The New Governor for Togdheer Takes Over!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

The New Governor for Togdheer Takes Over!

Post by LiQaaye_TDH »

Image
Image
Image
Madal kaftan iyo hadalo duur xul ah la isku dhaafsaday oo lagula kala wareegay xilkii Maamulka Gobolka Togdheer iyo Badhasaabyo kala baaday oo isa so hor fadhiistay.

Burco: (HWN) Waxay ahayd abbaaro 9:30 kii markii ay barxadda Hore ee maamulka Gobolka Togdheer ka bilaabatay munaasibaddii lagu kala wareegayey maamulka Gobolka, iyadoo halkaasna ay kula kala wareegayeen maamulkii hore ee Xukuumadii Rayaale iyo maamulka Cusub ee Xukuumadda Siilaanyo u soo magacawday Gobolkani.

Waa madal ay fadhiyeen Siyaasiin, Mujaahidiin, aqoonyahan, Ganacsatada waaweyn, Culimo awdiin, Salaadiin,Cuqaal, maamulka Degmada Burco iyo Maamulada Is bedelaya ee Gobolka, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo weliba xildhibaano ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deeganka ee Burco.

Waxa munasibaddani ku bilaabantay Jawi aad u deggen iyadoo lagu furay aayado quraan ah, waxana ugu horayn madasha ka hadlay Caqil Xasan Dhuuxyare oo kamid ah cuqaasha Somaliland, wuxuu Hambalyo iyo Bogaadin u diray maamulada la kala wareegaya maamulka Gobolkan Togdheer, wuxu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo cid kasta oo maamul haysa inay kala saaran hawlaha qaranka iyo xisbinamada isla markaasna ay iska ilaaliyaan in iyagoo xil qaran iyo mid u mmadeed haya oo ay shaqaale yihiin ay qaataan calan xisbi, waxaana fiican buu yidhi in masuul walba lagu eryo shaqadiisa ee an lagu eryin mid xisbi. Waxana hadaladiisa ka mid ahaa:

"inan baa agaasime ah ama isuduwe ah calan xisbina wuu la ordayaa, sideeban ku garanayaa inu aniga iigu shaqeeyo? Nooma shaqeeyee urur buu u shaqeeyaa, Qofka xafiiskiisa wuxu ka qaban wayey ha erido lakin xisbinimo yay eryin" ayu yidhi caqil xasan dhuuxyare oo dhanka kale tilmaamay inu Badhsaabkan cusbi yahay kii 6aad ee Gobolka soo mara.

Maxamed Xuseen Naleye oo loo yaqan Good abees ayaa isna madasha kelmado kaftan iyo duurxul ah ka jeediyey waxana hadaladiisa ka mid ahaa "anigu waxan ka hadlayaa wax weye biyaha, hargaysana biya la’aan baa laga cabanayaa burcona biya la’an baa laga cabanayaa, Biyaha is bixis la’aan annay shaqaalihi kaffaynayn baa laga cabanayaa, kaftanbaan halkan ka odhanayaa xumaana ha u qaadanina , haddaynu nahay qoladii xisbiga xaggaas ee qolada Habarjeclo, biyaha maanta lacagta bixiya waydinkaa dawladdi dee gacanta ku qabtee" ayu yidhi Good abees oo hadalo qosol iyo kaftan badan ah ka jeediyey madasha.

Badhasaabkii hore ee G/Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isaguna Hadalo kaftan badan iyo maad ba leh ka jeediyey munaasibadda ayaa isna hambalyey Maamulada xilalka la kala wareegayey, wuxu ballanqaaday kuna celceliyey inay la shaqayn donaan maamulka Cusub, wuxu si kaftan leh u yidhi Cabdi Xuseen dhere "waxaan leeyahay waxan la shaqaynaynaa, si niyad ah, si gobolnimo ah, si burco nimo ah, si sxbtinimo ah ula shaqaynaynaa maamulka Cusub ee dawladdu soo magacawday, aad iyo aad bayna u mahadsanyihin haddii aanay laba colba is hayey kii debedda iyo kii gudahee ,haddii anay kii debedda noo keenin ee ay kaayagi gudaha nagu soo celiyeen, qoladii Diasporada ahayd oo fara baas qolada Gudaha ku haysa oo la ogyahay, waxa weyaan nin khibrad leh oo hore uga shaqeeyey Gobolka, een kursigana halkiisi lagama fogayn ,halkiisii uunbaa dee la soo dhigay meel kale lama qabadsiin" ayu yidhi Cabdi xuseen dhere.

