PIS officer killed in bosaaso

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

PIS officer killed in bosaaso

Post by The_Emperior5 »

ugu sareeyay maleeshiyada PIS-ta ee deegaanka Galgala oo dagaal lagu dilay iyo madaxii caafimaadka ciidanka Faroole oo isna la dilay.
Saturday, 14 August 2010 07:48 administrator Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo shalay oo idil ka socday hareeraha degmada Galgala ee gobalka Bari kuwaasi oo khasaara dhaliyey.


Shabakadda Islaamiga SomaliMeMo ayaa faah faahin buuxda ka heshay qaabkii uu u dhacay dagaalkii shalay oo dhan ka socda Madar_shoor iyo khasaarahii ka dhashay.


Saraakiil katirsan Xoogaga Degaanka Galgala ee dagaalka kala soo horjeeda maamulka Ashahaado la diriirka ah ee Faroole ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in dagaalkii shalay dhacay uu Khasaara Naf,Maal,Meydaani iyo Mooral ah dhaxalsiiyay Maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka ee Faroole Hogaamiyo.

Inta la ogyahay 18 Maleeshiyaad ah ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Hareeraha degmada Galgala waxaana jira dhaawacyo 50 kor u dhaafay oo ka dhaacwamay PIS-ta Puntland.

Saraakiishan SomaliMeMo la hadlay ayaa waxay xaqiijiyeen in toogasho lagu dilay Taliyihii PIS-ta Puntland ay dhawaan u magacaawday Galgala iyo Dhaqtarkii guud ee Ciidanka waxa loogu yeero Puntland.

Dhaqtarka dhintay ayaa waxaa lagu dilay Teendho Isbitaal loo ekaysiiyey oo maleeshiyada Faroole ka samaysteen duleedka Galgala waxaana halkaasi weerar kedis ah ku qaaday Xoogaga Deegaanka Galgala.


Wadada Isku xirta Boosaaso iyo Garowe ayaa qarka u saaran in ay ku xiranto dagaalada weli kasii socda dhulka Buuralayda ah.


Xoogaga u dagaalamaya sidii ay deegaankooda ugu dhaqi la haayeen shareecada Islaamka ayaa helay hub farabadan oo ay kamid yihiin Dhashiikayaal iyo BKM-yo farabadan.


Gaadiid Dagaal ayaa laga gubay Ciidanka Faroole waxaana saaka lasoo sheegayaa xaalad deganaan ah, xoogaga deegaankooda difaacanaya ayaa bilaabay in ay qaadaan Weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah ayaa ah kuwa ugu khasaaraha yar xoogaga Mujaahidiin ugu khasaara iyo dhib badan kuwa awoodda is biday ee shacabka Muslimiinta ah kusoo duulay.


Hadaladii qaras katuurka ahaa oo ay Saraakiisha Maamulak Faroole ka jeedinayeen Warbaahinta ayaa yaraaday kadib markii ay shacabka Puntland Indhahooda ku arkeen awoodda shacabka deegaanka Galgala iyo daciifnimada PIS-ta shareeca diidka ah.
Last edited by The_Emperior5 on Sat Aug 14, 2010 1:57 pm, edited 1 time in total.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: PIS officer killed in bosaaso

Post by Executive »

Ilahaay ha unaxariisto but the PIS are terrorists :down:

and good move by the sool ciidaan, they shouldn't be involved in the fighting. Welcome to back home to SSC :mrgreen: :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: PIS officer killed in bosaaso

Post by The_Emperior5 »

Taliyihii ugu sareeyay PIS-ta oo dagaalkii Shalay lagu dilay
August 14, 2010
By admin

Iyo Ciidanka Sool oo iskaga baxay Dagaalkii Gal-Gala kuna Biiray SSC

Warar aanu ka helnay Cabdi Sahal oo ah wariye ku sugan Bosaaso ayaa noo sheegay in wararka ka kasoo baxaya dagaaladii shalay aya ahayeen ku faraha lagaga gubtay. Dagaalkii shalay wuxuu soconay labadii galinba wuxuuna Sheilkh Atam istacmaalay xeelad dagaal oo ah in uu ciidankiisii u qaybiyay guutooyin oo isku fidayay hareeraha Buuraha Galgala ee gobalka Bari kuwaasi oo khasaara badan gaadhaysiiyay ciidanka Faroole………….

Wararku waxay intaas ku darayaan in 18 askari ayaa kaga dhimatay dagaalkii shalay dhinaca maamulka Faroole, waxaana jira dhaawacyo 50 kor u dhaafay dhinaca maamulka Puntland.

Gabadh Dhaqtarad ah ayaa iyana ku dhimtay Teendho Isbitaal oo loo sameeyay in lagu daaweeyo askarta soo dhaawacanta kadib markii xabad ay ugu tagtay Teendhada.

Khasaaraha soo gaadhay Shiekh Atam ayaan la xaqiijin karin, laakin wuxuu qirtay in aysan waxba ka soo gaadheen dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay Gal-Gala.

Sheikh Atam oo waraysi siiyay Horseed Media ayaa sheegay in xoogaga Gal-Gala u dagaalamaya sidii ay deegaankooda ugu dhaqi la haayeen shareecada Islaamka. Waxaanu ku daray in shalay guul ka gaadheen ayna qabsadeen Hub farabadan oo ay kamid yihiin Dhashiikayaal iyo BKM-yo farabadan.

Wararka ka soo baxaya deegamada SSC ayaa sheegaya in Ciidamo ka soo goostay jiida hore ee Gal-Gala ayaa ay soo gaadheen SSC. Ciidamadan ayaa markii hore loo sheegay in lacago badan la siin doono si ay ula dagaalamaan Alshabaab Gal-Gala balse markii danbe uu noqday dagaal u dhexeeya laba Beelood.

Ciidamadan oo aad u hubaysan ayaa shalay afur loogu sameeyey degmada Xingalool,intaanay soo gaadhin Sarmaanyo. Guutooyinkan oo ka soo jeeda deegamada SSC ayaan la garan karin dhinaca ay u ruqaansan doonaan,iyada oo la hadal hayo inay ku biiri doonan ciidamada SSC…

Cabdi Sahal Widh Widh Online Bosaaso
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: PIS officer killed in bosaaso

Post by Executive »

Why did u edit your first post :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
Somali_Boqor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 319
Joined: Fri Jan 08, 2010 6:16 am

Re: PIS officer killed in bosaaso

Post by Somali_Boqor »

Tunaheads waa rageedi :up: These guys are destroying the ashahaddo la dirir.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”