadaas waxa aan filayaa in aanu dagaalkeedu ahayn mid sii jiraya, waayo waxa aanay lahayn mabaadii’ cadcad oo ay ku dagaal gasho, mana aha waxa ay umadi ku tashatay ee waa wax ay laba nin iyo rag kooban, waxaanan anigu u arkaa in ay yihiin wax warbaahinta iyo Media-ha lagu qurxiyo, arinku sida wax looga sheegayana ma aha, arrintaasina maaha mid ka suuroowda garaadada iyo wax garadka beesha Dhulbahante”
Mar aanu waydiinay bal dhinaciisa in ay u muuqato in Madaxweyne Siilaanyo uu soo dhisay dawlad tayo leh ayaa waxa uu yidhi “Anigu odhan maayo dawlad tayo leh ayuu soo dhisay, mana noqonayo qofka ugu horeeya ee wax ka sheega, hadii ay wax qaban karaana waa la eegi doonaa”