As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Rightwing »

Cirwaaq wrote:When the people are ignorant and do not know what is best for them they need to be led in the right direction. A leader of any somali group is like a shepard who is leading a 100 camels all tied one behind the other. Now if the last camel in the chain is making noice about the direct the shepard should be taking then they should just be ignored.
Cidna yaan loo joojin. Hadii bulshadu jaahil wada tahay lama dhegeysto waa in la hogaamiyaa. Siyaad Barre was right to rule this nation with iron grip...........



RW
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Rightwing »

Iddors are just ignorant and choose to stand by their preconceived conclusion.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by grandpakhalif »

RW,

Who's the man in your avatar
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Rightwing »

RIP Ali Maarshaal. He was very wise man. The only Iddor man with some brain for ages.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Mr_Alfaas »

Rightwing wrote:RIP Ali Maarshaal. He was very wise man. The only Iddor man with some brain for ages.
:up: :up: :up: aad baan ooga naxay maalintuu geeriyooday although i dont ven know qabilkisa lakin nin jira ayu aha...trully he will be missed for ages.
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Dhaga Bacayl »

Rightwing wrote:RIP Ali Maarshaal. He was very wise man. The only Iddor man with some brain for ages.

ILAHAY HA U NAXARIISTO odey adeerkay oo aqoon yahanuu ahaa. It was tragic death that we will never recover from. My first couz is married to his daughter

Rightwing,

What post would he get if he was alive with Sillanyo's geverment?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by The_Emperior5 »

may allah bless his sould ali marshaal he did so much for somaliland and kulmiye :up:
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by grandpakhalif »

RW,

Ninkaan ma siyaasi ahaan jiray mise wa Professor ama dhaktar?

AUN
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Rightwing »

Ali Marshal was the only reformer in his party. He was the party reform's brain. Somalians hated plans and changes, so Marshal was put into a challenge. It took 3 years for his plan to be accepted. If we had a group of men like him in Somaliland, our country would be stronger.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: As Cirwaaq have said noisy dameer should just be ignored

Post by Rightwing »

Taariikhdii Marxuum Cali-maarshaal

Wuxuu ahaa aqoonyahan wayn oo magac iyo maamuus-ba ku dhex-lahaa bulshada Reer Somaliland. Waxa uu ahaa shaqsi cibaadada Alle u degdega. Wuxuu ahaa mid ka mid ah udub-dhexaadyadii Xisbiga KULMIYE. Wuxuu ahaa aqoonyahan naftiisa iyo maalkiisaba u huray xorayntii dalkan Somaliland. Wuxuu ahaa ruux shaqsiyad wanaagsan, akhlaaq badan oo af-gaaban, daacadnimo ku sifoobay oo geesina ahaa. Waxa uu ahaa saaxiib qaaliya oo saxaafadda iyo inta qallinka ku dirirtaaba inbadan tebayso oo aan kaabihiisa la buuxin karin.

Haddaba, shaqsiyadii sifayaashaas wada hantay, waa kuma? Rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee waa Cali Maxamed Guulleed (Cali-maarshaal) oo 05 August 2009-dii ku geeriyooday shil-baabuur oo ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Berbera, isaga oo xilliggaas ka mid ahaa masuuliyiin Xisbiga KULMIYE ah oo soo dhawaynayay Guddoomiyaha xisbiggaas oo immika ah Madaxweynaha loo doortay inuu hogaamiyo dalkan Somaliland. Sidaa daraadeed, maadaama oo ay sannadguuradii koowaad ee geeriddiisaa inaga xigaan wax ka yar laba toddobaad, ayaa akristayaasha Wargeyska Ogaal waxaanu ugu soo bandhigaynaa si taxane ah taariikhihii waxbarasho, shaqeed, halgameed iyo nololeed ee Marxuum Cali-maarshaal oo aynu si faahfaahsan u lafo-guri doono waayihiisii ka hor intii aanu xaqu ku soo degin.

Qaybtii 1aad:

Sidii aanu idiinku shaacinay cadadkii Khamiistii, waxa uu Ogaal ballanqaaday taxanihii taariikheed ee Marxuum Cali-maashaal, taasoo si xidhiidh ah aanu jecelahay inaanu idiinku soo gudbino hor inta aan la gaadhin maalinta sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay xilligii uu geeriyooday.

