khaariji website promoting khaniisnimo by using lies

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

khaariji website promoting khaniisnimo by using lies

Post by AhlulbaytSoldier »

SOMALIMEMO oo Bilowday Faafinta iyo Dhiiragalinta Qaniisnimada... (Arrin Xanuun iyo Naxdin Leh oo Xasaasi ah + Warbixin Dheer) Posted to the Web Aug 01, 04:00


<


Webka ama Barta Internetka ee Somalimemo.net ayaa Lagu Faafiyay Qormo si toosa u dhiiragalineysa Falka Liwaadka ee Soomaalidu u Taqaano Qaniisnimada.




Somalimemo ayaa si cad oo haba yaraatee uusan xishood ku jirin u Qurxinaya Falkaas Qurunka iyo Foolxumada badan leh.




Qormada sidaas ah ayey soo saareen subaxnimadii shalay oo aheyd Maalin Sabti ah oo ku beegneyd 31da Julaay 2010.




Baraha Internetka ee Soomaalida ayaa lagu aqoon qurxinta iyo dhiiragalinta Qaniisnimada waase rumeysan kari weynay markii aan faafinta foolxumadaas ku arkay Web sheegta in uu Islaami yahay islamarkaaana ku andacooda Taageerada Mujaahidiinta.




Inta aanan u guda galin Qormada Somalimemo ayaa akhristaha siineynaa xog aad u kooban oo ku saabsan meesha uu islaamku ka taagan yahay Qaniisnimada.




Waxaa kale oo waxyar ka tilmaami doonaa Shuruudaha aadka u adag ee Shareecadu u Dajisay marka qof muslim ah lagu eedeynayo Dhileysi ama Qaniisnimo.




Xukunka Qaniisnimada.




Dhaqankaas ah in Ninku wax ka raadiyo Nin kale ayaa kamid ah dhaqamada ugu foosha iyo Qurunka badan.




Waa dhaqan khilaafsan abuurista saliimka ah, waa dhaqan lagu yaqaano dad ay xumaantoodu dhaaftay xumaan, waa dhaqan marka muslimiinta laga soo tago xataa ay Gaalo badan ka gubtaan, waa dhaqan laga yax-yaxo marka la soo hadal qaado.




Qofka dhaqankaas sameeya iyo kan lagu sameeyaba waa la dilayaa sida ku cad shareecada islaamka.




Goorma ayaa Qofka Lala Xiriirin karaa Qaniisnimo? Maxaase Shuruudo ah oo La isaga Baahan yahay.




In Dadka Lala xiriiriyo Qaniisnimo maaha arrin sahlan, dadkaas ha noqdaan Muslimiin ama Gaalo.




In dadka La qadfo oo Qaniisnimo iyo wax lamid ah lagu tuuro ayaa ah irid xiran oo si aad ah loo adkeeyay, waa arrin taabaneysa cirdiga qofka, waana arrimaha lama gudbaanka ah ee shareecadu xifdisay.




Hadii aad soo xigato ama faafiso in hebel la qaniisay ayaa lagaaga baahan yahay afar marqaati oo caadiliin ah, Afartaas Marqaati oo indhahooda ku arkay farjiga ninkaas oo ku jiray duburka ninka kale.




Lagaa yeeli maayo way is agjiifeen ama wada qubeysanayeen ama fara ka ciyaarayeen ama iskor saarnaayeen.




Sideetan jeedal ayaa la qabadsiinayaa qofka tumhadaas tuura oo aan la imaan shuruudahaas mustaxiilka ku dhow.




Qur'aanku wuxuu sheegay in dadkaas aan marqaatiga keensan dib dambe loo qaadaneyn maragtooda oo ay yihiin faasiqiin falaago ah oo beenaalayaal ah marka laga reebo kuwa towbada la yimaada dabadeedna wanaaga fala.




