Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaanyo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaanyo

Post by LiQaaye_TDH »

Image

Hargeysa(HWN):-Beesha Ciidagale ee deegaanka Hargeysa ayaa mar labaad si buuxda u taageeray Xukuummada Cusub iyo Saamiga ay beel ahaan ka heleen.

Sidaa waxay ku sheegeen Casuumad Qado-sharafeeda oo shalay lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Image
Munaasibadii loo sameeyey qado-sharafeeda waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, Salaadiin, aqoonyahan, Culima’udiin, Ganacsato, Siyaasiyiin, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada] oo uu horkacayey Xaaji Cabdikariin Cabdi-Waraabe, iyo marti sharaf kale.

Image
Casuumadan qadada oo ay isugu yimaadeen guud ahaan beesha Ciidagale waxay ku cadeeyeen inay mar labaad si buuxda u taageersan yihiin Xukuummada Cusub ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Wasiirada Cusub ee la soo dhisay.



Suldaan Cali Baane oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Ciidagale oo soo qaban-qaabiyey Casuumadan oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, sida mideysan ee Beesha CIidagale u taageertay Madaxweynaha Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], markii lagu dhawaaqay inuu isagu ku guuleystay doorashadii imikana ay ku taageertay sida uu u soo xulay Golaha Wasiirada Cusub.



“Dawlada Cusub ee inoo dhalatay in lala shaqeeyo ayaan codsanaya, sidii aad hore u taageerteena ha loo wado. Dawladu Golaha Wasiirada si wanaagsan ayey u dhigtay dadkuna wuu aqbalay waxa in badan la lahaa ha la yareeyo Wasiirada oo 15-wasiir ha laga dhigo, muu badinin ee wuu ka dhigay, Markaa Shacabku yaanu mar labaad laba kacleynin, oo ‘Haa’ iyo Maya innaga wada bixin, ee Haada hore aynu dawlada kula shaqeyno”ayuu yidhi Suldaan Cali Baane.



Guddoomiyaha hay’ada Geeska Africa Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dalkani waxa uu soo maray Sideed Sanadood oo halgan ah, dhibtaa inteedi badnaydna waxa lahaa Dawlada, laakin waxaad ogaataan waynu kawada qeybgalnay Shicib ahaan kotonka Sanadood ee ay Soomaaliya Dawlada lahayd xukuummada Rayaale Dawlad ka dulmi badan lama arag, ilaa wakhtigii Siyaad Barre ayaanay la dulmi ahayn.



Mar uu Sheekh Maxamed Cali Geedi lahadlayey Shacabka reer Somaliland waxa uu kula dar-daarmay inay xukuummada Cusub la shaqeeyaan oo ay garbaha qabtaan.



Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Beesha Ciidagale oo ogolaatay Wasiir qudhaa, inay 1994-tii ka ka dagaalameen iyaga oo haysta laba Wasiir iyo kuxigeen. Waxaanu tilmaamay Is-bedelka Siyaasiga ah ee dalka ka dhacay.



“Sanadkii 1994-kii Beesha Ciidagale iyaga oo haysta 2-Wasiir iyo kuxigeen ayaa ka dagaalameen, maantana iyaga wasiir kaliya haysta ayey Xukuumada hambalyeeyeen, taasina waa is-bedelka Siyaasiga ah ee dalka ka dhacay”ayuu yidhi Maxamed Iid Dhimbiil.



Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo ku hadlayey Afka Guddoomiyaha Beesha Ciidagale oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan u balan-qaadayna inaanu midnimada guud ee beesha ilaalino. Dawlada waanu taageera oo waxaanu ka cadeynayna hortiina inaanu Xukuummada taageerayna.”



Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kana tirsana Xibigii UDUB ee la wareega, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, iyo Xaaji Cabdikariim Cabdi [Waraabe], iyo masuliyiin kale oo dhamaantood iska daba marmaray sida ay lagama maar maanka u tahay in lala shaqeeyo Xukuummada si waxyaabo badan oo bahiyaadka asaasiga ah ee dadka uga hawlgasho.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by hargaysaay »

anaga hadii lanaga badiyo waanu u qirnaa raga
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by LiQaaye_TDH »

hargaysaay wrote:anaga hadii lanaga badiyo waanu u qirnaa raga
Ciidagale Lows lows Xabado Wiif wiif :lol: :lol: :lol: Walle Ciida Madaxa la galayaal Waa Raggedi.... waana in Sharekooda laga siiya Maroodijeex 8-)
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by hargaysaay »

mayorkii hargeysa ayay haystaan ee waxa kale ee gobolka ay uga baahanyihiin waa maxay badhasaabka sacdmuuse ama arab ha la siiyo :up:
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by HooBariiska »

LiQaaye_TDH ,

ciidagale iyo beesha leelkase ee darood, tolow keebaa laandheer ah?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by Siciid85 »

Timo_Case,waxasu wa cay ee of course cidagalle ka landheersan wa nin ila hargeysa ila xuduuda fafan -ethiopia deega, and you are trying to compare them with a clan which lives in 1 district - goldogob, cidagalle somaliland wuxu ka badanyahay arap, warsangeli, cisse muse, iyo beelo kale oo badan, ma wax yar baad uu mooday.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by HooBariiska »

Siciid85 wrote:Timo_Case,waxasu wa cay ee of course cidagalle ka landheersan wa nin ila hargeysa ila xuduuda fafan -ethiopia deega, and you are trying to compare them with a clan which lives in 1 district - goldogob, cidagalle somaliland wuxu ka badanyahay arap, warsangeli, cisse muse, iyo beelo kale oo badan, ma wax yar baad uu mooday.

no cay sxb, in one of his old posts, he thought that wasnt the case....just wondering if he changed his mind now
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by Siciid85 »

Gartay.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by hargaysaay »

timo case waad caytamaysaaye it is like saying habar yoonis iyo awrtable keebaa laandheeraysan :D
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by Siciid85 »

hargaysaay, adigu waxad tahay reer guleed royalty landheer ee meel fadhiiso. :lol: :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:hargaysaay, adigu waxad tahay reer guleed royalty landheer ee meel fadhiiso. :lol: :up:
maya isagu wa dir woqoyi dont insult the noble reer guleed ahlu bait
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by The_Emperior5 »

Ciidagalle have also afayeenka madatooxyada :up: Mr cukuse
wa reeer warfa suldaan
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by LiQaaye_TDH »

^^ Afhayeenka is Arap-- Cukuse former Jamhuuriya Newpaper Manager :up:
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Beesha Ciidagale: We 100% Support Madaxweyne A-MM-Silaan

Post by hargaysaay »

ciidagale is going true recession after the election but will get the old glory back ;)
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”