Ma dhabaa in Saylac lagu qabanayo shir Soomaaliyeed bilowga sanadka danbe?
Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Somaliland ay gogol u dhigi doonto Soomaalida inteeda kale,arintaas oo wakhtiyadii ugu danbeeyey ay isla dhex marayeen Soomaalidu,ayaa waxa siyaasiyiin iyo waxgarad kaleba ay no sheegeen in ay jirto dhaqdhaqaaq ka socda dhinaca Somaliland,oo wakhtiga uu dhamaanayo wakhtigii loo doortay dawlada Sheekh Shariif la isugu imaan doono meel ka mid ah Somaliland.
Shirkaas ayaa la sheegayaa in durba qabanqaabadiisii ay si hoose uga socoto Somaliland,oo madaxda sare ee ka socota Yurub,UN-ta iyo wadamada kale ee daneeya arimaha Soomaaliya,ay kulamo la yeelanayaan madaxda cusub ee Somaliland,iyadoo uu jirey wadahadalo iyo shirar uu Axmed Siilaanyo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda sare ee Caalamka,oo uu ka mid yahay Maraykanku,wakhti uu booqasho halkaas ku tegey.
Shirkaas ayaa sida la sheegay waxa Hargeysa u tegey madaxa UNDP ee Soomaaliya,iyo wakiil ka socda Yurub,kuwaas oo aan la faahfaahin ujeedada ay ula kulmeen madaxda sare ee Somaliland.
Shirkaas ayaa waxa la tilmaamayaa inuu ka dhici karo magaalada qadiimka ah ee Saylac oo u dhow xadka Jabuuti,iyada oo arimaha shirkaasna ay iska kaashan doonaan Jabuuti iyo Somaliland,nabadgelyadana ay wada sugi doonaan,wufuuduna ay Jabuuti iyo Somalilandba ka soo degi doonaan.
Shirkaas oo sida la qiyaasayo ay maalgelin doonto hay'ada UNDP ayaa ilaa 2000 oo teendho oo loogu tala galay shirka qaramada Midoobay la geeyey dhinaca Somaliland,iyada oo madaxweynaha cusub ee Somaliland lagu wado inuu noqdo ninka shirkaas hagi doona.
Siyaasiga weyn ee Cali Khaiif Galaydh oo dhowaan saxaafada siiyey waraysi ayaa sheegay in ay haboon tahay in Somaliland gogol u dhigto Soomaalida inteeda kale,oo caasimada laga dhigo hargeysa.Waxaa isna hadalkaas dhowaan saxaafada u sheegay Cabdi Siciid Samatar oo sheegay inuu jiro qorshe shir lagu qabanyo Somaliland,iyadoo laga bilaabayo in la isu soo dhoweeyo Somaliland iyo Puntland,oo faroole iyo Siilaanyo la filayo inay xukuumada cusub ee Soomaaliya ay hogaamin doonaan,si ay si wadajir ah uga hortagaan xoogaga islaamiyiinta ah ee ka soo socda dhinaca koonfurta,iyada oo loo arkay in xoogaga keliya ee haday iska kaashadaan caabin kara xoogaga Alshabaab iyo islaamiyiinta kale ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa jira guux weyn oo ka jira magaalooyinka Somaliland oo arimhaas khuseeya,iyadoo ay hadal hayntu isa soo tarayso.
Madaxweynaha Muqdisho ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa wakhtigii la doortay uga hadhay 4 bilood oo keliya,iyada oo la filayo in aan dib loo dooran,oo la iclaamiyo shir weyne Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb geli doonaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.
Waxaan kala cadayn in shirkaas ay Somaliland u qaban doonto oo keliya Soomaalida koonfurta oo ay Puntland ka mid tahay,iyo in Somaliland laftigeedu qayb ka noqon doonto,arintaasoo Somaliland ku keeni karta khilaaf siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee Axmed Siilaanyo oo ah ruug cadaa siyaasi ah,oo 5 sano kadib marka uu wakhtigu ka dhamaado aan isu soo taagayn wakhti kale madaxtinimo ayaa dhici karta inuu hunguri ka galo Soomaaliya oo uu madaxweyne u noqdo,oo uu sidaas taariikhda ku galo isaga oo madaxweyne Soomaaliyeed ah.
isku soo wada duuboo,waxaa hadii ay arintani sida la filayo ay u dhacdo ay isbedel weyn ku keeni karto arimaha murugsan ee Soomaaliya,oo ay hada xoogaga islaamiyiintu qarka u saaran yihiin inay la wareegaan dhamaan dalka oo dhan.
Magaalada Saylac ayaa ah magaalo qadiim ah,oo ahayd caasimadii ugu horeysyey ee dadka Soomaaliyeed gumaystihii ka hor.
Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
Moderator: Moderators
- hargaysaay
- SomaliNet Super

- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
it is nice as long as it is happening in somali people soil. but there is no better place then hargeysa to host a reconcilition confrence
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
Somali recompilation era is over. 90% of southern Somalia is ruled by Alshabab.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
This is not going to happen , a shir for somalia is not going to solve anything for somalia , maybe a shir inside somalia can help them but a shir outside somalia , a shir in dj a shir in Ethiopia a shir in somaliland , will solve anything
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
khalid ali wrote:This is not going to happen , a shir for somalia is not going to solve anything for somalia , maybe a shir inside somalia can help them but a shir outside somalia , a shir in dj a shir in Ethiopia a shir in somaliland , will solve anything
Khalid sxb. Waxaad adna ilawdaay. Alshabab somalinimo iyo waxaan kama hesho.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
Shirka alsbaab loo qabban mayo ba waxa looo qabanaya 4.5 iyo wixii aan nafta lahayn dee its not like abu zubeir is invited 
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
also i believe the new goverment wa inay wararkan suuqa la gal galinayo iyo inay shirrar jiiran inay miiska ka tuuran oo gaashaanka ku dhuftaan inanay wax ka jirin haday ka jiraan na ay dadka u so ban dhigaan waxay damacsanyihin
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
khalid ali wrote:Shirka alsbaab loo qabban mayo ba waxa looo qabanaya 4.5 iyo wixii aan nafta lahayn dee its not like abu zubeir is invited
4.5 are homeless dee. Ma dad homeless ah ayaa shir loo qaban?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Reconciliation Conference for Somalia in Zeila ??
Rightwing wrote:khalid ali wrote:Shirka alsbaab loo qabban mayo ba waxa looo qabanaya 4.5 iyo wixii aan nafta lahayn dee its not like abu zubeir is invited
4.5 are homeless dee. Ma dad homeless ah ayaa shir loo qaban?
Thats what they always do in dj in kenya in ethiopia they always do that that beesha calaamka rabta sida lol
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 1537 Views
-
Last post by Salah Al-Din
-
- 12 Replies
- 1398 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 558 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 289 Views
-
Last post by newsbot
-
- 14 Replies
- 1289 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 9 Replies
- 1297 Views
-
Last post by MaxPowar
-
- 16 Replies
- 1587 Views
-
Last post by gemini07
-
- 12 Replies
- 1292 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 23 Replies
- 2148 Views
-
Last post by Murax