Badhasaabadii Hore ee Gobolka Cabdi Xusen dheere iyo jama a/laahi Biin oo kaftamaya
Waxa isaguna munaasibadda ka hadlay Faarax jaamac Guuled oo ku hadlay Magaca Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, wuxuuna ballanqaaday inay ka shirkad ahaan soo dhoweynayaan lana shaqayaan maamulka cusub ee gobolka loo soo magacaabay, wuxuu sheegay in wax kasta oo ay kala shaqayn jireen maamulkii hore ee xilka maanta wareejinaya iyo wax ka badan ba ay kala shaqayn doonaan diyaar na u yihiin ka shirkad ahaan wixii maamulka Gobolku uga baahdo shirkadda.

Cabdi Faarax oo isna ku hadlayey magaca shirkadda Dahabshiil Co. ayaa aad ugu mahadnaqay maamulada xilalka la kala wareegaya iyo cidda ka soo qayb gashayba munaasibadda saaka, wuxu xusay in shirkadd Dahabshiil wax badan ka shaqayso Horumarka Gobolkan, una dhego nugul yihiin maamulkasta oo yimaada Gobolkan, iyadoo uu sheegay in wax qarsoon aanay ahayn mashaariicda iyo waxqabadyada ay shirkadoodu ka fulisay Gobolka.

Sahra Maxamed Xuseen oo ahayd Guddomiyah Garabka Haweenka xisbiga Talada dalka ku guuleystay ee Kulmiye ayaa iyadoo ku hadlaysa magaca haweenka si weyn u bogaadisay uguna hambalyaysay labada maamul sida fiican eeay ula kala waregayaan maamulka Gobolka, waxay sheegtay Sahra M xusen in haddii ay yihiin haweenka Gobolka Togdheer, in ay garab taaganyihiin isla markaasna ay la shaqaynayaan maamulka Cusub ee gobolka kana qaybqaadanayaan Horumarka Gobolka, iyadoo kula dardaarantay inay mashaariicda iska wax u qabsada ah ay ka shaqayn doonaan, nadaafadda Gobolkana si weyn uga qayb qaadan doonaan, si bay idhi ay u soo noqoto bilicdii Burco. Waxay shacabka Togdheer kula dardaarantay in ay ka wada shaqeeyaan barnaamijyada iskaa wax u qabsada ah.

Maayarka Magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhego-laab ayaa isna kelmad kooban oo dar daaran ka jeediyey Munaasibadda, waxaanu dadweynaha Togdheer kula dardaarmay in Nabadgelyada iyo amniga laga wad ashaqeeyo sidii ay maamulkii hore ula shaqayn jireena maamulka cusub ula shaqeeyaan.

Hogaanka Ciidanka Bileyska Col. C/raxmaan liibaan axmed ayaa isna munaasibadda kaga warramay wixii ay ciidanka Bilayska iyo maamulkii hore ka wada shaqeeyeen iyo waxyaabihi u qabsoomay, wuxuuna xusay in amniga Somaliland Duulaan lagu yahay, isago dhanka kale xusay in Burco ay ka fuleen laba hawlgal oo dhex maray Alshabab iyo Bileeyska Gobolka Togdheer, iyadoo buu yidhi ay saraakiil sare ku dhimatay qaarna ku dhaawacmeen, wuxu aad ugu wacyi geliyey shacabka iyo odayaasha Gobolka in ay Amniga ka wad shaqeeyaan, wuxuuna si kal iyo laab ah u soo dhoweyeey maamulka Cusub ee gobolka loo soo magacaabay, isagoo sheegay in muddadii ay maamulka hore soo wad shaqaynayeen guul ay ugu dhammaatay maamulka cusubna ay wada shaqayn doonaan sidii hore, wuxu Col. C./raxman Cod dheer ku yidhi "waxan idinka codsanayaa, oo an idinka codsanayaa waxbaan ognahay, wallahibaan ku dhaartee waan soomanahee waxbaa jira, waa la inagu dhex jiraa, oo waxa loo sootafaxaytay inta yaree nabad ah ee aynu haysano in la kala daadiyo, oo innamadeenu iskuul beelaan, oo ay nu qaxno, oo aynu meelaha u kala daadano, ayaa shisheeye iyo cadowba ku soo talo galay ,haddaynaan maanta ka gaashaaman oo aynaan gacan iskaga qabana wax badan baa u suurtoobaya, Burcooy ka kaca hurdada runbaan idin sheegayaye, oo la shaqeeya Ciidamada oo noo tilmaama idinku , annagaa isku ridaynee.

Taliyaha Ciidanka asluubta Jamac Axmed (Jaamac Dheeg) aya isna kelmado waano iyo hambalyo ah madasha uga soo jeediyey labada maamul ee saaka xilka la kala wareegay.