Haddaba, Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Guulleed (Cali-maarshaal) kumuu ahaa? Aynu kaga bilawno noloshiisii hore. Alle ha u naxariistee Marxuum Cali waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa sannadkii 1945-kii. Waxaanu la dhashay afar wiil iyo afar gabdhood oo kala ah; Marxuum Axmed, Rashiid, Cabdi, Xasan, Faadumo, Xaliimo, Ruun iyo Sahra. Marxuumku waxa uu guursaday saddex dumar ah oo kala ahaa Aamina Yuusuf Cige, Fadxiya Cumar, Yaasmiin Sakaale, waxa uu ifka kaga tegay afar caruur ah oo kala ah Inan iyo saddex wiil oo kala ah, Faadumo, Rooble, Geelle iyo Mahad. Isla markaana wuxuu Awow u ahaa 13 caruur ah oo ay ubadkiisu dhaleen.

Alle ha u naxariistee Marxuumku yaraantiisii wuxuu waxbarashadiisii Qur’aanka ka bilaabay Malcaamadii Sheekh-baraawe, halka Dugsigiisii Hoose uu ka bilaabay Dugsigii Riis loo yaqaanay oo immika lagu magacaabo Sheekh Cismaan. Waxbarashadiisii Dugsiga Dhexe waxa uu ku soo qaatay Dugsiga Axmed Gurey.

Sannadkii 1963-kii ayuu Marxuum Cali-maarshaal u gudbay Dugsiga Sare ee Sheekh, kaasoo uu dhamaystay sannadkii 1967-kii. Marxuumku intii uu ku jiray Dugsiga Sheekh, waxa uu ka mid noqday ‘Boy Scouts,’ waqtigaas ayaana macalin wax ka dhigi jiray dugsigaasi oo lagu naanaysi jiray ‘Gacma-dhere,’ ayaa hawlkarnimadii dheeraadka ahayd ee uu muujiyay iyo quwad iyo joog uu Illaahay u dhaliyay awgeed ugu bixiyay magaca uu caanka ku ahaa ee ‘Cali-Maarshaal.’

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii dalka iyo dadka Somaliland u kacday ee firfircoonida dheeraadka ah lahaa. Marxuumku markii uu dhamaystay waxbarashadiisii Dugsiga Sare waxa uu shaqadii ugu horaysay ka qabtay Dekeda Berbera oo uu ka noqday Xisaabiye ilaa uu ka gaadhay heer Maareeye.

Qaybta 2aad

Alla u naxariistee Cali Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal) wuxuu doorbiday inuu iskii u shaqaysto, taasoo uu u leexday xaga ganacsiga waxaanu ka aasaasay magaalaa Hargaysa shirkad la odhan jiray Hanti-Wadaag Trading Company sanadkii 1970-kii waxaanu si aad ah ugu hawlgalay hirgelinta ganacsiga casriga ah oo u badnaa, xoolaha nool iyo hargaha.

Ganacsigaasi wuxuu gaar u ahaa oo mulkiyadiisa ciddi la wadaagin alla ha u naxariistee Cali Maarshaal.

1971-kii waxa uu ku guulaystay inuu heshiis la galo ganacsato reer Kuwait ah in xoolaha, gaara ahaan adhiga lo’da oo lagu qalay Hargaysa iyo Burco ay diyaarado iyo maraakiib ku qaadaan lagana daad gureeyo madaarka iyo dekeda Berbera.

Ganacsigaa oo qiimo wayn u lahaa dalka iyo bulshadaba darteed waxa uu Cali Maarshaal diyaariyey qorshe iyo deraasad uu ku dhisi lahaa goobta qaliinka xoolaha iyo hangar qabojiye leh oo lagu kaydiyo hilibka inta rarka ay sugayaan.

Waxaanu u gudbiyey dawladii kacaanka ahayd si uu ogolaansho ama ruqsad uga helo, waa la soo dhaweeyey, waana laga guddoomay qorshaasi, waxaana lagu wargeliyey inuu go’aanka ogolaanshaha barnaamijka ka sugo dawlada.

Masuuliyiintii kacaanka oo xilligaas ugaadhsanayey fikradaha qiimaha leh ee aqoonyahanka dalka isla markaana u diyaar ahaa inay la wareegaan wax kasta oo manfac leh kuna wareejiyaan cid iyagu ay dano gaar ah ka leeyihiin, waxa ay go’aamiyeen in Cali Maarshaal lagala wareego qorshahan ganacsi ee casriga ah, ka dib iyada oo aan war lagu soo celin, waxa deraasadii iyo barnaamijkii oodhan ay xukuumaddii Siyaad Barre ku wareejisay, gacantana loo geliyey Wakaalad dawladu lahayd oo la odhan Livestock Devevlopment Agency (LDA) way la wareegtay waxana ay ka bilawday kaantaroolka Hargaysa, wadada Berbera u baxda dhinaceeda midig dhisme loogu talo galay qaliinka xoolaha iyo qaboojiyeyaal lagu kaydiyo, waana la dhamaystiray iyada oo aan Marxuumka Cali Maarshaal wax xidhiidh ah lala samayn, balse loo xoog sheegtay lagana fara maroojiyey ee uu la yimi.

