Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada duruksi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada duruksi

Post by Siciid85 »

Wefti ka kooban Ururada Aflax Social Development Org, SAMAFAL IYO OODWEYNE FOUNDATION Oo Kor-meer Ku Tegay Degmada Durukhsi + SAWIRO
Hargeysa (Oodweynenews)- Wefti ka kooban Ururada Aflax Social Development Organization, SAMAFAL IYO OODWEYNE FOUNDATION, ayaa dhawaan safar Kor-meer xaqiiqo-raadis ah ku Tegay Degmada Durukhsi oo ka tirsan Gobolka Tog-dheer.

Image

Weftigan oo ujeeda ugu weyn ee ay halkaas u tegeen ay daarnayd sidii ay u soo dersi lahaayeen xaalada waxbarasho ee halkaas ka jira iyo waxa laga qaban karayo baahiyadaha waxbarashado ee deegaanka Durukhsi ka ka taagan, isla markaana dhisme loogu dari lahaa Iskuulka Boodhinka ah ee Durukhsi

Kulankan lagu qabtay Durukhsi, ayaa ugu horyn waxa ka hadlay Gudoomiyaha durukhsi oo ka sheekeyay marxaladahi ay soo martay durukhsi iyo halka ay tagan tahay imika, isaga oo tilmaamay in dadweynaha durukhsi baahi weyn u qabaan sidii wax loogala qaban lahaa baahiyaha waxbarasho ee ka jira deegaanadooda.

Image

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Axmed Caydiid oo aad iyo aad ugu dhiri galiyay dadkii kulankaas ka soo qayb-galay muhiimda ay waxbrashadu leedahay, isaga oo ku adkeeyey inay awooda saaraan sidii u kobcin lahaayeen waxbarashadooda. Waxaana Aradaydii halkaas ku sugnayd ku adkeeyey in aabay waxbarashada sii dayn ee ay ku daadaalaan ka midho-dhalinteeda.

Image

Gudoomiyaha Ururka Aflax Social Development Organization Ixsaan Aadan Farax (Foolge) oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay Urur ahaan diyaar u yihiin wixii awoodooda ah inay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Durukhsi, isla mar ahaantaana waxa ay tibaxday in waxabarashadu tahay iftiin qofka.
Waxaana ay ku dhiiri gelisay araydii kulankaas ka soo qayb-galay inay waxbartaan, “Waxa aan idinku boorinayaa wax barta oo aqoon yeesha, ilayn kuwa dalka mamulaya waa adinka oo kale oo waxa bartay. Waxa aan idiinku diri galinay waxa barta, marka hada la gego wakhtiga la dhisay schoolkan iyo sida la idiinku sheegay waxa barashada waa waxa lala yaabo.” Ayay tidhi Gudoomiyaha Ururka Aflax Social Development Organization Ixsaan Aadan Farax (Foolge).

Waxa kale oo isna halka ka hadlay Maxamed M. Kahin (Deeq) oo isaguna kula taliyay degan ka caruruta inay ku dadalan waxa barashad oo anay ka sariin marka aad u bahatan caruurta waxa ha la baro.

Xoghayah Guud ee maliyad ee Ururka oodweyne foundation Cumar Saleebaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dhisma Iskuulka ay ka bixinayaan Jeebkooda iyo lacago la soo uruuriyey, balse aanu ahayn qandaraas meel ka soo qaateen.

Ugu dambayntii Gudoomiye ku xigeen ka Aflax Siciid Cabdilaahi Col-u-joog oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay waxbarashada leedahay, isaga oo xusay inay mar kasta muhiimaada koobaad la siiyo horumarinta waxbarashada.

Image
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by HooBariiska »

Siciid,

The gurl in the orange, she is soo xaax man, is she from xaaxi :mrgreen: :mrgreen:

Laakin why are the pics dated 2008, reer odweyn why cant they buy a camera that can adjust the date/time stamps :idea:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by Siciid85 »

:lol: No i think the lady is from New Hargeysa she is Isaxaaq/bah dhulbahante baan uu malaynaya i have seen her doing alot of projects in gacanlibaax and Ururka Aflax Social Development Organization is based in eastern hargeysa, as for the camera i don't know marmar bii siida ka noqota even in the elections there was some cameras siidaas ku so baxay, and lastly Duruksi is part of Togdheer not Oodweyne, ee baal reer duruksi deeh marka :lol: .
Last edited by Siciid85 on Mon Aug 09, 2010 7:47 pm, edited 1 time in total.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by HooBariiska »

gartay sxb, lookin at some pics from that degmo, more, lot more needs to be done.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by Siciid85 »

