Mogadishu Saturday 21 August 2010 SMC



Afhayeenka Ciidanka Booliska soomaaliyeed G/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa maanta u soo bnandhigay saxaafadda Maydka wiil dhalinyaro ah oo doonaayay xalay inuu Miino ku aaso qeybta sare ee Buundada Ansalooti ee Degmada Waaberi.
Maydka wiilkaan oo ay ka muuqatay in qaar ka tirsan jirkiisa ay goygoysay Miinada, iyadoo qaraxaasina uu sababay in Maydkiisa uu ku soo dhaco qeybta hoose ee Buunadada.
“Waa u jeediin saxaafadda, wiilkaan waxaa soo marin habaabiyay kooxaha nabad diidka ah waana Ilaah mahadiisa falkii uu maleegaayay in isaga Aduunka lagu ciqaabo” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska soomaaliyeed G/sare C/laahi Xasan Bariise oo saxiyiinta tusiyay Romut kontorool, laba Boorso oo uu ku soo qaatay qalabkii uu ku qodaayay dhulka si uu miinadaasi u aaso.
Si doo kale Gudoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo ku sugnaa Goobta ay Miinadu ku qaraxday ayaa isna u sheegay suxufiyiinta in wiilka geeriyooday bam Gacmeed aan qarxin oo uu sitay wiilkaasi geeriyooday, islamarkaana ay mudo yar kadib xalay markii uu qaraxa dhacay ay soo gaareen goobtaasi, ayna hareereeyeen Ciidamada Ammaanka ilaa waagu ka baryo.
Dhanka kale ma ahan markii ugu horaysay oo fal caynkaan oo kale ah loo soo bandhigo saxaafadda, iyadoo horay dhowr qof oo doonaayay inay wadooyinka geliyaan Miinooyin ay iyagu ku qarxdo Miinada aqoondari aawadeed.
__________________________________________________________________________
In other news:
Alshabaab oo ku qarxay gaari Ismiidaamin oo ay kudiyaarinayeen Agagaarka Masjidka Nasrudiin--------------------------------------------------------------------------------
Habeenimadii xalay ayaa qarax aad u xoogan waxaa mar keliya laga maqlay degmooyin badan oo kamid ah Gobolka Banaadir kaasi oo ugu dambeyn la ogaaday in uu ahaa Qarax ka dhacay agagaarka Masjidka Nasrudiin.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xarun ay Alshabaab kuleeyihiin Agagaarka Masjidka Nasrudiin ee duleedka Suuqa Bakaaraha, waxaana lasoo ogaaday in uu ahaa qaraxaasi gaari la sameynayay oo loo diyaar gareynayay in uu fuliyo qof naftii hure ah fal isqarxin ah kuna fuliyo xarumaha Amisom ama dowladda Soomaaliya.
Qaraxani ayaa la rumeysan yahay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan waxaana wararku ay sheegayaan in dadka khasaaraha uu soo gaaray ay kamid yihiin rag ajaanib ah oo Alshabaab la shaqeeya xilligaasina wax ka habeynayay gaariga loodiyaarinayay in lsqarxinta lagu fuliyo.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay Alshabaab hayeeshee dadkii saakay Suuqa Bakaaraha aaday iyo dadka degan agagaarka Masjidka Nasrudiin ayaa waxa ay soo sheegayaan in khasaare xoogan uu xalay gaaray Ururka Alshabaab iyadoo aanan loo ogoleyn halka qaraxaasi uu ka dhacay in qof aadane ah uu xittaa wado ahaan u soo maro.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ururka Alshabaab uu ku qarxo gaari ismiidaamin ay u diyaarinayeen, waxaana haatan kahor kudhacay sidani oo kale iyadoo tii ugu darneyd ay ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay Degmada Dayniile oo uu ku qarxay gaari ay diyaariyeen oo u harsanaa keliya in qofkii isqarxin lahaa uu kaxeeyo kuna galo ujeedka halka uu ahaa.


A punishment from the heaven