Taariikhda Muslimiinta Malagu Hayaa Qof lagu Xukumay Dhileysi ama Qaniisnimo oo Loo Helay Afar Marqaati oo Caadiliin ah kuwaasoo indhahooda ku arkay farji ku dhex jiray farji dumar ama dubur rag?




Lama hayo Xukun sidaas ah oo loo maray Afar Marqaati balse xukumada la fuliyay ayaa ahaa kuwa loo maray qirasho oo ah in qofka dambigaas sameesay uu asagu qirtay.




Xasuusnow in Xukumada dilista gaarsiisan ee la fuliyay xiligii Nabiga SCW ay fara ku tiris ahaayeen.




Maxey Yihiin Dadka Faafiya ama Ku sheekeeya in ay jiraan Rag La Qaniisay ama Dumar Laga Dhileystay?




Diinta islaamka meel fog ayey ka istaagtay in arrimahaas fuxshiga ah laga sheekeeyo ama la faafiyo.




Xikmad weyn ayaa ku jirta in arrimahaas loo shardiyay afar marqaati oo caadiliin ah, xikmadaas oo ah asturnaanta iyo in aysan faafin oo aan la maqal xumaantaas.




Sheyguna mar walba oo shuruudiisu badato waxaa sii yaraanaya muuqashadiisa, diintuna waxey na fartay in aan xooga saarno xaqiijinta asturnaanta.




Heblaayo waa laga zineystay iyo Hebel waa la qaniisay maaha hadal loo baahan yahay in la maqashiiyo dhagaha dadka hadii aadan u heyn afar marqaati oo wadata shuruudaha marqaatiga islamarkaana kortaagnaa xumaantaas la sameynayay taasina waa mid mustaxiil ku dhow oo qofka xumaantaas sameynaya ayaa mar walba ku dadaala sidii uu dadka isaga qarin lahaa, oo ma jiro qof xumaan ku sameynaya meel laga arki karo.




Cadaab daran oo Xanuun badan ayuu Alle u yaboohay kuwa jecel in faaxishadu ku dhex faafto Muslimiinta.




Faaxisho dhacday oo run ah ayaa la ogoleyn in ay faafto bal ka waran qofka faafinaya faaxisho been ah oo aan dhicin islamarkaana ku sii faafinaya Baraha Internetkaa asagoo boqolaal qof u sahlaya aqrinta qurunkaas, qof walbana sii gaarsiinayo tobaneeyo kale.




Somalimemo iyo Faaxishada ay Faafiyeen.




Waa in Runta iyo Cadaalada Lagula dhaqmaa qof kasta, ha ahaado saaxiib ama cadow.




Maaha in Caro ama Naceyb koox loo qabo ay nagu xambaarto been iyo cadaalad xumo.




Somalimemo oo muslimiin ah marka aan ka soo tagno xataa saxaafada gaalada ma qorteen warka ay qoreen, oo tusaale ahaan fadeexadii Mareykanku ka sameeyay Ciraaq waxaa loo cuskaday sawiro dhab ah iyo qirasho ay askartaas qirteen kadibna sidaas ayey saxaafada caalamka oo dhan ku soo qaadatay.




Mas'uuliyad weyn ayaa saaran dadka Baraha Internetka wax ku soo qoraya oo waa in ay diyaar u ahaadaan in Lala Xisaabtami karo oo Maxkamad la saari karo, waa in ay ka garbixi karaan waxa lagu heysto oo ay keeni karaan cadeyn lagu kalsoonaan karo.




Qormada Qaniisnimada ah ee Somalimemo iyo Qodobada ay ka Koobneyd.




1- Ciidanka Amisom ee ku sugan Xerada Xalane gaar ahaan kuwa Yugaandha oo isku badalay Qaniisiin!




2- In Ciidankaas isku badalay Qaniisyada ay Fara-xumeeyaan (Qaniisaan) Maleeshiyaadka Dowlada KMG!




3- In Maleeshiyaadkaas la Qaniiso ay yihiin kuwa Dhaawac ah oo yaala Isbitalka Amisom ee Xalane!