Qaybtii 3aad

Akhriste Qormadeenii labaad waxay inoo joogtay…in lala wareegay mashruucii ganacsi ee Marxuum Cali-maarshaal sameeyay, iyada oo aan marxuumka waxba lagala socodsiinin, balse loo xoog-sheegtay.

Xukuumadii Kacaanka ahayd waxay ku wargelisay Shirkadii Kuwaytiga ahayd in xilkii iyo heshiiskii ganacsi ay la galeen Alle ha u naxariistee Cali-maarshaal lagu wareejiyay Wakaalada Livestock Development Agency (LDA).

Isla markaana ay Wakaaladdasi awood u leedahay inay fuliso ganacsiggaas. Sidaa awgeedna ay la macaamilaan keliya LDA, dabadeedna uu Marxuum Cali-maarshaal meesha ka baxay.

Ganacsatadii Reer Kuwayd way ka biyo-diideen inay xukuumad millateri ah la yeeshaan wada-shaqayn ganacsi, waanay ku gacan-saydheen dawladii kacaanka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Alle ha u naxariistee Cali-maarshaal sababihii kelifay inuu dalka ka dhoofo ayay ka mid ahayd dhacdadani.

Sannadkii 1973-ii aakhirkiisii, waxa uu tegay marxuumku Xajka, isaga oo xilkaas la gudanayay hooyadii Cambaro Jaamac Nuur. Ka dib gudashadii Xajka waxa uu u dhaafay Abu-dabey.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1974 – 1976-kii, waxa uu xisaabiyenimo ugu shaqaynayay Shirkad Ingiriis ahayd oo la odhan jiray Polling Company, taasoo uu Marxuumku ka gaadhay ilaa heer-maamule, halkaasoo walaalkii Rashiid ka mid ahaa dadkii waqtiggaas isla shirkaddaas kala shaqeeyay.

Intaa ka dib, Marxuum Cali-maarshaal waxa uu go’aansaday inuu waxbarasho sare doonto, isla markaana sannadkii 1976-kii ayuu tegay dalka Maraykanka.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1976-kii ilaa 1977-kii wuxuu degenaa Gobolka Ohio, gaar ahaan magaalada Oxford.

Ka dibna wuxuu Marxuumku u wareegay Gobolka Indiana, khaasatan magaalada Goshen, halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashadiisii ugu horaysay ee heer-jaamacadeed, isaga oo wax ka baranayay Goshen Colledge, kaasoo uu ku jiray mudo sannad ah.

Isla sannadkii uu waxbarashadiisii sannadka ahayd 1978-kii wuxuu u wareegay dhinaca Gobolka Wisconsin, gaar ahaan magaalada Milwaukee, halkaasoo sidoo kale uu ka galay Jaamacadda Marquette University.

Waxa uu Jaamacaddaas ka dhamaystay waxbarashadiisii bishii August 17 1983-kii, waxaanu halkaa ka qaatay Shahaadada loo yaqaano Bachelor Science…….
Qaybtii 4aad

Sannadkii uu waxbarashadiisii sannadka ahayd 1978-kii dhamaystay wuxuu u wareegay dhinaca Gobolka Wisconsin, gaar ahaan magaalada Milwaukee, halkaasoo sidoo kale uu ka galay Jaamacadda Marquette University. Waxa uu Jaamacaddaas ka dhamaystay waxbarashadiisii bishii August 17 1983-kii, waxaanu halkaa ka qaatay Shahaadada loo yaqaano Beachelor Science…….

