
Godadada dhulkeenu
Habeenkeey gigilatee
Gudidii heshiisoo
golatoore deeqsare
Taladeey ku gooyeen
Ama geeri aakhiro
Ama guusha nololeed
Wixii u geeyay wixiii u geeyay
Gabadhyahaay bal ii sheeg
Gabadhyaheey bal ii sheeg
Markii aay gabaneey
Gaajada la hoyatee
Godol qaadiweeydee
Guusha loogu darayee
Gobanimadu ooyday
Ilma gabax ka siisay
Hubka soo gurteenoo
Ciilkii gaboobiyo
Ciilkii gaboobiyo
Cadhadii u gaasooy
Cadawgii qabteenoo
Geesiga dhulkiisa
Guusha u horseedaa
Geerida dishaay
Geedkaa ha ba'o
Ku gafraaratada
Gumeeysigu ku dhuunte
Galabsada xumaantaay
Geedkood ha ba'o
Gobanimada waa loo go.aa
Godka aakhiriyo
Iilkaa loo galaa
Ciida loo galaa
Long live Tubeec and Hibo Nuuro as well.