Indeed sxb, horta waxan ku waydiin laha isaxaaq xage bii ka dagaan xuduuda somaliland, ma meesha labisigaale baad uu dhowtihiin.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by HooBariiska »

runtii i am not 100% sure about xuduudka, laakin the towns isaxaaq notably dego waa benderwanaag (cabdella isaxaaq), cadaadley (qaasin). Also, there are isaxaaq degmo between hargeisa and berbera, sida halaaya and agagaarka hargeisa
and yes labo sagaale way dagaan too
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by Siciid85 »

Timo_Case wrote:runtii i am not 100% sure about xuduudka, laakin the towns isaxaaq notably dego waa benderwanaag (cabdella isaxaaq), cadaadley (qaasin). Also, there are isaxaaq degmo between hargeisa and berbera, sida halaaya and agagaarka hargeisa
and yes labo sagaale way dagaan too

I always knew that those two districts part of maroodijeex - Sabowanaag & Cadaadley belonged to Abdalle iyo Qassim, man ogayn ini xiita labo sagaalana degan.
budnacab
Posts: 97
Joined: Sat Jan 29, 2005 10:40 am
Location: Cadaadley

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by budnacab »

isaxaaq region: Gobolka Maroodi jeex; hargeysa, to north - halleya, aw barkhadlle, ceel-lahelay, Dhubato (ceel dhanaan) east ceelka debis, caddaadley through ceelka siig SOUTH Dabagoryaale, bali ugaadh ilaa labi sagaal ah, to west Xadhig-xadhig, qoton dabo, intaa waxaa u dhexeeya illaa 50 tuulo.... deeganka isaxaaq ee somaliland wuxuu ka koobanyey laba degmo Caddaadley iyo Sababwanaag. xaga bariga fog 5-7 tuulo ayay degaan ama la degaan HJ beesha reer yoonis iyo axmed faarax biciido.

Hawdka sare damn halkaasun baad ugu gelaysaa faraha isaxaaq about 40 tuulo ayay degaan ama majority ay yihiin. imika waxaa socoda degaama cusub (new settelments) oo ku yaala waddada la yidhaa harra tiris ee hoos marta dig, waxaa ka mid ah Bali Cabddale, Dekedda, dabaraqas, Kordheer etc.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by Siciid85 »

budnacab wrote:isaxaaq region: Gobolka Maroodi jeex; hargeysa, to north - halleya, aw barkhadlle, ceel-lahelay, Dhubato (ceel dhanaan) east ceelka debis, caddaadley through ceelka siig SOUTH Dabagoryaale, bali ugaadh ilaa labi sagaal ah, to west Xadhig-xadhig, qoton dabo, intaa waxaa u dhexeeya illaa 50 tuulo.... deeganka isaxaaq ee somaliland wuxuu ka koobanyey laba degmo Caddaadley iyo Sababwanaag. xaga bariga fog 5-7 tuulo ayay degaan ama la degaan HJ beesha reer yoonis iyo axmed faarax biciido.

Dekeda was recent territory taken from beesha cagdheer, laakinse never heard of isaxaaq settling in the east? such as oodweyne or burco, do you mean as far as sanaag/sool? :shock:
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by HooBariiska »

Siciid85 wrote:

isaxaaq used to run dekeda as long as i can remember, atleast 20 years sxb

laakin i think budnacab is exegrattin cos isaxaaq and habar jeclo weligood isma arkaan

btw its not sababwadaag, its samo wadaag, and i dunno why ppl keep changin that town from benderwanaag to samo wadaag, maanta sababwadaag :shock: :shock: :shock:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by Siciid85 »

Timo_Case wrote:

:lol: true , about sabowanaag - wa degmo ka miid ah maroodijeex just like cadaadley, sabowanaag , alot of tuulos and small towns come under it like bandarwanaag, labi sagaale, etc , last i checked that degmo had about 20 - 30k residents properly mostly abdalle Isaxaaq & gashaanbur in labisagaale.
budnacab
Posts: 97
Joined: Sat Jan 29, 2005 10:40 am
Location: Cadaadley

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by budnacab »

correction Sabawanaag weeye maaha sababwanaag. waxa jira ilaa 3 jilib oo waaweyn oo cabdalle isaxaaq ah (Reer Ugaadh) oo dega bariga somaliland. waxa jira deegaan u gaar ah oo ay degaan, maamulkeeda iyo degmadeedu ba iyaga hoos yimaada iyo degaan kale oo ay la degaan beelaha Axmed faarax biciido iyo reer yonis (HJ) iyo weliba sacad yonis (HY).

nimaan dhul marin dhaayo la'e. beribaa waxaan raacay wefti uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenkii hore A.Y Yasin iyo ina warancadde. markaanu marayno tuulo xaga bari hawd ka xigta Ceelafweyne oonu in door ah soconay ayaa ragga badidiisu haraaday, qarna gaajoodeen waa safar aad u dheer waxaanu ku soconaa Ceerigaabo. waxaanu ku soo baxnay geellal aad u tira badan oo dhul qurxoon daaqaya. raggii baa iswaydiiyay geelu cidu yahay

