Posted: August 11/2010, 6:53 pm
Wararka aanu ka helayno magaalada buuhoodle galabta ayaa sheegaya in Goor gaaban galabtaasi ka Caraabeen buuhoodle kooxdii uu hogaamiyey saleebaan Ciise axmed(Xaglatoosiyey) Waxana buuhoodle ka tagay sida ay sheegaan Wararka laga helayo Buuhoodle Garaad jamac garaad cali xaglatoosiyey, cali sabaray, iyo dhamaan kooxdii ssc oo iyagu dhawaanahanba khilaaf xoogani soo kala dhexgalay.
Warka ayaana intaasi ku daraya in Kooxdaasi Caawa joogaan magaalada dharkayn geeyo halka uu garaad jamacna ku sii jeedo magaalada saaxdheer oo la sheegay inuu doonayo inuu halkaasi ku soomo.
Wararka ayaana intaasi ku daray in kooxdaasi Xaglatoosiyey gabi ahaanba doonayaa inay ka baxaan gudaha wadanka somalia kadib markii ay ku guuldarayseen hogaamintii loo igmaday, isla markaana soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo gaadhay halkii ugu saraysay.