4- In Maleeshiyaadka Dowlada KMG lagu duro Daroogo kadibna la Qaniiso!




5- In ka badan 15 ka tirsan Maleeshiyaadka La Fara Xumeeyay ayaa Mustaqbal la'aan ku ah Deegaanada ay Maamusho Dowlada KMG ee Magaalada Muqdisho!




6- In Amisom daroogo siiso Ciidanka Dowlada ee dhaawaca ah kadibna ay dabada ka fuulaan, Ciidankaas ayaa ah kuwa waashay oo Saxaradu ka dareerto!




7- Hogaamiyaha Dowlada KMG ayaa qarash ku baxshay Ciidankaas si loogu qaado Isbitaalo Dibada ah oo aysan u faafin Falkan ceebta ah "Amisom ayaa Hebel Kufsatay"!




8- Arrintan ayaa Si Weyn Looga hadalhayaa Deegaanada ay Maamusho Dowlada KMG, Waxaana si aad ah uga xumaaday dadka Qaraabada la'ah Maleeshiyaadka Dowlada KMG ee wali ka agdhow Amisom!




9- Markii ay arrintan soo shaac baxday ayey Ciidamada Dowlada KMG Codsadeen in aan dhaawacooda la geyn Isbitalka Yugaandha ee Xerada Xalane!




10- Ciidanka Dowlada KMG ee ku soo dhaawacma Dagaalada ayaa marka KM4 la marsiinayo oo ay dareemaan in dhanka Amisom loo wado iska tuura baabuurta kadibna codsada in la geeyo Isbitalka Madiina!




11- Saraakiisha Caafimaadka Amisom gaar ahaan kuwa Yugaandha ayaa ah kuwa Qaniisyo ah oo ku Caan baxay in ay Qaniisaan Dhalinyarada Soomaalida Dhaawaca ah!




12- Saraakiisha Dowlada KMG ee ku soo dhaawacma Dagaalada ayaa ka dardaarma in aan la geyn isbitaalada ku yaala Xalane, Shiine Raage oo dhowaan Geeriyooday ayaa xiligii uu dhaawaca ahaa ka dardaarmay in aan la dhigin isbitaalka xalane sababo la xiriira in la qaniiso!




13- Sh Jaamac Cabdisalaam ayaa dhowr bilood kahor ka digay dhaqanada xun  ee ka baxsan shareecada islaamka oo ay Amisom ku kacayaan.




Somalimemo iyo Cadeynta ay Cuskatay.




Faaxishnimada iyo Foolxumada ay qoreen ayey ka soo xigteen laba jiho.




Jihada Koowaad. Waa Saraakiil ka tirsan Dowlada KMG oo aan La Xusin Magacyadooda, la arkin Muuqaalkooda, la Maqal Codkooda, Waa Saraakiil aan La garaneyn oo ka jira Caalamka Somalimemo.




Jihada Labaad. Waa Qof ay Ku sheegeen in uu Qaraabo la yahay Askari ka tirsan kuwa la kufsaday.




Been la qoro waa aragnay laakin waligeed nama soo marin Been sidan u dhar la' oo sidan u foolxumo badan.




Warka sidan ah xataa lagama rumeysanayo qof cilmi iyo Alle ka cabsi lagu yaqaano oo warkan oo kale waa in uu helo cadeyn dhab ah iyo Marqaatiyaashii afarta ahaa ee arkayay howshaas.




Qodobada ay sheegeen Somalimemo ayaa u baahan in mid mid loo kor- istaago oo halkii qodoba qormooyin badan ayaa ka soo baxaya.




Maxey tahay Xumaanta iyo Naceybka intaas le'eg ee ku kalifay Beentaas iyo Masabidkaas weynanka badan!




Diintee iyo Caqligee qaadan kara in aad Foolxumada iyo Fuxshiga intaas dhan aad faafisaan!




