Eng Muj Maxammad xashi will pay of the debt

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Eng Muj Maxammad xashi will pay of the debt

Post by The_Emperior5 »

Cawil left with in the next six months.

And will pay mushaharka shaqaalada qarranka
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Eng Muj Maxammad xashi will pay of the debt

Post by Rightwing »

Twenty million dollar :shock:

Free advice for debt consolidation ha la raadsho :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Eng Muj Maxammad xashi will pay of the debt

Post by The_Emperior5 »

Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay Lix Bilood Ku Bixinayaan Dayntii Xukuumadii Hore Lagu Lahaa, Shaqaalaha Mushahooryinkii Ay Siinayaan
(Hadhwanaagnews) Monday, August 09, 2010

Hargeysa (HWN)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ****olka ka qaaday inuu daynta xukuumada lagu leeyahay ee ganacsatadu ku lahayd xukuumadii hore uu ku bixin doono muddo lix bilood gudahood ah. Waxa kale oo uu sheegay inuu shaqaalaha dawlada siin doono mushaharooyinka ka maqan.



Eng. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu sidaasi ka sheegay maanta markii uu hortagay fadhigii Golaha Wakiilada ka hor intii aanay aqalkaasi saaka cod aqlabiyad ah ku meel marin hormo Wasiiro ah oo uu ka mid ahaa.



Wasiirka cusub ee Maaliyada oo ka hadlayay baaxada culyska hawsha hortaala ee uu ugu yimid Wasaaradaasi wuxuu yidhi “Waxa la ii magacaabay Wasaarad u baahan hawlo faro-badan, waad la socotaan Mudaneyaal in shaqaalihii dawladu sadex illaa afar bilood iyo tan socota qaarkood ay shan bilood iska gaadhay. Ciidamadii raashinkoodii iyo daymo faro-badan ayaan meesha Wasaarada ugu tagay. Waxaan idhi wixii aan arkayana waan saxeexi wixii kalena Guddi baa loo diri soo baadha oo hubisa daymahaasi faraha badani waxay ku baxeen.”



“Miisaaniyad ayaynu samaysanay Miisaaniyada in la raaco weeye, Xisaabiyaha Guud miisaaniyadii wuu raacay dakhiligii baa ka badan mudadaasi kharashkii, haddana daymo badan baa meeshii yaala markaa tii baanu ku jirnaa sidii loo baadhi lahaa. Xalay waxaanu la shirnay nimanka Tijaarta ah sababta aanu ula shirnay waxay ahayd sidii aanu daymahaasi u ogaan lahayn,”ayuu yidhi Wasiirku.



Eng. Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in cashuuro badan oo dawladu qaadan lahayd ay baaqan jireen waxaanu yidhi “Lacagta aynu urursanaa way yar tahay arrintaasina waxay ku timid dadkii cashuurta ururinayay ee shaqaalaha ahaa oo dulman oo lacag yar qaata.waxaan diray afar Guddi waxaan idhi soo qiimeeya cel celis ahaan xaaska meel dhaxaadka ahi maalintii inta uu ku noolaan karo. Dabadeedna aanu halkaasi ka dhigno heerka lagu dalacsiinayo mushaharka shaqaalaha. Waxa muuqata Ha’yadahan caalamiga ahi markay ina leeyihiin dawlad wanaag iyo la xisaabtanka iyo horumarinta shaqaalaha, waxay noqonaysaa aakhirkii qofku muxuu mushahar u qaataa. Qof aqoon badan iyo shahaado sare haystaa markuu mushaharku yar yahay kuu iman maayo. Waxaan damacsan nahay in dadka wax loo kordhiyo oo arrintaasi la xaliyo. Si wixii kharash ah ee soo hoyanayay uu sare ugu kaco. Waxaan qabaa lacagta inaga baaqanaysay ee cashuurtii barriga oo sadex jeer ka badan lahayd ta kastamka waxay u yaraatay oo ay 8% u noqotay waxa weeye dadkii aynu wax u diranaynay ayaa aad u dulman.”



“Markaasi sidaasi wax u tayayno ayaanu muddo lix bilood ah gudahood ku bixin doonaa daymahaasi waanay ka soo horayn karaan,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu, waxaanu intaasi raaciyay “Shaqaale badan oo aan loo baahnayn ayaa buuxa meel walba waxaana la leeyahay hebeloow hebel shaqada ii qor, waxaan soo jeedinayaa inaynaan shaqaale dambe qoran inta aynu kuwii hore fasamaynayno.waxaan hayaa qaar aan siddeed sanadood shaqayn oo Wasaaradayada jooga. Si cadaalad loo helo waa in imtixaan la soo rogaa oo dadka imtixaan lagu qaato.cidii hawl gab ahina waxba ma qaataane’e inta
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Eng Muj Maxammad xashi will pay of the debt

Post by Cali_Gaab »

Pay of 20million in 6 months???

GTFOH :arrow:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”