More then 10 NGo'S in Ceerigabo since Silaanyo Took Over

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

More then 10 NGo'S in Ceerigabo since Silaanyo Took Over

Post by LiQaaye_TDH »

The Neglected Sanaag Region will seriously recover now, Axmed Silaanyo sent over 10 Ngo's to help with the Roads, Schools, and Hospitals..

Wadooyinka magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa hadda waxa lagu arkayaa baabuur badan oo ah nooca Land cruiserada ah ee hay'adaha Caalamiga ah siiba UNICEF iyo UNDP iyo kuwo kale oo tira badan.

Dareenka dadwaynaha magaalada ceerigaabo ee ku wajahan hay'adaha samafalka ee ku soo qulqulaya ayaa ah mid rajo galiyay dadka intaada badan. Hay'adaha Samafalka oo inta badan ka shaqeeya dhinacyada arimaha xalinta khilaafaadka iyo mashaariicda horumarineed ayaa joogitaankoodu shaqooyin u abuuraan dadka ku dhaqan magaalada iyo deegaanada ku hareeraysan.

Gobolka Sanaag oo isagu wadanka intiisa kale ku yaala dhul aad uga durugsan ayaa waxa intaas u raacday waddo xumo hakad galiyay safarada dadka ama hay'adaha samafalku ku gaadhi lahaayeen Ceerigaabo.

Waxaad dadka inta badan ka maqlaysaa hadal haynta balanqaadyadii axsaabtu u samaynaysay xilligii ololaha dadka ku dhaqan gobolka sanaag oo ay kaw ka ahayd in loo samayn doono wado si ay uga baxaan wado la'aanta dhibka badan, dib u dhacana ku keentay gobolka Sanaag.

Waxaana kamid ahaa xisbiyada sida wayn ugu ololeeyay xisbiga talada hadda haya ee Kulmiye, oo uu madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ugu balan qaaday dadka ku dhaqan gobolka, oo uu cod badan kaga helay.

Guud ahaan xaalada magaalada ayaa ah mid dagan, oo aanay ka jirin wax dhibaato ah marka laga yimaado gobolada bariga iyo koonfurta Sanaag oo sida aan ilo xog-ogaal ah war kaga helay ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha ururka SSC. Si kastaba ha ahaatee ma jiraan wax dhibaato ah oo ay ku hayaan dadka ku dhaqan dagaamada lagu sheegayo marka laga yimaado in aan gaadiidku mari karin magaalooyinka qaarkood sida Xudun, oo inta badan laga wareego magaalada Oog, markaad ku socoto Sanaag.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”