Dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee gobalka Gedo xilli lagu guda jiro Bisha Barkaysan ee Ramadaan.
Ganacsigii ugu xooganaa ayaa ka jira magaalooyinka Beled-xaawo iyo Baardheere oo ah labada magaalo ee ugu weyn gobalka, wararka nagasoo gaaraya magaalada Xadka dhacda ee Beled-Xaawo ayaa sheegaya in halkaasi lageeyay Adeego muhiim u ah shacabka.
Ganacsato deegaanka ah ayaa magaalada ka hirgelisay Warshado badan oo lagu sameeyo Barafka Jalaatada iyo Joodariyaasha, Kumanaan katirsan shacabka magaalada Beled-xaawo ayaa ka faa’iidaysanaya adeegyadan casriga ah ee lagu baahiyay Beled-Xaawo iyo gobalka intiisa kale.
Warshadda Isbuunyada Shaakir ayaa xarun ka furatay magaaladaasi Beled-Xaawo, Warshadda samaysa Joodariyaasha ee xarunta ku leh magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay waxqabadkeeda ku baahisay Gobalka Gedo.
Xiliyada Afurka ayaa goobaha ganacsiga ee magaalada Beled-Xaawo laga dareemayaa Mashquul dhanka ganacsiga ah, Barafka oo waagii hore meelal aad u badneen lagu sameyn jirin ayaa gudaha magaalada lagasoo saaraa in badan taasi oo ay shacabku soo dhaweeyeen.
Ganacsatada kasoo jeeda Gobalka Gedo ee ku ganacsa jiray magaalooyinka wadanka kenya ayaa hadda ganacsigoodi usoo wareejiyay gobalka Gedo kadib markii amaanka Gobalka wanaagsanaaday islamarkaana shacab badan oo Muqdisho kusoo Barakacay ay gobalka kusoo jabeen.
Dhinaca kale magaalada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa ka jira Ganacsi heer sare ah, Khudaarta qaybeheeda kala gedisan ayaa suuq wanaagsan leh maadaama lagu jira Bisha Ramadaan oo ay qoysasku aad u isticmaalaan Khudaarta.
Dalagyo kala gedisan oo kasoo go’ay beeraha gobalka ayaa lasoo dhoobay magaalooyinka si ay shacabku u Iibsadaan, Inkastoo ay arrimahaasi jiraan hadane waxaa jira dad danyar ah oo ka qadsan ganacsigaasi xoogan sababa la xariira iyagoo oo aan iibsan karin Raashinka quutul daruuriga ah.
Daahir Guuleed
Muqdisho, Somalia
Allgedo News Media Network
Ganacsiga Magaalooyinka Gobolka Gedo oo Meel Sare Maraya
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Ganacsiga Magaalooyinka Gobolka Gedo oo Meel Sare Maraya
Waxaas waa Shiskabab dacaayad. Allgedo Shiskabab ayee tageersantahay. Way ogyihin that the Mujahids in Dolow are coming
Re: Ganacsiga Magaalooyinka Gobolka Gedo oo Meel Sare Maraya
Since there is peace and some form of administration, I think it should be supported and that peace should be protected.



- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Ganacsiga Magaalooyinka Gobolka Gedo oo Meel Sare Maraya
You use to support Shabaab, even claiming as your own 'Sadebaab', maxaa is badalay. Atleast they have peaceCoolPoisons wrote:Waxaas waa Shiskabab dacaayad. Allgedo Shiskabab ayee tageersantahay. Way ogyihin that the Mujahids in Dolow are coming

- ahmad guray
- SomaliNetizen
- Posts: 964
- Joined: Sat Apr 21, 2007 11:45 pm
Re: Ganacsiga Magaalooyinka Gobolka Gedo oo Meel Sare Maraya
nother jihad propaganda ..'Just keep drinking the Kool-Aid ..iko yar
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 648 Views
-
Last post by maxbol
-
- 3 Replies
- 705 Views
-
Last post by Berke
-
- 4 Replies
- 781 Views
-
Last post by Tijoux
-
- 0 Replies
- 692 Views
-
Last post by xidig007
-
- 2 Replies
- 8217 Views
-
Last post by GuleedWarsame
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 1 Replies
- 374 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 0 Replies
- 586 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 8 Replies
- 2236 Views
-
Last post by Adali
-
- 19 Replies
- 1770 Views
-
Last post by Real_1