Xaflada Xilwareejinta oo Saaka ka dhacday Xarunta maaliyada ee Magaalada Hargeisa.........(Sawiro)

Hargeysa(GNS) :-Wasiirkii maaliyada ee hore Xuseen Cali Ducaale ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay xilkii wasiirnimo wasiirka cusub ee maaliyada Injineer Maxamed Xaashi Cilmi , xilwareejinta oo ka dhacday xarunta wasaarada maaliyada ee Hargeisa .
Xarunta maaliyada oo ay ku sugnaayeen dhamaan sarakiisha maaliyada iyo ciidamo kale oo sugayay amaanka ayaa waa laga horjoogsaday inta badan saxaafadii wadaniga ahayd , iyadooo dhawr suxufi oo kaliya loo ogolaaday inay soo galaan goobta lagu qabanayay , iyagoo sarakiisha ciidanka booliska ee goobta ku sugnaa ku sababeeyeen in sidaasi lagu amaray maadama hoolka lagu qabanayo uu aad u yar yahay waa siday hadalka u dhigeene.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale oo goobta hadal dheer ka jeediyay ayaa ugu horayn amaan u soo jeediyay sarakiisha maaliyada oo uu sheegay inay ahaayeen halyayo aad ula shaqeeyay intii uu wasiirka ahaa la,aantoodna aanu Marnaba suurto gasheen in wasaarada maaliyadu soo gaadho heerka ay maanta soo gaadhay.
Mudane Cawil wuxuu sheegay in wax wayn uu ka qabgtay wasaaradan maaliyada kordhiyayna dakhligii wasaarada maaliyada oo aad uga yaraa markii uu xilka la wareegayay.
Mudane Cawil wuxuu sheegay in wakhtiyo badan oo adag soo martay wasaaradan, waxaanu si gaar ah u soo qaatay wakhti uu sarifka Dollarku cirka isku shareeyay gadhayna 9000 oo shilinka Somaliland , waxanu sheegay inuu ku maareeyay kadib markii uu la tashi la sameeyay ganacsatada Somaliland iyadoo uu ku amray inay lacagta cashuurta ee ay bixiyaan ku bixiyaan lacag Kaash ah taasina sababtay in si dhakhso ah Dolarku ugu soo noqdo qiimihii caadiga ahaa.
Wasiirkii hore ee Maaliyada wuxuu sheegay in wakhtigii sicir bararku ka dhacay wadankeena sidoo kale ahayd wakhti aad u adag, balse la tashi ay la sameeyeen ganacsatada ay hoos u dhigeen qiimihii maceeshada .

Mudane Cawil wuxuu sheegay in wasaaradan tahay wasarada ugu muhiimsan wadanka islamarkaana culayskeeda ay leedahay, isagoo sheegay in tayaynta ciidanka qaranka uu ahaa hamigiisa koowaad , waxaanu sheegay in muddo gaaban ay ugu suurto gasho inay ciidan dhisan oo qalabaysan ay dhisaan iyadoo isla markaasi guno u qoray qoysaska ciidanka Qaranka Somaliland.
Mudane Cawil wuxuu tusaale u soo qaatay in maalintii la qabsaday magaalda Laascaanood ee ay qabsadeen Puntland ahayd maalin aad ugu adkayd dawlada iyadoo arintaasi kaliftay in loo hawl galo sidii ciidanka si deg deg ah loo dhisi lahaa , taasina ay suurto galisay in ciidanka qaranku si dhib yar ku qabsadaan magaalda Laascaanood, iyada oo hirgalinteeda ay qayb ka ahayd tayayntii ciidanka qaranka ee ay bilaabeen.
Mudane Cawil wuxuu ugu danbayn ugu baaqay dhamaan sarakiisha iyo shaqaalaha wasaarada maaliyada inay si ka badan siday ula shaqaynayeen uula shaqeeyan wasiirka cusub eer maaliyada Injneer Maxamed Xaasi Cilmi.
Wasiirka cusub ee Maaliyada Injineer Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ugu horayn mahadnaq u soo jeediyay wasiirka iyo shaqaalaha wasaarada sida sharafta lahayd ee ay u soo dhaweeyaan.Mudane Maxamed Xaashi wuxuu ku Nuuxnuuxsaday sida ay uga go,an tahay inuu yareeyo musuqmaasuqa isagoo sheegay inaanu marnaba yarayn karayn hadii aan shaqaalaha baahan ee mushaarku ku filayn loo kordhin , waxaanu balan qaaday in waxa ugu horeeya ee uu qabanayo ay tahay in marka hore uu shaqaalaha siiyo mushaar ku filan si baahidooda shaqaaluhu u yaraato.
Wasiirka cusub ee maaliyada Injineer Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sheegay in khayraadka wadanka yaala uu yahay mid ku filan hadii sidiisa loo adeegsado wuxuu tusaale u soo qaatay Dekada Berbera oo uu sheegay in ay soo xerayso dakhli badan , Warshada sibidhka ee Berbera oo uu sheegay in hadii ganacsato isku tagto la meelmarin karo lana dhaqaajin karo .
Wasiirka Cusub ee Maaliyada wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in wasaaradaha dhexdooda dhex maro iskaashi iyo wado tashi si hawlaha shaqada lays kala tashado.
Wasiikra cusub wuxuu sheegay in uu u furay wasaarada maaliyada Acount cusub oo loogu ururinayo lacagta adag ,joojiyayna maanta laga bilaabo acountkii ay lahayd wasaaradu.
Wasiirka cusub ee maaliyadu wuxuu sheegay inuu joogtayn doono latashiga uu la yeelanayo saraaakiisha wasaarada maaliyada iyadoo todobaad kasta shir wadatashi qaban doono.
Wasiirka oo maanta lagu wareejiyay xilka wasiinimo ayaa sheegay inuu maanta la wareegayo qalabka iyo baabuurta wasaarada leedahay ee uu maanta lagu wareejinayo, balse uuna la wareegayn waraaqaha ay ku qoran yihiin daynta lagu leeyahay sababna uga dhigay in marka hore uu u baahan yahay in wakhti la siiyo si uu u ogaado dayn kasta meesha ay ka timid iyo cida leh , isagoo ka codsaday gudida dhaqaalaha xubanaha goobta joogay inay gacan ka siiyaan sidii arintaa loo maarayn lahaa .
Wasiirka maaliyada Injineer Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu ugu danbayn mahad usoo jeediyay hawlwadeenada wasaarada maaliyada isagoo ka codsaday inay si hufan ula shaqeeyaan.
Wasaarada Maaliyada somaliland oo ka mid ah Lafdhabarta Wasaaradaha Dalka isla markaana kaalin muhiim ah kaga jirta Kobcinta Dhaqaalaha Dalka ayaa la filayaa in isbedel ku yimaado, iyada oo Dayn badan loogu talo galay in lagu Wareejiyo Balse uu ka hortagay Wasiirka Cusub isaga oo Gudi baadhis ku samaysa u saaray Arintaasi.
Siciid Cali Daahir (Sacadguray)
Gabileynews desk
Hargeysa Office