Xisbiga UCID Oo Cadeeyay Mowqifka Uu Ka Taaganyahay Arrinta

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Xisbiga UCID Oo Cadeeyay Mowqifka Uu Ka Taaganyahay Arrinta

Post by Siciid85 »

Xisbiga UCID Oo Cadeeyay Mowqifka Uu Ka Taaganyahay Arrinta Cable-ka Bada Hoos Mara



Written by UCID
Aug 21, 2010 at 06:07 AM

JAMHUURIYADA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka

UCID

Justice And Welfare Party

___________________________



Date, August 20, 2010



Ujeeddo: Shir-Jaraa'id



Iyadoo lagu gudo-jiro Bisha barakaysan ee Ramadan, Xisbiga UCID waxaa uu salaan u dirayaa dhammaan shacbi-weynaha JSL, waxa kale oo aannu Illaahay (SWT) ka baryaynaa inuu dambi-dhaaf, naxariis iyo hanuun inaga siiyo bisha Ramadan, shacbigana himiladooda ku guuleeyo, dalkana ka yeelo mid barwaaqo ah, amni iyo nabadna ku naalooda.

Xisbiga UCID waxaa uu manta mawqif cad iska taagayaa arrinta muranku baryahan dambe ka taagan yahay ee Cable-ka Isgaadhsiinta casriga ah. Xisbiga UCID isagoo ugu horeyn ka duulaya Mabaa'diida dhaqaale ee distoorka qaranku sheegay, isla markaana ixtiraamaya danta guud iyo maslaxada bulshada reer Somaliland, waxaa uu ku baaqayaa:


In Xukuumada JSL si ay uga dhabayso Isbaddel dhab ah isla markaana uga soo baxdo kaalinta dadweynuhu ka rajaynayaan ay ixtiraanto Distoorka Qaranka oo si cad u sheegaya in nidaamka suuqa xorta ahi yahay ka kaliya ee dalka ka shaqeyn kara, isla markaana ay reeban tahay wax kasta oo dhaqaalaha dalka ku koobaya kooto ama monopoly cid looga xidho,

Waxaad ogtihiin in arrinta Cable-ka ee baryahanba taagneyd oo laba shirkadood oo la kala ah SOMCABLE iyo DALKOM in la hadal hayey inay keenaan Somaliland Cable-lada badda hoosteeda mara loona sameeyey dhakumantiyo mid walba gaarkeeda ah haddana is-burinaya, isla markaana ay xukuumadii hore ku guul-dareysatey inay arrintaas waafajiso distoorka dalka. Waxaa uu madaxweynihii hore saxeexey qoraalo isburinaya.

Waxaynu ognahay in xukuumada maanta talada haysaa oo laga filayay inay sixitaan arrintaas ku samayso iyadoo raacaysa Distoorka iyo shuruucda dalka oo qof kasta xoriyad u siinaya ku tartanka maal-galinta iyadoo la marayo nidaamka ganacsiga Somaliland iyo shuruucdiisa ay maanta ku dhaqaaqday jidkii xukuumadii hore ee Kootada ahaa. Iyadoo Cable-kaas kooteysey.

Sidaas daraadeed arrintaasi waa mid nasiib darro ah oo khilaafsan ballan-qaadyadii iyo isbaddelkii dadweynaha loogu baaqayay.

Haddaba Xisbiga UCID waxaa uu ku baaqayaa in arrintaas Cable-keenidu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan dadweynaha Somaliland, waana in ay noqotaa wax si furan cidii danaynaysa ee buuxisa shuruudaha qawaaniintu dhigayaan ay u keento, hadday yihiin labadaas shirkadood iyo cid kasta oo keeni karta.

Waxa aannu aamisanahay in haddii arrintaas Cable-ka la waafajin waayo Distoorka Qaranka, in ay dhici doonto inaan arrinta Total ee shidaalka, arrinta xoolaha iyo wax kale oo iman karaba aan laga hadli karayn, oo wax kastaa ay noqon karaan Kooto taas oo ka soo horjeeda maslaxada umadda iyo mabaa'diida guud ee qaranka ee distoorku jideeyey.

Xisbiga UCID hore ayuu qoraal tallo ah oo arrintan ku saabsan ugu diray madaxweynaha JSL, iyadoo aad moodo inaan wali culayskii ay arrintani lahayd la siinin.

Waxaa Xusid mudan oo tusaale inoogu filan in dalalka jaarkeena ah ee baddaha leh, dal kastaa uu leeyahay Kaybalo badda hoos mara oo tartan ku wada jira cid gaar ahna aanay u xidhin, tusaale ahaan, Jabuuti waxaa mara ilaa 5-cable oo ay hoy u tahay, Port Sudan waxaa iyana mara 3-kaybal, Kiiniyana waxaa mara 3-Kaybal, sidaas daraadeed, Xisbi ahaan nooguma muuqato wax loo baahan yahay in cid gaar ah cidi doonto ka ahaatee loo siiyo arrintan Kooto ama Exclusive Right.

Ugu dambeyn waxaa naga tallo ah in arrintan iyo mid kasta oo ganacsi ama dhaqaale la waafajiyo distoorka dalka, lagana fogaado in lagu dhaco khaladaadkii xukuumadii hore ka gashay dhinaca maalgalinta, taas baana ah wixii uu isbaddalku ku baaqayay.

Sidoo kale waa in la ilaaliyo qaranimada JSL, arrintaasna aan cidna loo dabo fadhiisan.

Dadweynaha waxa aannu usoo jeedinaynaa inay wada jirkooda, walaalnimadooda iyo midnimadooda ilaashadaan, nabad-galyadana meel looga soo wada jeedo oo la wada ilaashado, xukuumadana la isku garab taago wixii sax iyo horumar ah ee ay ku talaabsato, wixii khaladaad ah ee ay la timaadana looga nasteexeeyo, wixii bulshada shaki kala galinayana la fogaado.

Waxaynu horumar ku gaadhi karnaa Wada-Jir, Midnimo, Iskaashi, iyo Distoorka iyo waxaynu ku heshiinay oo la wada ixtiraamo.



ALLAA MAHAD LEH
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Xisbiga UCID Oo Cadeeyay Mowqifka Uu Ka Taaganyahay Arri

Post by hargaysaay »

bloody loosers :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”