Somalimemo miyeysan ogeyn in Gaalnimadu ka weyn tahay Qaniisnimada! hadii aad taas ogtihiin maxaa keenay in aad Ciidamada Dowlada ku eedeysaan qaniisnimo been ku dhisan! oo sow ciidankaan maaha kuwii aad Gaalada ku tilmaami jirteen, sow ma qurxooneyn in aad takfiirnimadaas ku ekaataan! Masa waxaad is tiraahdeen Gaalnimadu kuma filna Ciidamada Dowlada ee u raaciya Qaniisnimo!




Somalimemo waxey u dhaxeyn karaan dhowr arrimood oo kala daran maadaama aysan heyn wax cadeyn ah, mustaxiilna ay tahay in ay keenaa afar marqaati oo caadiliin ah oo falkaas korjoogay.




1- In Somalimemo goob joog ka ahaayeen ama ka qeyb galeen falkaas qaniisnimada ah maadaama ay yihiin jihada soo gudbisay warkan, saa warkan oo kale laguma soo gudbiyo sarkaaal aa ii sheegay iyo qof qaraabo la ah aa ka maqlay.




2- In Somalimemo tahay Beenaalaaayaal aliftay sheekadan oo jecel in dadku ku sheekeystaan Askar Soomaaliyeed oo la qaniisay.




Tan kale marka aan usoo laabano askarta Amisom iyo Qaniisnimada aad ku tuhunteen ayadana cadeyntaas oo kale ayaa la idinka rabaa, Masa waxaad heysaan Diin Cusub oo dhigeysa in Qofkuba haduu Gaal yahay ay qaniisnimo u dheertahay! anagoo og in Amisom laga helayo askar Muslimiin ah.




Cadaalad iyo Run ayaa loo baahanyahay, warka aad qorteen xataa qaadan meyno haduu ku wajahanyahay Al-Shabaab oo shareecadu uma kala eexaneyso Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowlada KMG iyo Amisom oo marwalba cadeyn iyo cadaalad aa loo baahan yahay.




Arrintan maaha wax loo dulqaadan karo waa in qof walba oo caqli ku dambeeyo ka dhiidhiyo faafinta qubxigaas, dadka waxgaradka ah oo Culumadu ugu horeeyaan waa in ay ka hadlaan axkaamta shareecadu u dajisay Qaniisnimada lagu gamayo Dadka bariga ah iyo shuruudaha la isaga baahan yahay iyo xukunka ay yeelanayaan dadka jecel in xumaantaas faafto oo lagu qoro Baraha Internetka, waxyaabahaas ayaa caawinaya in dadku baraarugo oo aysan sahlan eedeymaha qatarta ah ee la tuurayo




Somalimemo hadey ku adkeysanayaan falkaas waa in ay ummada ka garbaxaan oo ay noo keenaan cadeymo lagu qanci karo oo sida qoraxda oo kale ah.




Qodob kasra waxaan ka qori doonaa Qormo gooni ah, akhristahana waxaa ka codsaneynaa in uu isdul taago qodob kasta kadibna u bandhigo diinta islaamka.




Qodob kasta marka aad ka fiiriso dhinac walba ayey kuu soo baxeysaa been qaawan.




Tusaale ahaan waxey yiraahdeen askarta la fuulay badankoodu wey waasheen oo saxarada ayaa ka dareerta! Allaha Xaqa Lagu Caabudo ayaa idinku dhaarshay ee bal fiiriya beenta intaas le'eg. Ma Xiligii La fuulayay bay kortaagnaayeen? Ma dabadiisa oo Saxaradu ka da'eyso ayey arkeen ama ka masaxeen?




Qof ay qaraabo ku sheegeen bay cuskadeen inuu u soo tabiyay warkan, cajiib, waa kuma qofka la xiriiraya websad soomaaliyeed oo u sheegaya in walaalkiis ama adeerkiis ama abtigiis la faraxumeeyay! waliba si gaara u doortay webka Somalimemo.




