This Somaliland soldier is a real patriot

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

This Somaliland soldier is a real patriot

Post by The_Emperior5 »

Askari Ciidammada Ammaanka ka Tirsan oo Cabasho ka Muujiyey Lacagta aan la Qaadan ee Somaliland oo Mushahar loo siiyo


Hargeysa (Jam)- Askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Baashe Xasan Axmed, ayaa cabasho wayn ka muujiyey lacagta shillinka Somaliland ee aan suuqyada somaliland laga qaadan ee ay ka midka tahay shanta shillin, tobanka shillin iyo labaatanka shillin oo mushahar ahaan loo siiyo.


Askarigaasi waxa uu sheegay in xukuumaddii hore ee talada wareejisay ay bil dhaaf mushahar ahaan u siin jirtay lacagtaasi aan dalka laga isticmaalin, kadibna dhibaato badani ka soo waajahdo, sidaa daraadeedna waxa uu xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ka codsaday in aanay lacagtaasi mar dambe siin, balse haddii ay dhacdo waxa uu ballanqaaday in uu isagu bilaasha qaranka ugu shaqayn doono.

Mr. Baashe Xasan Axmed oo xalay Jamhuuriya cabashadiisa soo gaadhsiiyey, waxa qoraal uu arrintaasi kaga hadlay uu qornaa sidan;


“Aniga oo ciidanka booliska ka tirsan waxaan ka cabanayaa dhinaca mushaharada, gaar ahaan lacagta la bixiyo, sidaynu la wada socono lacagteena qaybo ka mid ah ayaan la qaadan oo aan suuqa ka socon sida shanta shillin, tobanka shillin iyo labaatanka shillin, waxa jirtay in xukuumaddii hore markay bil nagu siiso lacagta caadiga ah ee la qaato ay bisha labaad na siin jirtay lacagihii berigii hore ee aan la qaadan sida shanta ama tobanka shillin inay mushaharka nagu siiso, taas oo aan iminka suuqa laga qaadan ee lagugu qoslayaba. Markaa waxaan xukuumadda cusub u sheegayaa inay arrintaas wax ka qabato, anigu iminka waanigan sita lacagtan shanshanta shillin ah oo ka mid ah lacag fara badan oo gurigaygii taala markii la iga qaadanwaayey ayaan ka soo qaaday, tobankii iyo labaatankii shillin waxaan ka beddeshay jaadlaha oo aan ku idhi boqolkiiba sodon 30% goosta oo ii beddela. Sidaa daraadeed waxaan mar kale ka codsanayaa xukuumadda cusub inay wax ka qabato arrintaas oo aanay mar labaad noo soo rarin, haddiise ay mar labaad noo soo celiso, waxaan anigu dalkayga iyo dadkayga ugu shaqaynayaa mutadawacnimo bilaa lacag ah oo aan marag iyo markhaati u yeeli doono, waayo waxaad sodon maalmood iyo sodonkooda habeen u taagnayd oo aanad shaah ka cabin marka noocaa laguugu keeno ee aan cid kaa qaadanaysaa jirin, maxaan carruurtaydii idhaahdaa? Illeyn haddii ay soconayso waxaaban odhon lahaa hooya lacagtan ayaan idiin hayaa oo aan ku sasabi lahaaye.”


Lacagtani waa tii ugu dambaysay ee nala siiyo oo ahayd bishii June markii dawladdii hore jirtay, waxaanay u badnayd lacagtii shantii shillin oo aanan beryahaaba aragba, balse weli mushaharkii July iyo August maanu qaadan, laakiin kolay dawladdu way keeni doontaa ee wuxuun baanu ogaysiinaynaa in haddii lacagtaa aan la qaadanayn dib loo soo celiyo anigu shakhsiyan bilaash ayaan ugu shaqaynayaa qaranka.”





Jamhuuriya Online
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: This Somaliland soldier is a real patriot

Post by Siciid85 »

:lol: miskiin, maxamed hashi needs to sort out musharka cidaanka police iyo qaranka, and the currency as quickly as possible..
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: This Somaliland soldier is a real patriot

Post by The_Emperior5 »

Inshallah the new administration will solve this problem, so that he can buy ciid clothes for his kids
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: This Somaliland soldier is a real patriot

Post by AsadSL »

baryahan theres no much going on..No news worthy of reading.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: This Somaliland soldier is a real patriot

Post by Mr_Alfaas »

Siciid85 wrote::lol: miskiin, maxamed hashi needs to sort out musharka cidaanka police iyo qaranka, and the currency as quickly as possible..
WAKHTigaa ku yar xukuumada cusub..so far hawlo la xusi karo ayey qabteen lets wait for the rest of the time :sland: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”