Badhasaabkii Gobolka Awdal oo laba cisho oo muddaharaad ah ka dib is casilay iyo dareennada ku xeeran
Boorama(Togaherer.com):- Guddoomiyihii Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige, ayaa iska casilay maanta xilkii uu dawladda u hayey, waxaanu is casilaaddiisa ku sabeeyey xukuumaddii xilka u dhiibtay oo laga guulaystay iyo Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland oo Boorama xalay tagay isaga iyo Ciidamo uu horkacayo, ka dib markii muddaharaadyo qorshaysan oo Xukuumadda cusub lagaga soo horjeedaa shalay ay Magaalada Boorame ka dhaceen, Ciidankaas oo uu sheegay inaan waxba lagala socodsiinin, isla markaana Taliskii Booliska Awdal la yidhi Taliye ku-xigeenka ka amar-qaata.
Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay gurigiisa Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, sidoo kalena waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay muddaharaaddo shalay iyo maantaba ka dhacay Boorama, sida ay tahay in wax looga qabto, sababaha keenay is casilaaddiisa iyo qodobbo kale ayuu kaga hadlay.
Badhasaabkii hore ee Awdal ee maanta is casilay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi; “Labadii maalmood ee u dambeeyay mudaharaaddo ayaa Boorama ka dhacayay ay dumar iyo carruuri wadaan, waxaana magaalada xalay yimi aniga oo aan ogayn ciidan uu hogaaminayo Taliye ku-xigeenka Booliska Somaliland, waxaanu iisheegay Talaiyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal in la yidhi ka amar qaado oo kaliya Taliyahan yimi, arrintaasina waa mid baal marsan dawladnimada. Sidaas aawadeed ayey ku timi is casilaadaydani oo arrintaas ayay la xidhiidhaa.” Waxaanu Badhasaabkii hore intaas ku daray ”Maalmahanba waxaan sugayey inay timaado ciddii I badali lahayd, balse waa lala soo raagay.”
Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige mar uu ka hadlayey sida uu diyaarka ugu yahay xilkii uu hayey inuu wareejiyo waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay mar haddii Wasiirkii daakhiligu jiro waa in uu soo magacaabaa ciddii I baddali lahayd, anigu diyaaar baan u ahay xilkana waan ku wareejinayaa, waanan la shaqaynayaa Badhasaabka Gobolka loo soo magacaabo.”
“Maanta looma baahna in ummadda la kiciyo oo la abuuro nabadgalya-darro, Somaliland Boorama ayaa lagu dhisay, tan maanta la dhisayna waa Xukuumaddeennnii cidna innagama xigto ee waa in loo tagaa madaxwaynaha cusub loo geeyaa waxii cabasho ah ee la qabo iyada oo aan dhibaato la samaynin…..” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyihii Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdillaahi Cige.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu Badhasaabkii Gobolka Awdal dadka muddaharaadayaasha ah ee magaalada Boorama ugu baaqay inay joojiyaan muddaharaadka oo ay cabashadooda u gudbiyaan Madaxweynaha la doortay ee talada la wareegay Md. Siilaanyo, haddana illaa xalay waxa soo baxayo warar doceedyo tibaaxaya in Badhasaabka is casilay laftiisu qayb wayn ku lahaa abaabulka iyo kicinta muddaharaadyada shalay iyo maanta ka dhacay Boorama, taasina ay keentay in Ciidan la geeyo Boorama, Badhasaabkii beddali lahaana xalayba xukuumadda cusubi iska dhex diyaarisay.
Badhasaabkii Gobolka Awdal oo laba cisho oo muddaharaad ah k
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Badhasaabkii Gobolka Awdal oo laba cisho oo muddaharaad
oo awal ba udub bu aha ha ina dhaafo
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 271 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 11 Replies
- 792 Views
-
Last post by HaragWafi85
-
- 3 Replies
- 459 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 3 Replies
- 648 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 0 Replies
- 996 Views
-
Last post by Ghetto_Faarax
-
- 15 Replies
- 2091 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 23 Replies
- 1353 Views
-
Last post by original dervish
-
- 4 Replies
- 276 Views
-
Last post by great-legend
-
- 9 Replies
- 1202 Views
-
Last post by KyrieJama