Askar ayaa km4 baabuur isaga tuuray kadibna codsaday in Isbital Madina la geeyo! Subxaanaka yaa ilaahii,  Been weyn ayaa somalimemo la timid, kuma aysan fakarin in wali ay jiraan dad caqli leh oo kala saari kara runta iyo beenta.




La yaabka hadalkooda maaha mid boqolaal qoraal lagu dhameyn karo, faqro kasta waa ka sii daran tahay tan kale.




Sarkaal Shiine Raage oo dhintay xataa kama badbaadin beentooda oo waxey sheegeen in uu ka dardaarmay in aan la dhigin Isbitalka Xalane, aaway codkii dardaarankaas! Maxaase Marqaatiga looga dhiganayaa nin dhintay, ileyn soomaalidu tiri "Beenaale Marqaatigiisuu Fogeeyaa".




Dad dhintay iyo kuwa aan la heyn meel loogu hagaago ayaa cadeyn u ah Somalimemo, arrintuna maaaha mid sahlan oo ciyaar gasha.




Qodob kale ayey ku sheegeen in Hogaamiyaha Dowlada KMG baxshay qarash dibada loogu qaado  qaar ka tirsan askartaas! Waa kuma Hogaamiyahaas qarashka baxshay gaar ahaan xili dhaqaalo xumo iyo mushaar la'aan ay heysato Dowlada KMG, Bal ha xusaan Magaca Hogaamiyahaas si saxaafadu uga wareysato Qaniisnimada dhacday.




Waxaan oo kale lama arag, aaway xishoodkii? aaway Caqligii? War hadaad ka tagteen Qawaacidii islaamku u dajiyay arrimahan sow ma ogidin in wax la iskula haro oo la xishoodo oo aan la qorin faaxisho dhacday iyo mid aan dhicinba.




Su'aalo tiradii ka batay ayaa ka buuxa faaxishada Somalimemo faafisay oo beentooda waxaa la iska weydiin karaa in hadii Amisom tahay qaniisiin ay ku doorteen askar dhaawac ah ayagoo heli kara dad fayow oo ay duraan ama kuwa xabsi ku jira!




Faqrada hore ee qoraalkooda ayey ku xuseen in askarta amisom isu badaleen qaniisyo taasoo laga fahmayo in Amisom aysan Qaniisyo aheyn kahor intii aysan imaan soomaaliya oo Soomaaliya ayey kula soo baxeen Qaniisnimada, halka faqrooyinka dambena ay ku xusayaan in Saraakiisha Caafimaadka Amisom ee Yugaandha yihiin Qaniisyo ku Caanbaxay faraxumeynta dhalinyarada soomaalida ee dhaawaca ah, u fiirso kalimada ku caanbaxay ee ay adeegsadeen iyo Macnayaasha ku jira!




Waxaa Xusid mudan in ay jiraan dhibaatooyin run ah oo Amisom geysato sida in Madaafiic aysan u meel dayin ku garaacaan Suuqyada iyo Goobaha shacabka, ayadoo la helayo in Amisom Lagu ceebeeyo wax run ah ayaa nacfi laga raadinayaa Been foolxumo badan oo intaas le'eg.




Tan kale waxaa marag madoonto ah in shacab badan uu marwalba feyl ugu jiro Xeryaha Amisom si ay u helaan Daryeel Caafimaad oo hadii goobaha ay wax ku daaweeyaan taalo Qaniisnimo waa laga kala dareeri lahaa.




Somalimemo miyaan laga helayn qof hanuunsan oo ka qabta Beenta iyo foolxumada ay faraha kula jiraan.
djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: khaariji website promoting khaniisnimo by using lies

Post by djibsomali »

Gay community is the least of somali worries
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: khaariji website promoting khaniisnimo by using lies

Post by udun »

Looks like another Abu Gharaib scandal in the making in TFG and AMISOM quarters. That is so despicable and so evil. The so-called AMISOM mercenaries and the puppet TFG are without morals.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”