Within Hundred days, Hargeisa Bridge construction project w

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Within Hundred days, Hargeisa Bridge construction project w

Post by Goljano Lion »

Within Hundred days, Hargeisa Bridge construction project will be finished
Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Sheegay In Boqolka Cisho Gudahood Lagu Dhameystiri Doono Biriijka Hargeysa

Hargeysa, August 12, 2010 (Haatuf) - Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay markii u horraysay la kulmay gudida dib-udhiska bariijka labaad ee caasimada, kaddib kulankaasi ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in boqol maalmood gudahood lagu dhameystiri doono biriijka labaad ee Hargeisa oo qabyo ahaa muddo dheer.

Kulankaasi oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa socday muddo saacad iyo dheeraad ah waxaana markii shirkaasi dhammaaday Guddida dib u dhiska Biriijka iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa uga xog warameen kulankooda Saxaafada dalka.

Guddoomiyaha Guddida Dib u dhiska Biriijka labaad ee Caasimada Hargeysa Md. Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) ayaa la hadlay saxaafada kulanka ka dib, waxaanu ka xog waramay waxyaabihii ay kulankaas kaga wada hadleen waxaanu yidhi “Waxaanu ka hadlaynay oo aanu Madaxweyne Ku Xigeenka uga xog-waramaynay arrinta dib u dhiska biriijka labaad ee caasimada Hargeysa halka ay marayso ayuu Madaxweyne Ku Xigeenku noogu yimid inaanu ka kulano oo uu xogta siino.Madaxweyne Ku Xigeenka Md. C/Raxmaan Saylici waanu siinay siday u socoto hawsha biriijku iyo sidii uu ku bilaabmayba.”

Waxaanu Guddoomiyaha Gudida dib u dhiska biriijka labaad ee caasimada Md . Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) “Waxa kale oo aanu shirkan kaga hadalnay sidii loo dhamaystiri lahaa waana aanu isla fahanay meel fiicanna waanu marinaynaa.

Dhismaha Biriijka waxa hakad geliyay roobabkii badnaa ee dalka ka da’ay, oo mar walba waxaad moodaa inuu daad soo marayay. Waxaad moodaa in roobku xoogaa jaanis ah ina siiyay. Wixii dhaqaale ah ee ka dhimana loogu dooni lahaa ayay arrinta aanu ka hadlaynay ahayd.”

Sidoo kale, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isaguna ka hadlay waxyaabihii kulankan lagaga hadlay waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Kulankani wuxuu ahaa si\daad la socotaan haddii aanu nahay xukuumadii cusbayd ee dalka, maamul kasta oo cusubina waxa muhiim ah inuu hawlihii socday xogta ka helo. Anaga waxa noo qorshaysan in Biriijkani dhamaystirmo haddii Alle yidhaahdo boqolka maalmood ee ugu horreeya xil haynta xukuumada. Waxay markaa noqotay inaanu Xog-waraysi ugu nimaadno Guddidii hawsha waday muddo shan sanadood ah hawsha ku soo jirtay dhib badanna la soo martay.”

Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sheegay inay Guddidaasi tafaasiil ka siiyeen halka ay wax u marayaan waxaanu xusay inay u doonayaan wixii ka dhiman isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa naga go’an in la dardar geliyo hawsha biriijkan, maanta xog waran uun bay ahayd, waxaanu ka hawl galaynaa inaanu wixii dhiman raadino.”
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Within Hundred days, Hargeisa Bridge construction proje

Post by paidmonk »

The mayor should ask Riyaale to return part of the stolen $20 million to complete the bridge.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”