
Hargeysa (Oodweynenews)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta markii ugu horeysay kulan qado-sharaf ah u sameeyey Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland.
Kulankan qado-sharafta ahaa oo ka dhacay Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa, oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn, isla markaana soconayay muddo dhawr saacadood ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay Xildhibaanada Golaha oo uu horkacayay Gudoomiyaha Golaha Md. Cabdiraxmaan Ciro iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Md. Cabdicasiis Maxamed Sameele.
Waxaana ujeedada kulankan daarnayd isbarasho dhex-martay Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, isla markaana uga wada hadli lahaayeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha shacabka Somaliland.
Waxa kale oo mudanayasha golaha Wakiilada qaarkood halkaas ka soo jeediyeen hadalo kala duwan kuwaas oo qaarkood ahaayeen tallo loo jeedinayo Madaxwaynaha cusub ee dalka dhawaanta loo dhaariyay Md Axmed Siilaanyo.

Xildhibaanada golaha ee halkaas ka hadlay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyay inuu ku dadaalo sidii uu uga dhabayn lahaa balan-qaadyadii uu hore ugu qaaday shacabka somaliland kuwaas oo hadda u baahan in isbadal dhinacyo badani ahi uu dalka ka dhaco.

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna qadada ka dib xildhibaanada Golaha khudbad kooban u jeediyay ayaa la sheegay inuu sharaxaad dheer ka bixiyay waxyaabaha u qorshaysan inay dalka ka qabtaan maalmaha ugu horeeya ee xukunkiisa.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu golaha Wakiilada ka dalbaday maadaama oo uu xukuumad kooban soo dhisay inay niyad sami ah ula shqeeyaan, si la isugu kaashado horumarka la doonayo in dalka la gaadhsiiyo.






C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Cabdiheersare01@hotmail.com
Oodweynenews.com/Hargeysa Office