Madaxa Idaacada aadka looga dhageysto waqooyiga ameerika iyo aduunka ee radiyo ogaal xasan karate oo waraysatay gudoomiye ku xigeenka golaha qurbajoogta jubooyinka marwo shamso cabdi yuusuf.
Madaxa idaacada ayaa wuxuu gudoomiye kuxigeenka waydiiyay xaalada guud ee degaanada jubooyinka ku sugan yihiin gaar ahaan dadaalada golaha qurbajoogta jubooyinka ka wadaan daafaha aduunka, wixii golaha u qabsoomay iyo waxa aan u qabsoomin.
Marwo shamso waxay sheegtay in golaha qurbajoogta jubooyinka la aas aasay markii la arkay baahida loo qabo in cududa iyo caqliga qurbojoogta jubooyinka la mideeyo, waayo aragnimada iyo horumarka aan qurbaha ku aragnayna aan uga faaiideyno dadkeena jubooyinka ee nabad la,aanta iyo colaadu l a hartay.
Marwo shamso cabdi iyada oo hadalkeedii sii wadata waxay sheegtay in sameynta golaha qurbajoogta jubooyinka uu ahaa riyadii reer jubbaland oo rumowday,waxyaabaha golahan meesha ka saarayna waxaa kamid ah in markii dadkii degaanka lahaa oo u kacay la arkay ay dhamaan dadkii degaanka sida xaqdarada ah mediyaha uga sheegan jiray ay dib u istaageen.
Waxyaabaha kale ee golahan horseeday waxaa kamid ah in uu dib usoo nooleeyay dareenkii iyo kalsoonidii dadka jubbaland oo aad moodeysay in waayihii dambe ka maqnaa, wuxuuna golha horseed u noqday in dhamaan ay isku xidhamaan golaha guurtida jubooyinka iyo gedo, golaha siyaasiyiinta jubooyinka, ururada bulshada sida ururka haweenka jubbaland iyo swso, isla mar ahaantaa waxaa golaha u qorshaysan in uu sameeyo dhamaan qaybaha bulshada ee aan wali la dhisin sida dhalinyarada jubbaland iyo aqoon yahanka.
Marwo shamso ayaa sheegtay in golahan oo kale uu la kulmayo caqabado badan oo ay ugu horeeyaan dadkii degaanka jubbaland oo uu cadowgeena noo adeegsado in golaha wuxuuna ahayn lagu sheego, in dadka jubbaland ee musuqmaasuqa iyo qaybsanaanta kusoo jiray 20 kii sano ee ugu dambeeyay ay ka buuxaan dad ama afraad danaysto nimo iyo wax lamid ah ku jira oo aan garan karin hadafyada golaha ee ka turjumaya sidii loo xaqiijin lahaa himilada ummadda jubbaland.
Marwo shamso cabdi waxay iyadoo ka faaiideysanaysa fursada raadiyo ogaal oo dhageystayaal badan ku leh caalamka ugu baaqday dhamaan bulsha weynta jubbaland meel ay joogaanba in ay midnimada iyo wadajirka ku dadaalaan,barnaamijka siyaasiga ah ee proff. gaandi oo ah maslaxada muqadaska ah ee dadka iyo degaanka jubooyinkana hiil iyo hooba lala garab istaago sidii loo xaqiijin lahaa, qof walba oo isku daya inuu ka horyimaado oo carqaladeeyo barnaamijkana loo aqoonsado (traitor) cadow u ah dadka iyo degaanka jubaland.
Marwo shamso waxay hambalyo u dirtay dhamaan shacabka jubbaland, golaha guurtida jubooyinka iyo gedo,xubnaha golaha qurbajoogta jubooyinka ee caalamka ,ururka solidaaritiga haweenka soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida ee jubbaland, ururka haweenka jubbaland oo 08.08.2010 lagu aas aasay magaalada nayroobi aadna aan ugu faraxsanahay, waxaan bulshada jubbaland ugu baaqayaa in ay niyada ku hayaan in midnimadu awood tahay qaybsanaantuna daciifnimo tahay sidaa darteen aan mid anagoo ah aan degaankeena nabadeyno insha allahna aan sida ugu dhakhso badan arintaas meel kasta oo aan joogno u howlgalo.
Radio Ogaal interviews 2nd in charge of GQJ
-
- SomaliNet Super
- Posts: 6096
- Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
- Location: Aware and Dhagax-Buur
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 443 Views
-
Last post by Jesteye
-
- 0 Replies
- 404 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 595 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 3 Replies
- 722 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 6 Replies
- 1169 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 3 Replies
- 547 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 1 Replies
- 694 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 0 Replies
- 1099 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 50 Replies
- 5092 Views
-
Last post by xoogSADE14