The new Asmarra group speaks

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

The new Asmarra group speaks

Post by AhlulbaytSoldier »

Isbahaysiga Asmara oo markii ugu horaysay ka dhawaajiyay inay ka soo horjeedaan Dagaalada Kooxda Al-shabaab

Mogadishu Monday 2 August 2010 SMC



Xoghayha guud ee Isbahaysiga Garabka Asmara C/qaadir Xaaji Dhaqane ayaa markii ugu horaysay sgheegay in Isbahaysigooda uu ka soo horjeedo dagaalada ay wadaan Ururka Al-Shabaab.

“Isbahaysigeenu wuxuu gebi ahaan ka soo horjeedaa dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ay wadaan kooxda Al-shabaab, kaasoo aan lagu gaarayn wax natiijo ah oo aan ka ahayn dhibaato ku timaada dadka Shacabka ah” ayuu yiri Md. Dhaqane oo dhinaca kale sheegay inay ka soo horjeedaan ciidamada Shisheeye ee la kala safan Dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Asmara ayaa sheegay inuu Jen. Jaamac Maxamed Qaalib hada uu sii hayo xilka gudoomiyaha isbahaysiga garabka Asmara, kadib markii uu Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku biiray Xisbul Islaam.

Mr. Dhaqane ayaa ku baaqay in kooxaha Mucaaradka ah ay ogolaadaan Baaqa ka soo baxaya Dowladda KMG ah oo gacan ka hadalka lagu badalo Wadahadal, islamarkaana ay meesha ka baxdo Colaada Mudada dheer ka aloosan dalka soomaaliya.

Hadalka Isbahaysiga Asmara ayaa u muuqda mid ku soo aaday xilli uu fashil ku dhamaaday wadahadal u dhaxeeyay kooxaha Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo isku mari waayay mowqif kulmiya labadaasi urur.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The new Asmarra group speaks

Post by The_Emperior5 »

Let me get this straight do they want to replace sharif?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”