Bossaso District Govt Issuing Out Identity Cards. (PICS)

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Kheyrow
Posts: 72
Joined: Sat Jul 10, 2010 9:14 am

Bossaso District Govt Issuing Out Identity Cards. (PICS)

Post by Kheyrow »

Maamulka Degmada Bosaaso Oo Bilaabaya Bixinta Kaararka Aqoonsiga

August 4, 2010

Maamulka degmada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ay bilaabayaan talaabooyin ku aadan bixinta kaararka aqoonsiga ee la siinayo dadka degan magaaladda Bosaaso.

Kulan maanta lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee magaaladda Bosaaso ayaa waxaa ka hadlay Kuxigeenka duqa magaaladda C/qaadir Yuusuf Daahir kaas oo sheegay in kaararkaan la siin doono dadka kala duwan ee ku sugan si loo kala saaro dadka oo la kala garto.

Wuxuuna sheegay in arintaan ay qayb ka tahay talaabooyinka lagu xoojinaayo amniga guud ee magaaladda oo ay ka dhacayeen falal amaan darro mudooyinkii lasoo dhaafay.

Kaararkaan aqoonsiga oo ah nooci hore ay bixin jirtay Dawladdi dhexe ee Soomaaliya ayaa qofkii qaadanaaya horta u bixinaaya lacag gaaraysa $8-doolarka maraykanka ama 256-kun oo shilin soomaali ah,hadii kale uusan heli doonin.

Kuxigeenka Duqa ayaa intaas ku daray in shirkad ay gacan ka siin doonto Dawladda hoose bixinta kaararkaan aqoonsiga,wuxuuna ugu baaqay
dhamaan shacabka ku nool magaaladda in ay qaatan kaararkaan isagoo xusay in la bilaabi doona siduu sheegay maalinimada berito.

Kulanka ka dhacay xarunta Dawladda Hoose ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Horseed Media

Image

Image

Image

Image

Image
Kheyrow
Posts: 72
Joined: Sat Jul 10, 2010 9:14 am

Re: Bossaso District Govt Issuing Out Identity Cards. (PICS)

Post by Kheyrow »

This waxgarad dr ali warsame is someone I think the puntland officials listen to. About 1 month ago I was reading his editorial about how puntland should start issuing out identity cards and birth certificates and stuff and guess what the puntland officials are doing that today. So I personally love reading his editorial and it's always constructive criticism on how to improve the state not just criticism with no solutions being proposed.

Good on your dr.ali warsame keep it up and I love his article.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”