A.Y Yasin: geelu waa geel biciido ama reer yonis ?
Warancadde: waar geellu sumad reer Ugaadh buu leeyaye 'shiinow miyaanay sumadii reer ugaadh u eekayn' shiine: mayee iga wallaa taraartii dheerayd wataa jeeniga kaga taala
A.Y Yasin: qoladiinan isaxaaq sidii dagaalkii Hawdka magac Beelnimo la'idiin siiyey ba, bari iyo galbeed ba dadkii joogay ma hadaydun sheegateen (qosol goo'gosa)
warancadde: waar Magacaa maasha allaysanoo iga walloo oromada dhexdeedan lanaga soo heli. ee qoladiinan ciise muse markaydun wadada berbera soo gaadhan baydun tidhaahdaan geeli Hawd buu jiraa. (qosol iyo dhux-dhux)

A.Y Yasin: waar anaga somaliland baa naga badan, maxaa oromo iyo hawd guntii oon laguba haraad bixin noo soo arkay. anagu wadnaha isaaq baanu ku naala warancadow ma garatay.
Warancadde: waa run madaxweyne ee bal ka waran wadnahaasoo meel adag ku dhex ool, miyaanay bisaasku cuneen. (qosol badan oo af kala qaad ah)
A.Y Yasin: waar ilayn faanka waad u dhalteen, saw adiga igu soo habaryonisoobay, hadal ba waxaa ka hadhay geella iyo sumadiisa ?
Warancadde: madaxweyne anagu isaaq gudihiisa isaxaaq binu isaxaaq baanu ka nahay kolka shisheeye xaajo joogtana H da kulul iyo habaryonis (dhoola ka qosol garawshiyo leh)
A.Y Yasin: waar geella caana nooga soo lisa.

ninkii Geeljire: waar Jin-aragoow orod oo dhiilka kasoo qaad Xidiga-tiris.
A.Y yasin: waar waa maxay nimankan magacyada jinka wataa eynu afka uga soo galnay. waar bal faatixada hoosta inooga akhriya (qosol googos ah)
Warancadde: adeer sumaddaa geela ku taala maxaa la yidhaa ee jeniga dambe kaga xardhan?
Geeljirii : waa taraar.

Shiine: oo geelu waa qoloma? AY Yasin; waa ku sidee adeer qabyaalada inaga daa. Shiine; madaxwyne waa sida reer miyigu isku warsadaan.
Geeljirii: waa isaxaaq walaal. (la wadda yaab)
A.Y Yasin: oo geela isaxaaq ee ceelafweyn kor daaqaya xaguu u hoydaa. (qosol wadhan)
Warancadde: adeer dhiilka horta madaxweyna u dhiib. A.Y Yasin; waar bal igaga horee shiinow nimankan magac jinka watee isaxaaqna sheegtay iyadoo nugaal la joogo.
Shiine : madaxweyne caana geelu intaanay xoor dhacsan ayay diiran yihiine ciddi yaanay kaaga horayn.
A.Y Yasin: waar u dhiib warancade waa kii lahaa dhal awliyaan ahayo, jinka iyo insigaba waan micna aqaane (qosol wadhan)

Warancadde: oo madaxweyne weliba ku darsa'oo Libaax iyo shabeel kana dhawaan baan af barayoo hadii aydun caawa wasiirnimada iga qaadaan, hargeysa ciddi hurdo dhag u ledimayso. (qosol wadhan)
Shiine: madaxweyne nimanka qaadka wax ma kasiiya. A.Y Yasin; haa haa waa quud awliyaad qadka lama kala lah.
Geeljirii: soo xantoobiyo gacantaadu yaanay i gaasirin.
Warancadde: waar sigaar kana ugu dar ( waxoogay lacag ah oo kuusana wuu u dhiibay).

rabadaan kariim.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Aflax Social Development Org, S.I.O.F visit degmaada dur

Post by HooBariiska »

budnacab LOOOOOOL, waa sheeko layaable, and i believe u.
oo inadeer ilen madax baad tahay hadii aad axmad yasiin iyo warran cade la socotay :up: :up: :up:

Taraartaa aad sheegtay waa tii reer ugaadhka (i should this :D :D )

sxb reer ugaadh reer hargeisa iyo hawd baan ku aqaanay, sida dekada, camp ugaadh, goosayga, daroor, nustariiq and surrounding areas

macaa benderwanaag si badan uma degaan, dhulkaa sanaag ee aad sheegaysid, this is the first time i heard walaahi

haday sheekadu sidaa tahay waanu shidan nahay, hadaanu reer ugaadh nahay :mrgreen:

btw where exactly is this ceelafweyn?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”