Badhasabxigeenkii hore ee Gobolka Mr.Guuleed Dahir Samatar aya hadalo badan oo kaftan, iyo duur xul ba isugu ka jira ka jeediyey madasha, wuxuuna sheegay in isagoo dhalinyaro ah uu xilka uumaanta wareejinayo loo magacaabay 7 Sanno ka hor, waxaanu sheegay In wax badan uu ka shaqeyey isku xidhka dhalinyarta meeshana uu ka saaro kala qoqobnaata dhalinta Gobolka iyo adeegsiga ficilka qabiilka ku salaysan oo uu sheegay inu gobolka ugu yimi, waxyaabaha taas u fududeeyayna ay ka mid ahayd inu sameeyey Naadiyo Sports oo isku dhaf ah oo laba dhinacba ka soo kala jeeda isla markaasna uu wax badan wakhtigiisa ku lumiyey in la helo dhalinyaro isku dhaf ah oo an kala qabiil ahayn ookala qoqobnayn iyo ciyaartoy u soo baxda Gobolka. Mr. Guuleed ayaa ka xog warramay siyaabihii ay amniga uga wada shaqeeyeen hogaanadii bileyska iyo maamulkoodu, kuna guulaysteen inay sugaan amniga iyo wada noolaanshaha Gobolka.

Badhasaabkii hore ee Gobolka JAAMAC C/LAHI BIIN ayaa isna madasha ka akhriyey liis dheer oo ay ku qornayeen waxqabadkiisi muddada uu xilka hayey iyo waxyaabihii uu ku guuleystay, isagoo dhanka kale xusay wixii uu ku wareejiyey badhasaabkii isaga ka horeeyey cabdi xuseen dheere inay ahaayeen abaaro, sixir barar, Biyo dhaamis, iyo 146 Dil ah oo ku xidhan Jelka Burco , isagoo kula kaftamay inaanu maalintii xilka uu la waregayey garanaynba meel uu joogo maadama buu yidhi wax laga naxo mooyee wax lagu farxo aanan la wareegin maalintaas, isago arrimahas ka hadlayana wuxu yidhi "markaan halkan fadhiyey ee uu xilka igu wareejinayey aniga wax alla waxaan kala garanayey ma jirto, waan la yaabay nin ku maa aakhiruu ka warramayaa mise ifka" ayu yidhi Jaama Biin. wuxu dhanka kale ku faanay inu Badhasaabka Cusub ku warejin Doono amni sugan, Roob Iyo barwaaqo iyo Toga Burco ee Daadku marayo saaka.

Jaamac Biin oo khudbadiisu aad u dheerayd ayaa shacabka iyo dadka Reer Togdheer ku ammaanay inay yihiin Dad wanaagsan oo gar qaadasho dhow, waxaanu yidhi "weli dad ka wanaagsan reer Burco ma arag , weli laba qof oo an wax kala idhi diidey ima odhan, 23 sannadood ka hor kuwii ninka kala diley ee la kala aasay ee ee sida xun u kala dilay tolka ahaa ee meesha wada yaalay ee is dili gaadhay 2 maalmood baan ku heshiisiyey,waayo dee dad wanaagsan haddanay ahayn maba heshiisiin kareen, waa dad haddad runta ku caddayso qaadanaya, oo ku odhanay wayahay is ba deynay Guddomiye ee raali ahow, ragga garta ku waab waabiya e xaqul qalinka Doon doonow na aar ilmaadeerayaalow ka daaya,waxaan arakay reer walba waxa ku dhex wareegaya qaar xaqul qalin uun doonayooNooc Gooniya ah oo arrin yar ah oo kasta gaadhsiinaya 8 bilood, 9 Bilood iyo 12 bilood caantayna maaha" ayu yidhi Badhasaabkii hore oo maanta u muuqday mid sii hadal dhammaysanaya.waxaanu Shahaado sharafyo sagootin ah u qaybiyey shirkadaha TELESOM, DAHABSHIIL,707SHELL iyo weliba isu duwayaasha gobolka ee wasaaradaha Waxbrashada,Caafimaadka,macdanta iyo Biyaha, Dhalinyarada & sportska , iyo sidoo Guddiga Nabagelyada ee degmada Burco,guddomiyaha Tuulada Duruqsi,iyo weliba Dadweynaha Qoryaale oo uu sheegay Dhammaantood inay qabteen waxyaabo aan la ilaawi karin.

Badhasaab xigeenka Cusub Cabdi Daahir Xasan ayaa isna si weyn ugu hambalyey maamulkii hore ee sida qiimaha leh xilka ula kala wareegeen .

