CWXO oo weerar qorshaysan ku qaaday ciidamada gumaysiga
OT: ONLF oo Xalay Lix Degmo Weeraro Qorshaysan Ku Qaaday.
Saraakiisha Ciidamada ONLF oo la soo Xariiray Warsidaha Ogadentoday ayaa u Xaqiijiyay Inay xalay qaadeen Weeraro Qorshaysan oo ka Dhan ah Ciidamada Itoobiya Waxayna Weeraradan ahaayeen Kuwo Halmar Dhacay oo ka Dhacay Degmooyinka Gobalada Ogaadeeniya.
Saraakiisha Ayaa sheegtay In Dagaalkaas Xalay ay qaadeen Saqdii Dhexe uu ahaa Mid Dhowrgoobood lala Beegsaday oo ka mid ah Degmada Godey gaar ahaan Dhanaan, Qabridahar, Wardheer Iyo Fiiq.
Weeraradan ayay Sheegeen inay Ku Furteen Hub Badan Gubeen Goobaha Ciidamada Itoobiya Fadhiyeen Balse ay sheegeen inay Faafinta Dib ka soo Baxin Doonaan.
Weeraradan ayaa ku soo aadaya Xilli maal mahan ay ka socdeen Gobalka Ogaadeeniya gaar ahaan Dhagaxbuur Dagaalo, Sidoo Kale Xilli ay Dowlada Itoobiya Sheegtay in ay Kooxa ONLF wada hadlayaan hase ahaatee Ciidankii ONLF uu Dagaal ku Jiro.
Wararka ayaa waxay Intaas ku Sii Darayaan In Labadii Maal mood ee u Danbaysay ay Dagaalo ka socdeen, Deegaamada Daakhato, Toga Booraale Iyo Ceelo Obo, Saraakiisha ayaa sheegtay In Ciidankii Itoobiya ee Goobtaas Joogay ay u kala Jabeen Seddex Qayb.
Ogadentoday.com
Warbaahinta Ogadentoday Waxay ku Jirtaa Ilaa hada Aruurinta Dagaalo goos goos ah oo Jabhada ONLF ay ku Qaaday Labadii Habeen ee oogu Danbaysay Fariisimo ay Ciidamada Itoobiya ku Lahaayeen Gobalada Iyo Degdoomiynka Ogaadeniya.
Waxaa Wararka Maanta na soo gaaray ay sheegayaan In Dagaalkii uu sii Balaaranaya Iyadoo Magaalada Dhagaxbuur ay Maanta Geeyeen Ciidamada Itoobiya 40 Tank Iyo 21 Beebe, oo ay ku sheegeen inay u qaybinayaan Gobalada.
Dadka Shacabka ah ayaa sheegaya in Dagaalku sii Xoogsanayo, Iyadoo Ilaa hada aan la hayn Khasaaraha Dhabta ah ee Dagaaladaas ka Dashay kuwaas Saq-Dhexe Lagu Fuliyay Goobo Cayiman oo Ciidamada Itoobiya ku Sugnaayeen oo ka Baxsan Goobaha Shacabka.Jabhada ONLF ayaa aad ooga Taxadaraysa in Goobaha Shacabku uu Dagaalku Ku Fido.
Illaha sida Tooska ah nooga soo waramaya Waddanka ayaa sheegaya In Xalay Goob ay ku Cawaynayaan Ciidamada Itoobiya oo ku Taalla Magaalada Shilaabo ay ka Dhacday Israsaasayn Ilaa hada waxaa la Xaqiijinaya in Halkaas Laba Askari oo Ciidamada Itoobiya ku Dhinteen.
Dhanka Kale Xerda Ciidanka ee Magaalada Shilaabo ayaa loo gaystay Duqayn Hubka Culus ah.
Illaha aan Wararkan ka soo Xiganay ayaa ah Kuwo Seddex Qayb ah si aan u Xaqiiqsano, Illaha Shacabka, Illo Madaxbanaan Iyo Illaha Saraakiisha Ciidanka ONLF oo Xariir nala sameeyay.
Dhamaan Wararkan oo Faah-Faahsan waxaan ka soo Gudbin Doona Gadaal
Ogadentoday.