Beesha Guuleed Garaad (Barkad )Oo Wadahadal La Bilaabaysa Maamulka Hargeysa
Written by Jidbaale.com
Thursday, 19 August 2010 05:11
Xamar-Lagu-Xidh(Jidbaale.com):-Sida aanu ka soo xiganay Kayse Cali Jaamac Xoosh oo haatan ku sugan magaalada Xamarlagu xidh ee gobolka Cayn waxaa halkaasi ka socda shir loogu gogo;l xaadhayo sidii beesha Guuleed Garaad (Barkad) ay wadahadal ula gali lahayd maamulka Siilaanyo.
Xoosh wuxuu sheegay in xubno ka soo jeeda beesha Barkad oo dhaqaale xoogan wata laga soo kala diray magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso sidii ay beesha Barkad ugu qancin lahaayeen in ay wada xaajood la galaan maamulka uu haatan hogaamiyo danbiile dagaal Siilaanyo , waxaana raggaas ka mid ah Faarax Sugaal, Ismaaciil Axmed Dayib, Shucayb, Maxmed Jaamac Caraale oo isagu ka mid ah ganacsade Boosaaso laga soo diray.
Waxaana ay xubnahani Garoowe ka soo kaxeeyeen sida uu shegay Kayse Cali Jaamac Xoosh Garaad Abshir Saalax si uu wadahadalka hormuud uga noqdo, iyada oo haatan sida uu sheegay Kayse Cali Jaamac Xoosh wadahadlaku uu u dhaw yahay in laysku raaco in beesha Barkad wadahadal gooniya la gasho maamulka SNM ee uu hogaamiyo Dhiigyacab Siilaanyo.
Wuxuuna intaasi ku daray Xoosh in odayaal dhaqaale lagu qarqiyey laysugu keenay goobta iyada oo deegaanka beesha magaalo kasta 5 oday laga keenay la yidhi u codeeya in aynu widhwidh nabad ama colaad mid ku doorano, odayaashuna qorshaha ay wataan xubnahaani u codeynayaan iyaga oo aan aqoon u lahayn qorshaha ka danbeeya.
Garaad Abshir ayaa isaguna qorshahan u guuxay isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wadahadal ;la galaan jabhadda SNM sida uu sheegay Xoosh, wuxuuna Garaad Abshir sheegay in aanay dhulbahante weyne u daba fadhiisanayn xaaladda widhwidh ee ay wadahadal la galayaan Siilaanyo.
Kayse Cali Jaamac Xoosh ayaa waxa uu sheegay in Beesha Barkad ay ka tirsan tahay beelweynta Dhulbahante isla markaana aysan shacabku ku qanacsanayn qorshahan ay wadaan xubnaha doonayo in shirqool loo dhigo beesha Barkad, wuxuuna sheegay in arrimaha Siyaasadda iyo wada xaajoodka ay Dhulbahante weyne kala mid yihiin, wixii intaa ka soo soka marana aanay marnaba qaadan doonin.
Dhinaca kale ilo xog-ogaal ah oo iyaguna goobta ku sugan ayaa xaqiijiyey in ay xidhiidh la soo sameeyeen Xamar lagu xidhay Siilaanyo iyo C/samad Cali Shire oo labadooduba ku booriyey beesha Barkad in ay iska dhaafaan SSC oo ay toos wadahadal ku saabsan widhwidh u galaan.
Waxaanay ilaahi sheegeen in xubnaha ololahan wada oo u badan wadaado xataa gaadhsiiyeen arrinka sidii ay ugu qancin lahaayeen odayaasha Barkad in Aadan Madoobe iyo Yeesif(Habarjeclo) Iyo Barkad (Dhulbahante) xidhiidh gooniya uu ka dhexeeyo oo laysku riixo.
Waxaana arrimahan ay salka ku hayaan dadaal aywadaan xubno haatan horgalo cusub noqday oo h ore wadaado u ahaa oo ay ka mid yihiin C/risaaq Dawdar , Cismaan Garaad Soofe iyo Atash ninka lagu magacaabo oo wasiiro haatan ka ah golaha SNM, dedaalkaas oo ay ku doonayan in ay wadahadal u furan malayshiyadda SNM iyo wixii ay ka helaan beesha Dhulbahante iyaga oo qoys qoys iyo jilib jilib u abbaaraya si ay u wiiqaan midnnimada beesha SSC, arrintii Xadhadhankuna ahayd bilow.
Waxaana haatan ololaha badhtamaha kaga jira xubno u badan wadaadada Dhulbahante oo iyagu haatan hormuud ka ah arrinta Xamar Lagu-xidh ka socota.
Haddaba waxa ay isweydiintu tahay, Beesha Barkad wadahadal kaligeed malagali doontaa Maamulka Dhiigyacab Siilaanyo oo la ogaa hore wuxuu xasuuq uga gaytsay deegaanka Dhulbahante intuu uu hore u hayey maamulka malayshiyada SNM?.
Jidbaale.com@gmail.com