Page 1 of 1

Geesiga Dhulkiisa

Posted: Thu Aug 05, 2010 8:22 pm
by Berke
Long Live Barre Hiiraale

Image



Godadada dhulkeenu
Habeenkeey gigilatee
Gudidii heshiisoo
golatoore deeqsare

Taladeey ku gooyeen
Ama geeri aakhiro
Ama guusha nololeed

Wixii u geeyay wixiii u geeyay
Gabadhyahaay bal ii sheeg
Gabadhyaheey bal ii sheeg


Markii aay gabaneey
Gaajada la hoyatee
Godol qaadiweeydee
Guusha loogu darayee

Gobanimadu ooyday
Ilma gabax ka siisay
Hubka soo gurteenoo

Ciilkii gaboobiyo
Ciilkii gaboobiyo
Cadhadii u gaasooy
Cadawgii qabteenoo


Geesiga dhulkiisa
Guusha u horseedaa
Geerida dishaay
Geedkaa ha ba'o

Ku gafraaratada
Gumeeysigu ku dhuunte
Galabsada xumaantaay
Geedkood ha ba'o

Gobanimada waa loo go.aa
Godka aakhiriyo
Iilkaa loo galaa
Ciida loo galaa

Long live Tubeec and Hibo Nuuro as well.

Re: Geesiga Dhulkiisa

Posted: Fri Aug 06, 2010 3:36 am
by CoolPoisons
geesi aan dad lahayn waaye walle. his people dont deserve him

long live Jale Bare Aden Shire Hirale