







Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu toddobaada soo socda soo bandhigo mooshin mudada xilka loogu kordhinayo mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo Guurtida oo muddo xileedkoodu dhammaanayo dabayaaqada sannadkan 2010.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, hasayeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Jamhuuriya u sheegay in tallo ka iman doonto madaxaweynaha Somaliland, taasi oo uu xusay in Golaha Guurtida oo dastuurku u gaar yeelahay muddo kordhintu waajibkooda dastuuriga ah ka gudan doonaan, isaga oo Guddoomiyaha Wakiilladu caddeeyey in loo kordhin doono muddo kooban oo munaasib ah.
Mudanayaasha wakiillada oo xilka loo dhaariyey 29 October 2005, waxa muddadaii shanta sanno ahayd ee la doortay ka dhammaanayaa 29 October 2011, halka mudadii madaxweyne Rayaale u kordhiyey Golaha Guurtidu ku eegyahay dhammaadka bisha September 2010, waxaanu Guddoomiyaha wakiilladu sheegay in mudada yar ee hadhay aanay suurtogal ahayn in doorasho lagu qabto.
“Runtii xiligii loogu tallogalay Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida wuu dhammaanayaa, waxaana ka hadhay muddo aad u kooban, wakiillada wakhtigu waxa uu kaga eegyahay 29 October 2010, guurtidana sida aan filayo waxa xilku kaga eegyahay dhamaadka bisha September 2010, waxayna ila tahay in wakhtigaa aanay qabsoomi karain doorashadii wakiilada iyo guurtidu, hasayeeshee xaaladaasi waa xaalad u baahan in degdeg looga hawlgalo oo wax looga qabto.
Madaxweynaha Somaliland-na waanu la soo qaadnay arrintaa, waxaanan rajaynaynaynaa in maalmaha soo socda ay tallo ka timaado xagga madaxweynaha dabadeedna Golaha Guurtidu uu ka guto waajibkiisa dastuuriga ah,” ayuu yidhi; Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Guddoomiyaha wakiillada oo la weydiiyey hadii muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiillada qaabka ay dadweynaha uga dhaadhicin karaan, maadama oo shacbigu ka xannaaqo ereyga muddo kordhin oo in badan dhegahooda ku soo noqnoqotay, isaga oo arrintaa ka jawaabayana waxa uu yidhi; “Kolayba aniga iyo mudanayaasha goluhuba inay jacayl u qabaan muddo kordhin aniga ilama aha, laakiin duruufo badan ayaa sababay in doorashada wakiilladu xiligeedii ku qabsoomi waydo oo tusaale ahaan waxay ahayd doorashada madaxtooyadu inay dhacdo laba sanno iyo badh ka hor, markaa dareenkii ummadda oo dhami halkaa ayuu ku jeeday, markaa duruufta doorashada wakiillada dib u dhigtay waa mid iska cad.
Anaguna ma jeclin muddo kordhinta oo hadii xukuumadda iyo Komishanku maanta qaban karayaan doorashada anaguna diyaar baanu u nahay, laakiin markaynu si caqli ah u fikirno waxay ila tahay in bil iyo saddex bilood toona aanay suurtogalay doorashada wakiilladu. Markaa anagu jacayl aanu muddo kordhin u qabno ma jirto, laakiin hadii duruufi keento kolayba muddo kooban oo munaasib ah waa la kordhin karaa.”
Waxa kale oo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu sheegay inuu hoggaanka golaha sii hayn doono hadii mudada dheeradka ah ee loo kordhiyo, balse aanu diyaar u ahayn inuu ka qaybgalo doorashada dambe ee wakiillada, isaga oo caddeeyey inuu hankiisa siyaasadeed sare u qaadi doono oo u tartami doono guddoomiyenimada xisbiga mucaaridka ah ee UCID iyo jagada madaxweynaha Somaliland mustaqbalka dhaw.