Isla sannadkii 1983-kii waxa Marxuum Cali-maarshaal waxa uu shaqo ka helay Shirkad la yidhaahdo City Oil Cooperation oo fadhigeedu ahaa Milwaukee ee Gobolka Wisconsin, taasoo uu ka noqday Khabiir dhinaca dhaqaalaha ah intii u dhaxaysay June/1983 – September 1984-kii.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1985 – 1991-kii waxa uu ka shaqeeyay Santa Clara County San Jose, CA. Sidoo kale laa bilaabo sannadkii 1991-kii ilaa 1998-kii, waxa uu ka mid noqday maamulayaashii sare ee Baanka Horumarinta Afrika oo xaruntiisu ahayd caasimada Ivory Coast ee Abidhijaan.
Ka dib markii uu marxuumku ka fadhiistay shaqadii baankaas waxa uu guda-galay ganacsi casriya oo uu ka aasaasay dalka Itoobiya, gaar ahaan Gobolka Haadaame. Waxa uu ka kirastay dhul balaadhan oo uu u qorsheeyay beero uu ku abuuro ubax kala-gedisan oo uu u suuq-geeyo dalka Holland oo uu heshiisyo la soo galay.

Mashruucaasi oo uu dhaqaale badan Marxuumku ku maalgeliyay hirgelintiisa, waxa iska hortaagay dawladda Itoobiya, ka dib markii uu dhamaystiray, halkaas ayaanu marxuumka mashruucaasi kaga curyaamay.

Eebe ha u naxariistee, Marxuum Cali-maarshaal burburkii iyo dagaalladii ka oognaa dalka hooyo xilligii halganka, waxa uu suurtogeliyay inuu ku guulaysto inuu dibaddaha u daadgureeyo dad gaadhayay 100 qof oo isugu jiray qaraabo, ehelo, asxaab iyo qoys-ba si ay u helaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal waxbarashoba.

Alle ha u naariistee, Marxuum Cali-maarshaal intaa ka dib waxa uu guntiga u xidhay ka-qaybqaadashadiisii halgankii hubaysnaa ee SNM dalka kaga xoraynayeen Taliskii Maxamed Siyaad Barre, iyada oo kaalintii uu awoodda saarayay ahayd sidii uu isugu hawlay dhaqdhaqaaq badan oo ururintii dhaqaalaha la xidhiidhay, waxaanu baraarujin iyo guddiyo qaadhaan-ururin ahaa uga ololeeyay dibaddaha, gaar ahaan Ameerika, Yurub, Carabaha iyo Afrika-ba.

Isla markaana isaga iyo rag uu ka mid ahaa ayaa ku guulaystay inay Yurub iyo Ameerika ka abuuraan guddiyo qaadhaanka u xil-saarnaa. Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Cali Maxamed Guulleed (Cali-maarshaal) waxa uu ka mid ahaa raggii naf iyo maalba u huray halgankii dib-u-xoraynta dalka.

Marxuum Cali waxa kale oo kaalin muhiim ahayd uu ka soo qaatay dib-u-dhiskii dalka Somaliland iyo horumarinta dimuquraadiyadda.

Qaybtii 5aad:

Marxuum Cali waxa kale oo kaalin muhiim ahayd uu ka soo qaatay dib-u-dhiskii dalka Somaliland iyo horumarinta dimuquraadiyadda.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali-maarshaal waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye, Idaacadda Horyaal iyo Radio Waaberi oo uu usagu iskii u lahaa maamulkeeda iyo shaqadeedaba.

Waxa kale oo uu ahaa xubin muhiim ah oo mudo dheer ka tirsanaa urur ay ku bahoobeen Qurba-jooga Reer Somaliland ee loo yaqaano Somaliland Forum, waxaanu door muhiim ahaa ka soo qaatay oo lagu xusuusan karaa Gudidii Saxaafadda ee Somaliland Forum xilligii ololaha wayn loogu jiray Dawladdii Carta ee Soomaaliya oo Djibouti laga waday.

Rabbi ha u naxariistee, Marxuumka waxa Illaahay aqoon dheeraad ahayd u siiyay cilmiga xisaabaadka iyo hanta-dhawrka. Waxaanu ahaa dhaqaaleyahan wayn, daraasaad badan oo dhaxal-gal ah ku sameeyay dakhliga Somaliland iyo qaab-dhismeedka dhaqaale ee dalka.

Marxuumku wuxuu ahaa nin aragti fog oo himilo dheer, wuxuuna isaga oo shaqo fiican oo heer-sare ah haysta go’aansaday inuu dalkiisa hooyo uu dib ugu soo laabto si uu uga qaybqaato dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland, aqoontiisana uga faa’iideeyo.

Marxuum Cali-maarshaal waxa uu ka mid noqday Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyada oo bishii July 2009-kii loo magacaabay Guddoomiyihii Guddida Ololaha Doorashada ee Gobollada Galbeedka ee Xisbiga KULMIYE.

