Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo ku-xigeenkiisii oo Lacag Malaayiin Doollar ah Abaal-marin loo siiyey
Hargeysa- 19 August 2010:(HargeisaStar):- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisii Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa la sheegay in Midawga Yurub Lacag Malaayiin Doollar ah abaal-marin u siiyeen.
Ma jiraan war rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay, hase ahaatee, sida warar xogogaal ah oo laga helay ilo ku dhadhaw Masuuliyiintaasi, ayaa tibaaxey in Midowga Yurub Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin siiyay Lacag abaal marin ah oo saddex Malyan oo Doollar cadadkeeda lagu sheegay. Waxay wararku intaa ku dareen, in ujeeddada lacagtan loo siiyay Madaxweynihii hore iyo ku-xigeenkiisii ay salka ku hayso sidii quruxda badnayd ee ay xilka u wareejiyeen, isla markaana, u taabba-galiyeen hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ay gaadhsiiyeen xilligii ay madaxtinimadda dalka hayeen. Midowga Yurub ayaa dhawaan Wefti uu hoggaaminayo Ergayga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya u soo diray Somaliland, kuwaas oo muddadii ay ku sugnaayeen Hargeysa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin Iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, inkastoo kulamadaasi kala duwanaayeen, hadana sida Weftiga laftiisu sheegay, waxay arrimaha lagaga wada hadlay u badnaayeen, hambalyayn ay masuuliyiintaas ugu kala tahniyadaynayeen doorashada la doortay iyo sida dhinacyadii laga guulaystay u aqbaleen natiijadii, halka dadweynaha Somaliland iyaga laftooda ay ugu hambalyeeyeen sidii nabadgalyadda iyo deganaanshaha lahayd ee ay u galeen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Juun ee sanadkan 2010-ka.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigan dalka dibaddiisa ku maqan, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijaddii doorashadda Madaxtooyadda kaga dhabeeyay balan qaadyadiisi uu hore ugu sheegay in uu u hoggaansami doono wixii natiijada ka soo baxa marka komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqaan, go’aankaas geesinimada lahaa ayaa isaga iyo guud ahaan jamhuuriyada Somaliland u soo kordhiyay sumcad wayn, taas oo si wayn indhaha caalamka ugu soo jeedisay qaddiyadda Somaliland. Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in mac-hadyo ka jira dunidda oo intooda badan dimuqraadiyada dhiiri galiyaa, Marti qaadyo u soo direen. Si kastaba ha ahaatee wararka sheegaya in midowga Yurub siiyay abaal Marin isaga iyo ku xigeenkiisa ayaan si rasmi ah saxaafada loola socodsiin, taasoo la tilmaamay inaan caadiyan nooceeda abaal-marintan si cad loo baahin ee gacanta uun laga geliyo cidda mutaysatay.
Source:Wargeyska HargeisaStar
EU gave Axmed yusuf yasin and Daahir rayaale 3 Million USD
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: EU gave Axmed yusuf yasin and Daahir rayaale 3 Million U
3 da million ma 3di million ee deynta lagu lahaaba dawladi hore 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 703 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 325 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 5 Replies
- 683 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 3 Replies
- 505 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 0 Replies
- 332 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 6 Replies
- 669 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 18 Replies
- 1650 Views
-
Last post by samatar133
-
- 23 Replies
- 1114 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH