

Kate Leming oo bushkuleeti ku timid PLAN Australian cyclist is only five weeks away from the end of an epic 10-month expedition from the most western to the most eastern point of Africa, with the support of resource companies. Kate Leeming last spoke to MiningNewsPremium at the halfway point of her Breaking the Cycle expedition. MNP brings you an update as she nears the finish line.
12 Aug 12, 2010 - 1:18:13 AM
Madaxweynaha Puntland oo sagootinaya gabadhaan saaran Bushkileetiga
Gabdha la yiraahdo Kate Leming oo la u dhalatey wadanka Australia ayaa maalintii shaley 11.08.2010 socod bushkileeti ah ku timid magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Kate Leming oo socodkeeda ay ku saaran tahay Bushkileetiga ka soo bilowdey Galbeedka Africa ayaa ku dhameyneysa magaalada Xafuun ee ku taala cirifka barri Puntland.
Kate oo dhexmareysa magaalada Garowe.xuquqda GO
Gabdhaan oo ay wheliyaan walaasheed iyo nin filim duube ah ayaa habeenkii xaley casho sharaf loogu sameeyey aqalka Madaxtooyada halkasoo kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole.
Kate Leming ayaa saakey 12.08.2010 socodkeedii fuulista bushkuleetiga dib uga bilowdey xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe iyadoo halkaas uu ku sii sagootiyey Madaxweynaha Puntland Mud. Cabdiraxman Farole waxeyna ku wajahan tahay magaalada Xafuun.
Saraakiil sii amabaxineysa Kate leming/Xuquuqda GO
Socodka fuulista bushkileetiga oo ay gabadhaan u dhalatey wadanka Australia ku soo martey 22 wadan oo Afrikan ah ayaa waxaa loogu magac daraa " breaking the cycle in Africa" iyadoo la adeegsanyo wax barshada, waxaana ay arinkaan kala shaqeynaya shirkado reer Galbeed ah.
Dhinaca kale gabadhaan ayaa kasoo gashey Puntland dhinaca Somaliland iyadoo halkaas uga timid wadanka Ethiopia.
Kate oo ka baxdey magaalada Garowe/ xuquuqda sawirka GO
Hadii aad rabtid inaad la socotid halka gabdhaan socodka ku mareyso ka daalaco boogeeda ay ku leedahay Internetka.