14 April 2010 ayaa ii suurta gashay inaan u safro Soomaaliya, gaar ahaan Jubooyinka, oo aan muddo dhowr iyo toban sano ah aan ka maqnaa. Waxa iigu dambaysey 1993kii, halkaas oo aan ku maray Mareerey axmed nuur khaliif.Qormadan oo taxane noqon doonta ayaan ku eegi doonaa safar dheer oon ku maray jubooyinka gaar ahaan, gosha iyo dhinaca badda oo sawir iyo muuqaal ba ah.
Qoraalkan waxaad ka dhex heli doontaa safar ka soo bilaami doona dhoobley iyo diif, bilicda, barwaaqdda iyo guud ahaan muuqaalka Jubooyinka. Habeenimaddii Arbacada, 14 April 2010 ayaan ka duulay Garoonka caalamiga ah diyaaradaha London Heathrow Arpt 08:00 Pm Terminal 4. Subaxnimadii Khamiista 15 April 2010, 6:30 Am ayaan soo caga dhiganay garoonka caalamiga ah ee Nairobi Jomo Kenyatta Int’l ARPT, halkaas oo ay naga soo qaadeen basas, kuwaas oo na soo gaarsiiyey qaybta jawaasaatka, Isla maalintiina waxaan u sii gudbay Thika (Makongene).
Subaxnimaddii 17 april 2010 9:30 ayaan ka soo baxay Thika (Makongene), una safray gaarisa waxaana gaadhay 3:30 Pm waxaan tegey Ainul Qamar 2 huteel oo magaca wacan ee quruxda badan ka sakow, ku darsaday bilic iyo baaxad weynaan aanan markii hore ka filayn. Gaarisa markaad tegtid, waxaad arkaysaa inay samada iyo meelo kale sii tiigsanayso, sida suuqa weeyn ee gaarisa, dukaannada, bakhaarada, hudheellada, booshariyada, iwm Magacyada huteellada kale ee gaarisa, waxa ka mid ah, Garisa Paradise lodge, Gantaal, Halgan (Al-waqt qurqn) iyo Huteel Guuleed, Hotel Jubba, iwm. Gaarisa waa magaalda ugu weeyn ee soomli degto wadanka Kenya, waana magaalo ku haboon ganacsiga dadka deegaankana waxay u badan yihiin xoolo dhaqato,waxay leedahay wabi iyo dhul beeraha aad ugu fiican.
Subaxnimadii arbacadda 18 April 2010 waxaan socod ku maray, badhtamaha magaalada gaarisa, suuqa bacadlaha, hoteladda, boosteejooyinka, iyo xaafadaha gaarisa oo ay ka mid yihiin, Gaarisa Waabaeri, Centre town, Buulo iftiin, Buulo Orgi, Korkora, DheegayBuuray. Xaafaduhuna waxay u sii kala baxayaan laamo. Waabari (Bullo iska deg, Buulo maslani, Buulo Mansuuri, Buulo Buleeja, Buulo Bahadi, Buulo Baashaal, Suuqa Xoolaha, Buulo Sagar, Buulo Ijaara). Centre Town (buulo sheikh, Buulo Buundha, Buulo Cadaan, Buulo, Gaamiya Round, Gaarisa Andogo (gaarisa yareey), Buula madina, Buulo Xagar, Bawa Nigthing, Buulo Jariibu).
Subaxnimadii 20 april 2010 8:00 Pm ayaan ka soo dhaqaaqay gaarisa, waxaan sii maray xeradda xagardheer, dhadhaab, ifo iyo dhagaxleey oon imid 3:00 Pm. Xeradda qaxootiga ee Dhagaxleey waxaa ku yaal suuqa ugu weeyn ee xoolaha lagu kala gato, sida adhiga, geela, lo’da.
Galabnimaddii 26 April 2010 waxaan ka ambabaxay Xagardheer, waxaana raacay baskii ka iman jiray Nairobi kuna socda Libooya, Waxaan bixiyey lacag dhan 500 oo shilng Kenya ah. Maqribkii ayaan soo galnay libooya iyadoo roob da’ayo, isla markiiba waxaan helay gaadhi qooqan ah oon ku wareegnay (500 shilin Kenya) jidkuna uu dhiiqo yahay wax yar ka dib waxaan gaadhnay Dhoobley oo dhacda xadka Kenya ay la wadaagto soomaaliya aniga iyo dhalinyaro badan oon wada soconnay, oon iska soo raacnay Kenya, waxaan seexanay hotel Liibaan.
