Berbera will get another Maxjar

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Berbera will get another Maxjar

Post by The_Emperior5 »

Shirkadda Abu Yaasir Sheegtay Inay Maxjar Cusub ka Furanayso Berbera iyo Jawaabta Wasiirka Xanaannada Xooluhu ka Bixiyey
Hargeysa (Jam)-Shirkadda Abu Yaasir ee maamusha maxjarka xoolaha ee magaaladda Jabuuti, ayaa caddaysay inay maxjar cusub ka furanayso magaalada dekedda ah ee Berbera oo uu ku yaalo maxjarka xoolaha ee uu maalgeliyey ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabiri.


Wasiirka xanaannada Xoolaha Somaliland Md. Axmed Xaashi Oday oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay, ayaa sheegay in wasaarad ahaan aanu wax war ah ka hayn maxjar cusub oo laga furayo magaaladda Berbera, hasayeeshee canjalad maqal iyo muuqaal ah oo Jamhuuriya helay oo laga duubay shir 2 Augost 2010 ka dhacay magaaladda Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayey shirkadda Abu Yaasir kaga dhawaaqday inay maxjar cusub ka furanayso magaalada Berbera,kaasi oo qorshuhu ahaa in toddobaadkan la furo, balse sida ilo-wareedyo kala duwani noo xajiiyeen dib-u-dhac ku yimi.


Wakiil ka socday shirkadda Abu Yaasir oo magaciisu yahay Eng. Waliid Saciim oo hadlay shirkaasi oo ujeedadiisu ahayd tayeynta caafimaadka xoolaha iyo xanaanayntoodaba, waxa uu caddeeyey in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xadhigga ka jari doono dhismaha maxjarka cusub ee uu sheegay in shirkadoodu ka furanayso magaalada Berbera.


“Madaxweynaha Somaliland waxa uu toddobaadka soo socda (toddobaadkan) uu magaalada Berbera ka furi doonaa maxjar xooluhu ka dhoofaan,” ayuu yidhi Eng. Waliid Saciim oo ka hadlayey shir toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Dubai, isaga oo intaa ku daray in u xaqiijiyeen in maxjarka cusubi ku fadhiyo dhul baaxadiisu dhan tahay 25,000 mitir oo laba jibaaran, isla markaana uu ka kooban yahay 49 xero, kuwaasi oo qaadi kara xoolo tiradoodu gaadhayso 60,000 oo neef.


Wasiirka xanaannada xoolaha Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo waxa ka jira sheegashada shirkadda Abu Yaasir ee ah inay maxjar cusub ka furanayso magaalada Berbera, waxa uu sheegay in wasaarad ahaan aanu wax war ah ka hayn maxjarka cusub ee la filayo in laga furo magaalada Berbera.


“Arrintaasi anigu imika ka hadli mayo, mana ogi wax maxjar cusub ah oo la furayo, haddii ay shirkaddu sheegatayna iyada weydiiya,” ayuu wasiirka xannaanada xooluhu ku gaabsaday.


Maalqabeenka u dhashay dalka Yaman ee lagu magacaabo Abu Yaasir oo isagu maamula maxjarka xoolaha ee magaalada Jabuuti, waxa uu muddo badan dagaal xun kula jiray xoolaha nool ee ka dhoofa maxjarka magaaladda Berbera, isaga oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii albaabada loogu xidhi lahaa maxjarka magaaladda Berbera, kaasi oo isku taxaluujiyey sidii maxjarka Jabuuti u noqon lahaa marinka xoolaha nool ee ugu weyn mandaqada Geeska Afrika,


Haddii ay dhab noqoto maxjarka cusub ee Abu Yaasir ka furanayo magaalada Berbera, waxay arrintaasi mar kale dib u abuuri kartaa dagaalkii xoolaha nool ee gilgilay xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale, taasi oo sumcad xumo u soo jiidi karta xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo, iyada oo durba soo baxayaan dareennada kala duwan ee ganacsadata xooluhu ka bixinayaan maxjarka Abu Yaasir ee Berbera laga furayo.





Jamhuuriya Online
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Berbera will get another Maxjar

Post by Siciid85 »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”