Waxa Gebogabadii munaasibadda ka hadlay Badhasabka Cusub ee Gobolk Togdheer Yasin Muxumed Cabdi oo ahaa Badhasaab Xigeenkii hore ee Gobolka ee xilka ku warejiyey Guuled Dahir samatar sannadkii 2003, sido kale waxa uu aha G.kuxigeenkii Guddiga Horumarinta Gobolka ee madaxa ka yahay Maxamud Aadan dheri, wuxu sheegay Guddomiye Yasin inu Gobolka uga shaqayn doono sidi uu hore uga shaqayn jirey iyo si ka wanaagsan Horena uu u ahaa Guddigii horumarinta Gobolka imminkana ay noqonayaan maamulkii horumarinta Gobolka, wuxu sheegay inu gobolka Xog ogaal ku yahay oo anu ku cusbayn, wuxu sheegay in wada shaqayntu tahay waxa keliya ee wax lagu horumarin karo, waxaanu rabnaa buu yidhi in aad nala shaqaysaan Shacab, Bileys iyo maamulba, mar uu ka hadlayey dhankii xisbiyada oo rag badan oo hore kaftankooda ku soo darsdeen in dalku xisbiyo ku dhisan yahay, isla markasna ay kubbad cayaareen Koobkiina uu qaaday ama uu ku guuleystay cayaartaas xisbiga Kulmiye, wuxu dawladda maanta jirta ku ammaanay in ay tahay mid aan qabiil wax ku xulan ee madaxwynaheedu uu qof walba aqontiisa iyo kartidiisa uu ku magacaabay kuna xushay, wuxu sheegay in is dhex galka Dadka ay si weyn uga shaqayn doonaan oo an beel hebla iyo beel hebla danbe la arki doonin. Waxaanu halkaas ka soo jeediyey Duco badan oo ilaahay ka baryey inu amniga iyo nabadgelyada ay hastaan u siyaadiyo.

Ugu danbayntii waxa kelmado dar daaran ah ka jeediyey Agaasimaha Guud wasaarada Arrimaha Gudaha Yusuf Maxamed Ducaale, wuxu kula dar daarmay masuulkani maamulka Cusub in caddalada intii karaankooda ah ay ku dhaqaan dadka ay masuulka ka yihiin, wuxu sheegay in Dad weynaha reer Burco ku ammaanan yihiin wax yaabo badan oo ay iyagu qabsadeen iyagoo an dawladd iyo cidna u daba fadhiisan.

Isku soo wada duubo qosolka, sacabka iyo kaftanka munaasibadda ka dhacayey ayaa ahaa mid aad u soo jiitay isla markaasna farxad geliyey dad badan oo isku jiidhay siyaasadda iyo loolankii axsaabta, waxaanay dhammaan isugu dhex jireen si aan caadi ahayn, iyagoo isku salaamayey una kaftameyey si niyad sami ah.



Kala soco oo ka dhegayso Hadhwanaagnews Goor dhow khudbadihii Munaasibadda oo Cod ah.






Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

Submit by:-Mustapha-Burco
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: The New Governor for Togdheer Takes Over!

Post by KingWaslawi »

Liqaaye badhasaabka cusub waa ayyo horta? Kii hore wuxuu ahaa cibraan
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The New Governor for Togdheer Takes Over!

Post by LiQaaye_TDH »

Northwind... inaader kii hore waxi iska aha mid la iska wato oo Cibraan ah, Laakin the New Guy is Cibraan as well, but a heavyweight in Togdheer 8-)

Waryahay Cibraanki wey ka dhergeen Dowladan ma Istidhi :lol:
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: The New Governor for Togdheer Takes Over!

Post by KingWaslawi »

LiQaaye_TDH wrote:Northwind... inaader kii hore waxi iska aha mid la iska wato oo Cibraan ah, Laakin the New Guy is Cibraan as well, but a heavyweight in Togdheer 8-)

Waryahay Cibraanki wey ka dhergeen Dowladan ma Istidhi :lol:

Haa way ka dhergeen niyaw, Burco sawirro cusub ma ka haysaa?? Niyaw horta dadka reer Burco maxaa u diiday inay sida magaalooyinkaa kale maalin walba sawiro soo geliyaan.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The New Governor for Togdheer Takes Over!

Post by LiQaaye_TDH »

Inaader Dadka reer Burco dhibaato Xagga Kamarada aya ka haysata :lol: they either cant afford one to take back home, or they are Badow :lol:

ive got some pics they sent me, laakin kama helin laakin ii sug bal!
User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5296
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: The New Governor for Togdheer Takes Over!

Post by KingWaslawi »

LiQaaye_TDH wrote:Inaader Dadka reer Burco dhibaato Xagga Kamarada aya ka haysata :lol: they either cant afford one to take back home, or they are Badow :lol:

ive got some pics they sent me, laakin kama helin laakin ii sug bal!

Waa yahay laakiin anigu haddaan tago waan kasoo dhergin lahaa sawiro weliba qurux badan,
Sida wax loo sawiro ayaan haari ku ahay markaa sawiro laga wada helo ayaan soo qaadi lahaa.
Isha allah summer 2011 ayaan tagayaa tolow yaa tagayee kale??
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”