Page 1 of 1

Sultaan Maxamamd Sultaan Xaaji Xuseyn welcoms the new goverm

Posted: Mon Aug 02, 2010 12:26 pm
by The_Emperior5
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Oo Taageeray Dhismihii Dawlada Cusub Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay
August 2nd, 2010 Comments Off

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Oo Taageeray Dhismihii Dawlada Cusub Ee Dhawaan Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Ku Dhawaaqay

Aniga oo ah Suldaan ka guud ee Beesha Mohamed Sheikh Isaxaaq kuna hadlaaya magaca beesha Moxamed Sheikh Isaxaaq, waxaan halkan ka cadaynayaa in beesha Moxamed Sheikh isaxaaq ay hambalyo iyo bogaadin u dirayso Madaxweynaha la doortay, ku xigeenkiisa, dawladda cusub ee la soo dhisay iyo dhamaan dadka reer Somaliland.

Suldaan Maxamuud Xaji Xuseen

Hambalyadda ka dib, Sidii aan hore uga sheegay xafladii kadanbeeysey ku dhawaqii natijada doorashadda ee ka dhacday hotel Mansoor, waxaan ku celinayaa hadalkii aan ka idhi ee ahaa: Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxaanu ka codsanay in aay soo dhisaan dawlad tiro kooban oo tayo leh, sidii ay noogu balanqaadeen xiligii olalaha doorasha. Waa Ilaahay mahadii oo way oofiyeen, anaguna waanu ku habalyaaynaynaa oo ku taageeraynaa.Waayo, balan qaadku waa wax weyn, oo qofka oofiyaa wax weeyaan qof qowl leh oo naf, dal iyo duunyaba lagu amini karo.

Ilaahayna waxaan ka baryayaa in xubnaha dawladeena cusubi noqdaan qaar tayo leh oo umadda reer Somaliland u horseeda bash-bash iyo barwaaqo.

Dhamaan beelaha reer Somaliland wadar ahaan waxaan ugu baaqayaa in ay nagu racaan Taageeradda Madaxweyna iyo ku xigeenkiisu dawladda ay enoo soo dhiseen.

Waxaan ka marag kacayaa inaan qof ama dhowr qof oo lagu soo magacaabo magac qabiil aanay wax guul ah u soo hooyneeyn beel, gobol iyo Somaliland toona. Dhamanteen waxa in la beel ah wasiirkii dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabanaya, ee magac u yaal waxba inooma ah waxna inoo soo kordhin mayo.

Sidaas darted, waxaan leeyahay dawladeena aan kula xisaabtano waxa ay inoo qabanyso ee yaynaan ku la xisaabtamin yaad noo magacowday.

Hadalka wixii aan asiibay Ilaahay ayaa i solansiiyey wixii delqaaf iyo gef ahin waxay ka yemadeen naftayda iyo shaydaan.