

_________________
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo u galay Xarakada Al-shabaab
News {Beledweyne}15-08-10 Askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo lagu soo tababaray gudaha dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku biireen xarakada Al-shabaab ee ka arrimaha gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya ay isku soo dhiibeen iyaga, ayna si fiican u soo dhaweeyeen sida uu yiri.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay inay ugu baaqayaan ciidamada weli ka tirsan dowladda KMG inay baadilka isaga soo baxaan, ayna ku soo biiraan sida uu yiri walaalahooda Al-shabaab wax dhib ahna aan loo geysan doonin.
Dhinaca kale mid ka mid ah askarta la sheegay inay ka soo goosatay ciidamada dowladda KMG oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inay ka towbad keenaan falkii ay horay ugu jireen, haddana ay ka mid noqdeen walaalahooda Al-shabaab, wuxuuna xusay inuu ka mid ahaa ciidamada dowladda ee tababarka ku soo dhameystay gudaha dalka Itoobiya.
Xafiiska warar ee Radiowidhwidh, Muqdisho