Safar dheer ayaan kaga baxay Dhoobleey Barkhadii 11:00, 27 April 2010 gaadhi caasi ayaan soo roocay waxaan bixiyay $50 iyo $10 oo boorsadii dharka iigu jirtay waxaan nimid galabnimadii qooqaani halkaas ayaan habeenkii jiifsanay. kaas oon ku daraaseeynayay xaalada dhabta ah ee beeralaydda, reer guuraaga iyo waliba waxbarashda gobolka jubadda hoose. Socdaalkeyga ayaa ku wajahnaa dhulka beeraleyda ah ee loo yaqaano gosha iyo waliba joorey gaar ahaan busbusle iyo sadex lugood aaga badhaadhe. Inkastoo xiliyo badan oo abaar ah soo daashadeen, hadab sanadkan waxaa u da’ay roobab aad u tiro badan. Xuduuda soomaaliya waxaan ka galay dhoobleey, waxaan sii maray Haaqwina, Koosay, iyo Taabto oo ku yaalo bali aad u weeyn, waxaana ka caba xoola aad u tiro badan Geela, Adhi , iyo Lo’ba, waxay indhaheyga qabanayeen xoola aad u fara badan oo ka cabaya bali taabto, xoolahaasna waxaa u badnaa Lo’, waxaana loo waraabinayay, hab iyo nidaam u gaadh ah.
Habeenimaddii ayaan soo galnay qooqaani, dadka deegaanku waxay u badan yihiin xoola dhaqato, wallow ay jiraan dad ganacsiyo kala gedisan ku haysto magaalada, inkastoo aysan laheyn waxbarasho. Nolasha dadka reer guuraaga ah ayaa la dhihi karaa, sanadkan aad ayey u wanaagsan tahay, marka loo eego sanadihii hore.
Deegaanadan xiligan waxay ku jiraan barwaaqo, dhulkana waa doogan yahay, baliyadana way buuxaan, xooluhuna way dhogoreeysteen, waxayna ka soo kabteen, jilaalkii dheeraa, ee diifta iyo diihaalka badnaa, dadka iyo duunyadana korkooda ayaa laga dareemayaa, farxada iyo damaashaadka ay ku jiraan. Xiligan naqa iyo cosobka, waxay indhuhu nuursanayaan, nimcadda rabi dhigay, deegaanka quruxda lagu bilay, baadka iyo biyuhuna meel walba ceegaagaan, waxaad arkeysaa xoolihii oo daaqaya, aqalka duleedkiisa, oo dooga iyo biyaha jiifaan, waxaad odhanaysaa waxaan oo barwaaqo ah ilaahow maad sanadka oo dhan ugu wadid. Qooqaani xaga waxbarashada malaha dugsi hoose, dhexe iyo sare midna, marka laga reebo dugsi quraan.
Barkhadii 11:00 28 April ayaan ka dhaqaaqay qooqaan waxaan qaadnay waddadii Caglibaax jidku waa wada biyo bali ah, xilgu waa gu’ barwaaqo ah, waxaan sii marnay Jigeeys, Caglibaax, Biibi, Sooya, Janaacabdalla waxaan laamiga ka dhacnay buulaguduud oo u dhaxeeysa kismaayo iyo jilib, waxaan ka raacay gaadhi caasi ah waxaana habeenkii ku dheelmaday kansuuma hotel ku yaalo oo u dhaw laamiga, waagu markuu baryey shirkada hormuud ayaan u doontay SIM card, kadibna suuqa tuulada ayaan imid run ahaantii waa tuulada ugu weeyn inta u dhaxeeysa kismaayo iyo jilib, xaga dhaqdhaqaaqa ganacsiga aad ayuu u liita, dadku waa beerleey,waxbarshana warkeeda daa oo wax iskuul ah malaha, waxaa looga hadlaa sadex luuqadoo, may, maxaa tidhi iyo waliba luuqadda mashanguliga oo la bah ah luuqada sawaaxilga. Barqanamadii 01 may 2010 ayaan kansuuma, ka dhaqaaqay waxaana 2 saac ka dib gaadhay jilib oo ku taal meel istiraatiji ah oo ay ku kulmaan wadooyin badan oo ka kala yimaado kismaayo, muqdisho, afmadow bu’aale ahna degmo qadiim saas oo ay atahy wax waxbarasho ah kama jiraan dugsi hoose, dhexe iyo mid sareba, malaha dhaqdhaqaaq ganacsi, dhuxusha mooyee, oo aad looga isticmaalo ka ganacsigeeda dhamaan gobalada jubooyinka, dadka deegaanku waxay u badan yihiin beeraley.
Duhurnimaddii 02 May 2010 waxaan ka dhaqaaqay jilib waxaana tagey (mareerey yarey), jidku wuu dhiiqaysnaa waxaan soo raacay cagaf, jilib waxay u jirtaa ilaa 8 km dadka deegaanku noloshoodu waxay ku tiirsan tahay beeraha, waxayna ku taala wadada loo maro afmadow, waana tuulada ugu weeyne aagaas, waxaa ku yaala dugsi hoose dhexe ilaa fasalka lixaad macalamiintu waa afar, mana jiraan wax hay’add ah ama maamul oo kale dadka degaankana iyaka ayaa iskutashaday.
La socda qaybta 2aad.