Dowladda KMG, Ahlu Sunna iyo mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya oo ku heshiiyey in…
wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in heshiis ay mar kale kala saxiixeen saraakiil ka kala socotay dowladda KMG Soomaaliya Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii ugu caansanaa dalka Soomaaliya.
Dhinaca Dowladda KMG ayaa waxaa shirka uga qeybgalay oo heshiiska u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cusmaan {Mardaadi}, wasiirka amniga qaranka Axmed C/salaan, Wasiirka iskaashiga caalamiga Mustaf Dhuxulow dhinaca Ahlu Sunnna waxaa uga qeybgalay oo heshiiska u saxiixay Sheekh Maxamed Yuusuf {Xeefow}, Sheekh C/laahi C/raxmaan {Abuu Yuusuf Al-qaadi}, Xoghayaha arrimaha dibadda Bashiir Colaad iyo Mustaf Gacamay, iyo Barre Aadan shire {Barre hiiraale} oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii soo maray dalka Soomaaliya.
Qodobada heshiiska dhexmaray Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna waxaa ka mid ahaa in gobolada ay ka kala yimaadeen Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda ee ka soo jeeda gobolada Gedo, Hiiraan, Galgaduud, Bay iyo Bakool haddii ay la wareegaan laga dhiso maamulo ay leeyihiin goboladaasi, balse hoostaga dowladda KMG Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga dowladda KMG oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah ay labada dhinaca isaga kaashadaan sidii ay dalka nabad ugu soo celinlahaayeen sida uu yiri, isla markaasna la isku afgartay in haddii goboladaasi laga saaro kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG maamulo hoostaga dowladda KMG laga dhiso, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in xubnaha Alhu Sunna iyo xildhibaanada ay ciidamadoodu ku suganyihiin Doolow ay doonayaan in maamulo goboleedyo ay dhistaan.
Dhinaca kale Xubno ka tirsan Ahlu Sunna ayaa ka soo horjeestay heshiiska waxaana ay sheegeen wasiirada ka qeybgalay shirka aysan magaca Alhu Sunna metelin, isla markaasna ay yihiin siyaasiyiin iskood u madaxbanaan.
Sheekh Cumar Maxamed Faarax oo kamid ah saraakiisha ugu sareysa ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa si kulul u canbaareyey kulankaasi isagoo sheegay dadka ka qaybgalay aysan ka tirsanayn marnaba Ahlu-Sunna Waljamaaca sida uu yiri.
http://www.dayniile.com/August2010/21August3.htm
Bare Hirale, Ahlu Suna &TFG sign agreement to build Jubaland
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- Berke
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1499
- Joined: Sat Sep 16, 2006 10:40 pm
- Location: Saluda al campeón
Re: Bare Hirale, Ahlu Suna &TFG sign agreement to build Juba
Coolpoison, what is your opinion of the TFG and the monkeys in Mogadishu serving AMISOM as tea preparers and servers? And how come Ahlu Sunna Wal Jameeci did not condemn what happened in Fadhi Ku Garaadle and Jeed?
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Bare Hirale, Ahlu Suna &TFG sign agreement to build Juba
Berke
dadka waa la isticmaala ma garatay. TFG iyo AMISOM waa useless laakin tageero caalami ayee le yihin. Thats why im happy Bare Hirale uses them to get international support
Ahlu Suna wee daliiliyeen. Waxa u hadlay odaayasha dhaqanka Jeed who said that kuwa ka dambeeyey xasuuqa inay yihin Cagdher ku qaraabanaya magaca Ethiopia
Ethiopia always use to cross to be in Shilabo but they never killed shicib. only these new bastards called New Police started killing shicib cause of qabiil reason
This what the odyaasha Jeed said
dadka waa la isticmaala ma garatay. TFG iyo AMISOM waa useless laakin tageero caalami ayee le yihin. Thats why im happy Bare Hirale uses them to get international support
Ahlu Suna wee daliiliyeen. Waxa u hadlay odaayasha dhaqanka Jeed who said that kuwa ka dambeeyey xasuuqa inay yihin Cagdher ku qaraabanaya magaca Ethiopia
Ethiopia always use to cross to be in Shilabo but they never killed shicib. only these new bastards called New Police started killing shicib cause of qabiil reason
This what the odyaasha Jeed said
''Markii la abuuray kuwa New Police la dhaho ayaa dhibaatadu timid, ciidamada Ethiopia markii hore way imaan jireen halkan, dhibna kama sameyn karin laakiin kuwaan weeye kuwa dadka baabi'inayo, ra'iisal wasaaraha Ethiopia waa in uu arrin soo galaa oo uu cudur daar ka bixiyaa'', waxaas sidaasi yiri Nabadoon Aadan Cigaal Ismaaciil oo kamid ah waxgaradka deegaanka Jeed.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Bare Hirale, Ahlu Suna &TFG sign agreement to build Juba
DKMG, Ahlusuna & Madaxda Xoogaga Dooloow oo heshiis isla gaaray.
http://gedoonline.com/?p=6275
Ciidanka Dolow boorke ayee iska jafeen
waa wax mudo la sugayey
http://gedoonline.com/?p=6275
Ciidanka Dolow boorke ayee iska jafeen
waa wax mudo la sugayey
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 612 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 15 Replies
- 1324 Views
-
Last post by zingii
-
- 6 Replies
- 824 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 10 Replies
- 1110 Views
-
Last post by Advo
-
- 4 Replies
- 1311 Views
-
Last post by Magnusomalius
-
- 1 Replies
- 620 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 2 Replies
- 49 Views
-
Last post by Murax
-
- 1 Replies
- 774 Views
-
Last post by The_Patriot