Soodhawayntii Gudoomiyaha

Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Soodhawayntii Gudoomiyaha

Post by Queen_Arawello »

Gudoomiyihi wey walaan :lol:


Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Soodhawayntii Gudoomiyaha

Post by Queen_Arawello »

shir Sanadeedkii Jaaliyaadka Soomaalida Ogaadeenya ee caalamka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Stockholm ee Caasimada Wadanka Swedan. Waxaa Saaka Abaarahii 9:00 Subaxnimo si rasmi ah uga furmay Magaalada Stockholm shir sanadeedkii Jaaliyaadka Soomaalida Ogaadeenya eeAduunwaynaha.

Shirkan ayaa dadka Iskugu Yimid ay wacad ku mareen In Halganka Jabhada ONLF ay Hormuudka ka tahay lasii laba Jiraabo Iyadoo Dadku ay si xoogaan ooga soo Horjeedaan Kooxa Dowllada Itoobiya ay Ku Jahawareerinaysa, waxaana Dhamaan Dadkaas Balan qaadeen in Gobal walba oo Ogaadeeniya ah Dadkiisa la wacyi galiyaa Halgankaa la sii Laba Jibaaro.



Shirka ayaa ugu horaynba waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah, waxaa loo wada Istaagay Heesta Calanka Ogadeenya oo uu ku luuqeeyay Abwaan Jaango Iyo xubno kamid ah Dhalinyarada Ogaadeenya. Shirka oo uu furay Gudoomiyaha Jaaliyada maritida loo yahay ee Swedan mudane ugaas Carab ayuu Gudoomiye carab uga mahad celiyay Ergooyinka Sida Wanaagsan ee ay uga soo qaybgaleen. wax yar kadibna waxuu kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Mudane Halgame Adm Maxamed Cumar Cismaan oo khudbad aad u dheer kana xogwaramaysay xaalada ogadeenya ay ku sugantahay & dhacdooyinkii ugu danbeeyay ka jeediyay. Shirka oy kasoo qayb galeen madax Iyo Ergooyin matalayay Jaaliyadaha Soomaalida Ogaadeenya ee dacalada aduunka, wafti ka socday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya, Ururo udooda Xuquuqul Insaanka, Saxafiyiin ka kala socday Saxaafada Caalamka & mida ku hadasha codka Shacabka ogadeenya, Aqoonyamiin,khabiiro, siyaasiyiin reer galbeed ah & xubno ka socday xisbiyada wadanka Swedan.

Shirka oo maanta ahaa horudhaca Shir sanadeedka Jaaliyaadka oo socon doona ilaa 01-08-10 ayaa waxaa Madaxdii ka hadashay ka mid ahaa Madaxada ururka African rights monitor huda yusuf,khabiir hiraabe oo ku xeel dheer arimaha Geeska Africa & xubnahii ka socday Xisbiyada Swedan.





Sidoo kale waxaa madasha shirka murti aad u qiimo badan oo dadka qiro galisay kusoo bandhigay Abwaanada fanaanad Saado Cali Warsame oo ku nuux nuuxsatay sida ay uga go an tahay garab istaaga shacabka Somaalida Ogaadeenya. Shirka oo socon doona labada maalmood ee inagu soo aadan wararka ku saabsan dib ayaan ka soo tabin doonaa hadii allaha Awooda leh Ogolaaado.
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Soodhawayntii Gudoomiyaha

Post by Hyperactive »

he is very classy man and respected.
haweenkan hor ordaya, in the video, ya naka freesiya.lol

Araweela, do not get mad at me and kill me :P
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”