The Battle for UDUB Leadership has Started
Posted: Thu Aug 12, 2010 10:05 am
Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ayaa waxa ka dhex socda loolan adag oo loogu jiro ciddii buuxin jagooyinka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka oo ay hore u hayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo lagaga guuleystay doorashadii dalka ka dhacday 26 June 2010.
Sida ay warbaahinta u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow xisbiga UDUB, waxa jira kulamo hoose oo ka dhex socda masuuliyiinta sare ee xisbigaasi oo la sheegay inuu mid waiba gaarkiisa ugu jiro.
Siyaasiyiinta ilaa imika la sheegay in tartan weyn ay ugu jiraan hogaanka xisbiga UDUB waxa ka mid ah, wasiirkii hore ee Maaliyada, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, C/laahi Maxamed Ducaale, madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin, Mujaahid Ibraahin Meygaag Samater oo isagu haatan aan dalka ku sugneyn balse la sheegay in xubno ka mid ah siyaasiyiinta UDUB doonayaan inuu jagada guddoomiyenimada buuxiyo.
Wasiirkii hore ee maaliyada Md Xuseen Cali Ducaale(Cawil) oo xalay khadka tilifoonka lagula xidhiidhnay mar wax laga waydiiyey in rag badan oo ay ku jiraan isaga iyo Mujaahid Ibraahin Maygaag Samater ay ku tartamayaan jagada Guddoomiye-nimada Xisbigaasi, waxa uu yidhi “Way dhici kartaa in aan anigu tartankaas ka qayb galo, rag badan oo damac ka hayo in ay ka qayb galaan tartankaasina oo aan hadda badka soo istaagina way jiraan oo eegaya raga isa soo taaga in ay yihiin kuwo ay la tartami karaan oo ay qaabili karaan iyo in kale, Ibraahin Maygaag Samater-na waa raga iyaguna tartanka gali doona, xaqiiqdiina waa nin soo halgamay oo aad u culus, waxaanan odhan lahaa oo aan ku talin lahaa qof kasta oo ku soo baxa tartankaas in lala shaqeeyo oo aynu sharafta xisbiga wada ilaalino, intaa wixii dheer waxaynu ka hadli doonaa marka labadaa wiig ee loo qabtey gudiyadaas ay soo saaraan wixii loo igmaday”.
Xuseen Cali Ducaale isagoo ka hadlaya sababta keentey in xisbiga mucaaridka ah ee UDUB laga waayo saaxada siyaasada dalka tan iyo markii lagaga guulaystey doorashadii dalka ka dhacday 26-kii June 2010, ayaa waxa uu yidhi “Waxa aanu hada ku mashquulsanahay dib u habaynta Xisbiga, xisbina marka doorasho laga guuleysto waxa haboon in uu dib isugu noqdo oo uu xisaabtamo si uu u ogaado khaladaadkiisii iyo sababta dhabta ah ee looga guuleystey, markaa waxaanu hada rabtaa maadaama oo ay hada doorashooyinkii baarlamaanka, kuwii golaha deegaanka ay inagu soo dhawdahay in aanu hawsha xisbiga dhaqaajino.”
Wasiirkii hore ee Maaliyada Cawil isagoo ka hadlaya gudiyo loo magacaabay in ay ka soo arimiyaan sababihii keenay in laga guuleyso xisbiga Udub, waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxa la magacaabay ilaa dhawr gudi oo loogu talo galey in ay ka soo arimiyaan waxyaabihii keeney in doorashadii dalka ka dhacday lagaga guuleysto, isla markaana ay keenaan sababahaasi markaa ka dib qodob qodob loo naaqisho oo khaladaadkii xisbiga dibada la soo dhigo, markaa waxa dhacaysa in la ogaado waxyaabo badan oo hore aan loo ogayn markaa laga faa’idaysto doorashooyinka danbe khaladaadkaas.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cawil.
Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo aanu isagana xalay isku daynay in aanu wax ka weydiino tartanka la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay xisbigooda, ayaanay noo suurtogalin in aanu tilifoonka ku helno.
Guddoomiyihii isbedel doonka UDUB ee heshiiska la saxeexday xisbiga Kulmiye, ayaa isagu sheegay in aanay danaynayn tartanka loogu jiro hogaanka UDUB, waxaanu yidhi “anagu hadda waxaanu ka tirsanahay xisbiga Kulmiye welina waanu sugaynaa madaxweynaha, ciddii UDUB qabsanaysa waxba nagama saarna anaga” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha Isbadal doonka xisbiga Udub Md Axmed Sandoon.
Dad badan ayaa hore u saadaalinayay in kooxdii isbedel doonka xisbiga UDUB ay saameyn weyn ku yeelan doonaan talada mustaqbalka xisbigaasi kaddib markii doorashada lagaga guuleystay, hase ahaatee hadalkan ka soo yeedhay Axmed Sandoon ayaa waxa uu saaxada u banaynayaa masuuliyiintii UDUB ee ay hore isugu maan dhaafeen talada xisbigaasi.