Aug 05, 2010 at 04:03 PM
Ceerigaabo(Qarannews) Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo in mudddo ahba safar hawleed ugu maqnaa dhinaca caasimadda Somaliland ee Haryesa oo ay weheliyaan xubno sar-sare oo ka socda hay'adda caalammiga ah ee UNICEF ayaa iyagoo gelinkii danbe ee shalyto soo gaadhey magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo waxa subaxnimadii saaka xubnaha kasocda UNICEF waxay kormeerro goonni goonni ah gaalaa-bixiyeen Xarumaha kala duwan ee ay ka mid yihiin Caafimaadka (Cusbitaalka guud iyo MCH-yada), Waxbarashada, Ceelasha biyuhu kazoo burqadaan, iyo weliba Kiyoostayaalka biyaha laga cabbo ee magaalada Ceerigaabo.

Xubnahan ka socdey hay'adda UNICEF oo kala ahaa Madaxa UNICEF Somaliland Mrs.Ettia Higgins. Madaxa qaybta biyaha UNICEF Somaliland Mr-Xasan Cigaal (Xasan-culimo). Madaxa qaybta caafimaadka UNICEF Somaliland Mr-Cawil Xaaji Cali iyo Kuxigeenka wakiilka UNICEF Somalia/Somaliland ee fadhigoodu yahay Nairobi/Kenya Mrs-Hannan Suleiman ayaa dhammaan xarumahaas ay booqdeen si goonni-goonni ah uga qaadanayey warbixinaha af iyo qoraalba ee la xidhiidha habsami u socodka hawlaha kala duwan ee ay qaabbilsan yihiin iyo weliba baahiyaadka lagama kacaanka ee ka jira.
Xubnahan UNICEF ayaa iyagoo guud ahaan waxqabadkooda uga mahadnaqay Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur iyo meelaha waxqabadkoodu muuqdo ee ay ka mid tahay hay'adda Waddaniga ah ee HOP oo iyagu muddooyinkan ugu danbeeyeyba ku hawl-lanaa biyo-ballaadhinta Ilaha Riigagga ah iyo Kiyoosytayaalka laga cabbo ee magaalada Ceerigaabo. Sidoo kalena waxay xubnahaasi ballan qaadeen sida ugu habboon in ay wax ka qaban doonaan baahiyaadka dhinacyadaas ka jira.
Sikastaba ha ahaatee booqashada madaxdan sar-sare ee UNICEF ayaa xilligan u muuqata mid wax weyn ka tari doonta horumarinta arrimaha bulshada iyo nolosha aasaasiga ee Ceerigaabo.
Qarannews/Ceerigaabo