Marxuum Cali-maarshaal waxa uu ahaa naftii-hure hal-adag oo hadal cad, akhlaaq wanaagsan, maskax iyo maal badana u huray sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam cadaalad iyo sinaan ku dhisan.

Marxuumku wuxuu ahaa dadka faro-ku-tiriska ah ee Reer Somaliland ee dedaalka dheer ugu jiray sidii loo baabi’in lahaa musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha.

Sidoo kale, waxa uu Alle ha u naxariistee geed dheer iyo geed gaabanba u koray sidii loo tirtiri lahaa Gudida Nabadgelyada ee sharci-darrada ahaa, kuwaasi oo caqabad ku ahaa nidaamka garsoorka dalka u yaala.

Qaybtii 6aad:

Alle ha u naxariistee Marxuum Cali-maarshaal waxa uu geed dheer iyo geed gaabanba u koray sidii loo tirtiri lahaa Gudida Nabadgelyada ee sharci-darrada ahaa, kuwaasi oo caqabad ku ahaa nidaamka garsoorka dalka u yaala.

Marxuumka waxyaabaha lagu xasuusan doono waxa ka mid ah, maqaaladiisii cilmiyeysnaa ee naqdiga miisaaniyada qaranka Somaliland iyo qoraaladiisii xaq-u-dirirka ahaa ee uu ku caan-baxay. Waxa kale oo lagu xasuusan doonaa (AHN) Cali-Maarshaal, isaga oo ahaa aqoonyahanka isku soo dubariday ee ka dambeeyay barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE uu ku galay ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland ee uu ku guulaystay.

Waxa la odhan karaa waxa uu ku soo biiriyay siyaasada qaaradeenan Afrika qaab cusub oo la jaan-qaadaya ta dunida horumartay. Tusaale ahaana, waxa uu Marxuum Cali-Maarshaal, isaga oo muddo kooban joogay dalka Somaliland u kuur-galay baahiyaha dahsoon ee dadkeena reer Somaliland haysta, taasoo uu bulshada had iyo goor u soo bandhigi jiray. Alle ha u naxariistee, Cali waxa uu daah-furay hab iyo hanaan cusub oo siyaasadeed oo lagu keeni karo isbadel dhinac kasta ah oo ka dhaca dalkeena hooyo ee Somaliland haddii sidiisa loo fuliyo.

Marxuum Cali-Maarshaal waxa uu ahaa ruux shaqsiyad wanaagsan, akhlaaq badan oo daacadnimo ku sifoobay, isla markaana deeqsi ahaa, ehelka, qaraabada iyo asxaabtiisana u roon oo aan la dhamayn karin. Waxa Illaahay Marxuumka ku manaystay naxariis badnaan oo gargaara dadka jilicsan.

Intaa waxa u dheeraa Marxuum Cali-Maarshaal inuu ahaa ruux dadku u siman yihiin oo si isku mid ah u soo dhaweeya una-ixtraama yar iyo wayn. Alla ha u naxariistee Cali-Maarshaal waxa uu ahaa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda kala-duwan oo karti iyo hufnaan dheeraad ah Rabbi ku manaystay. Rabbi ha u naxariistee Cali-Maarshaal geeridii naxdinta lahayd ee ku timi waxa lagu tilmaamaa mid meel wayn ku banaysay shacbi-waynaha reer Somaliland, maadaama oo uu ahaa aqoonyahan naruuro u ahaa toosinta maamulka oo u tafa-xaytay soo-noolaynta rajada iyo himilooyinka dadkeena iyo dalkeenu hiigsanayaan waqtiga dhaw iyo ka fogba.

Waxa la isku raacay inuu Marxuum Cali-Maarshaal ahaa astaan u taagan la-dagaalanka musuqmaasuqa, toosinta, tayaynta maamulka, sinaanta, caddaalada iyo xoriyada caamka ah ee dadweynaha reer Somaliland.

Alla ha u naxariistee Marxuum Cali-Maarshaal waxay qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka boqortooyada Ingiriisku bishii April ee sanadkan 2010-ka ugu qabteen magaalada London xaflad dhidibada loogu taagay urur samafal ah oo loogu magacdaray Marxuum Cali-Maarshaal. Isla markaana jidka isku xidha Berbera iyo Hargaysa ee uu ka dhacay shilkii Cali-Maarshaal ku geeriyooday ayaa Ururka Somaliland Forum oo uu Marxuumku ka tirsanaa kana mid ahaa aasaasayaashiisii dib-u-dhis ku samayn doonaa waqtiga dhaw.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”