Page 1 of 1

Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Mon Aug 09, 2010 4:33 pm
by Khalid Ali
Xaflad Loo Sameeyay Arday Ka Qalin Jabisay Machadka Universal ee Magaalada Gabiley

Image
Ugu horeyn waxaa halkasi ka hadlay badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw-Cabdi Xabiib oo....( Daawo Sawiro)

Badhasaabka gobolka gabiley Maxamed Axmed Aw-Cabdi Xabiib ayaa maanta ka qayb galay Xaflad balaadhan oo loo sameeyey arday ka dhamaysatay culuumta computerka ee Machadka Universal ee magaalada gabiley xafladani oo maanta lagu qabtay Hotel Askar ee magaalada Gabiley xarunta gobolka Gabiley .


Xafladan loosameeyay ardayda qalinjabisay ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay Gudoomiyaha Gudiga horumarinta Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi iyo Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka Gabiley. Iyo maamulaha Machadka Universal

Image
Ugu horeyn waxaa halkasi ka hadlay badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw-Cabdi Xabiib oo aad ugu mahad naqay ardayda dhamaystay culuumta computerka tilmaamayna ahmiyada ay haatan aduunka tiknoolajiyadu ku leedahay caalamka waxaana uu aad ugu dheeraaday sida laga ma maarmaanka ay u tahay barashada technologiyadu. Waxaana uu ardayda dhamaysatay culuumta computerka kula dardaarmay in aanay halkaa kaga hadhin ee ay sii wadaa barashada ku tacaluqda computerka. Ugu danbayntii waxa uu badhasaabku u mahad naqay dhamaan waaldiintii kula soo dadaalay ardaydoodaa waxbarashada iyo maamulka machadka.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada gobalka Gabiley oo isaguna kawaramay waxbarashadu faa iidada ay leedahay ayaa waxa uu shegay in aanay sinayn qofka wax bartay iyo ka aan waxba baran,kana nolal wanaagsan yahay kawaxbartay

Gudoomiyaha waxbarashadu waxa kale oo uu ardayda ka la dardaarmay in ay iska ilaaliyaan balwada qaadka iyo sigaarka oo maanta wadanka ku farabadan sidoo kalana illahay uga baryay inay noqdaan kuwii dalkooda iyo diintoodaba an faca
Image
Image
Maamulaha macadka ayaa isaguna si kooban uga waramay taariikhda dugsiga iyo inta kuliyadood ee ka qalinjabisay waxaanu sheegay in maxadka lafuray 2001labadii kun iyo kowdii waxaana ka qalinjabiyay 8 sided kuliyadood oo hore sidoo kalana sheegay in maanta ardayda qalinjabinaysaa tiradoodu dhantahay 65 shan iyo lixdan arday intaa in ka badanina ay ka qalin jabindoonto sanadka danbe hadii illahay yidhaa waalidiinta iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb galayna uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo qaybgaleen Xaflada
Image
Qalinjabintani ayaa ahayd tii sagaalaad ee loo sameeyo macadka Universal tan iyo intii lafuray
Image
Weriye C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)
Gabiley News Office
Gabiley Somaliland
ilkacasenews@hotmail.com

Re: Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Mon Aug 09, 2010 7:30 pm
by HooBariiska
:up: :up: :up:

Re: Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Tue Aug 10, 2010 1:28 am
by udun
Maashallah Somali students finishing their program and Graduating their program. :up: :up:
Let us all wish the best for these students and their families. Amen.

Kudos to Gebiley, North West region, of the Somali Republic. :D

Re: Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Tue Aug 10, 2010 1:30 am
by Khalid Ali
udun indeed but do u know these kids have never seen this or heard about this :som: they were all born around 1992 1993 :lol: ka waran kuwi 2000 ki dhashay ee maanta 10 jirka ah :shock:

Re: Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Tue Aug 10, 2010 1:43 am
by udun
khalid ali wrote:udun indeed but do u know these kids have never seen this or heard about this :som: they were all born around 1992 1993 :lol: ka waran kuwi 2000 ki dhashay ee maanta 10 jirka ah :shock:
Maashallaah mar haddii ay waxna baranayaan, caafimaad qabaan, nabad haystaan, caqiiqadoodiina dhulkoodii ku bhaystaan. Nolosha qiimaheedu waa intaas :up:

Re: Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Tue Aug 10, 2010 1:46 am
by Khalid Ali
wa run hada caruuurto nolol fiican ku noolyihn nolol maalimooodka haysta caafimad qaba wa mashallah allah ha u siyadio

Re: Somaliland Gabiley students graduate pics

Posted: Tue Aug 10, 2010 1:47 am
by hargaysaay
one of the problems that may sophisticate somalia re union is somaliland teenages who has never heard of somalia